MOSSAD BOQORKII BASAASIINTA Q-8

 

 

 

 

 

Eli wuxuu bilaabay in uu si maalinle ah ugu diro fariimha Israa’iil, arorrtii, labada saac, mar marna fiidkii, waxaa gabbaad u ahaa dirida taarka xarunta wasaarada gaashaan dhigga oo ayadu tabonaan siin maalitii diri jirtay, lix bilood ka dib imaanshadiisii Kamaal Amiin Taabit wuxuu noqday mid aad uga dhex muuqda bulshada sare ee Dimishiq, wuxuu go’aansaday in uu dibada ganacsi u aado,ugu horeyntii wuxuu u duulay Arjantiin halkaas oo kula kulmay saaxiibadiisii Carbeed, ka dib wuxuu u socdaalay Yurub halkaas oo uu ku wareeagy diyaarad kale kuna kala badashay baasabooradii, habeen xagaa oo kulul na uu ka dagay garoonka Lod,  wuxuuna aaday gurigii asaga oo ku raran hadiyooyin, waxaana ku sugayay xaaskiis Naadiya iyo gabadhiisa Sofiya, joogintaankiisu markuu u dhamaaday wuxuu u duulay Yurub dhowr maalmood ka dibna wuxuu yimid Dimishiq,

Intii uu joogay Israa’iil madaxdiisu waxay soo siiyeen kaamira aad u yar oo uu sawiro kaga qaado goobaha iyo dukumintiyada, nagatiifyadana ama filnka wuxuu ku soo qariyay sanduuqyo yar yar oo la hebeeyay oo aad qaali ah oo ay ku jirto shaxda lagu ciyaaro domino, , markii uu sawira qaadaba nagatifka waa in uu qariyo sanduuq yar oo uu sanduuqa u diro Arjantiin, halkaasna ay danjiraha Israa’iil ku rido dgalka safaarada ee Israa’iil loo dirayo.

Dukumintiyadii ugu horeeyay waxaa ka mid ahaa mid ka warbixinayay, kacdoon ciidamadu wadaan iyo awooda xisbi al Bacathka oo kor u socotay, Eli wuxuu dareemay in xaalad is badal qoto dheer ay ka socoto Suuriya waxaana garaadkiisu siiyay in uu saaxiibo aad ugu dhow uu ka samaysto xisbi Bacath ka, lacag aad u badana waa uu ku kaalmeeyay.

Go’aankaas uu gaaray waa uu ku saxsanaa oo 8 dii Maarso, 1963, af ganbi cusub ayaa gil gilay Dimishiq, ciidamdii ayaa dowladii hilfaha u qaaday awoodiina waxaa la wareegay xisbi al Bacathkii, saaxiibkiisii Arjantii janaraal Xafiz waxaa laga dhigay wasiirka gaashaan dhiga, balse bishii Juulaay af ganbi kale ayaa dhacay oo ahaa gudaha maamulkii xukunka hayay, janaraal Haafiz na wuxuu noqday hogaamiyaha golaha kacaanka iyo madax weynaha dalka,

Saxiibadii ugu dhow dhowaa Kamaal waxaa loo magaacay xilal sare, sida wasiiro, iyo darjooyin ciidamada, basaaskii Israa’iilna bartanka ayuu u fariistay goobta inta talisa, xafladii uu qabtay fatuurado qurxoon oo wasiiro iyo janaraalo wada ayaa villadiisa yimid, marti kale oo badana waa ay ka soo qayb galeen oo ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaan dhigga, wasiiro, janaraalo, madaxda u saraysa xisbi al Bacath, intooda badana waxay geesaha ka taagnaayeen gaashaanle sare Salim Xatum, sarkaalki hogaaminayay taangiyadii Dimishiq soo galay habeenkii af ganbig oo madaxtinnimada janaraal Xafiz gacanta u galiyay, mar danbana waxaa yimid xafladdii madaxweyne hafiz oo gacan qaaday saaxiibkiis martiqaada ah Kamaal Amiin Taabit, waxaana la socda xaaskiisa oo dhar aad u qurxoon xiranayd, Kamaal na wuxuu siiyay xaaska madaxweynha hadiyad uu ku leeyayahay waxay tusaale u tahay sida suuriyiinta dibada jira ay ula dhacsan yihiin ula duuban yihiin, madaxweyna iyo xaaskiis, xaaska madaxweynaha kaligeed hadiyad ma helin, ee hadiyooyin kale oo qaaliya is kugu dahab iyo dhagaxaanta qaali ah ayuu siiyay dumar kale, saraakiil sar sarana waxay guryahooda u sii wateen fatuurado uu siiyay, dallaalay badan ee siyaasadda na bangiyada lacag uu siiyay ayay dhigteen.

Koox saraakiil ah oo ka soo laabatay soohdinta ay la wadaagaan Israa’iil ayaa ka faalooday xaaladu sida ay tahay, ka dib waxaa ku soo biiray maal gashiyaal iyo injineero ka shaqeeya masharuuca la rabay in lagu weeciyo wabiga Urdun, barsada weyn oo ay joogeen madax sare, maamulayaasha dowlada, hoggaanka raadiya Dimishiw iyo wasiirka kicinta, hal meel ayay isugu xoonsanaayeen Kamaal na wuxuu waa uu la taagnaa wuxuuna ahaa mid ka mid ah, dowladdu waxay weydiisatay in uu ka qayb qaato borogaraamyada raadiyaha ka baxda oo loogu tala galay suuriyiinta dibada ku maqan, borogaraam kale ayaa la siiyay oo uu ku falanqaynayo xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, sidii xafladaha kale ee uu baqatay xafladaan waxaa kaga baxay hanti aad u badan, balse kama ceel qabin oo wuxuu gaaray guusha fiinteeda, mana jirin illin uusan furi karin, saaxiibo wanaagsan ayuu ku lahaa xarunta hoggaanka ciidanka, wuxuu si joogta ah uga qayb gali jiray dajinta siyaasada xisbi al Bacath ka, intaasna wuxuu Israa’iil u dirayay fariimo ku saabasan warbixino ciidan, magacyo, sirarta la ilaaliyo ee ah amarada ciidamada, wuxuu sii dhiibi jiray shaxda sida ciidamada u dagan yihiin, inta badan kuwa soohdinta Israa’iil ay la leeyihiin jooga, wuxuu faah faahiyay awooda ay u leeyihiin Suuriyiintu in ay hub cusub soo gataan, dhowr bil ka dib janaraal ayaa qirtay oo yiri, ”hub qarsoodiya oo aan haysano oo kaamil uusan ogayn ma jirin”

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply