Hungri weynan iyo daacd xumo ayaa Majiid ka dhigtay nin aan cidna la shaqaysan oo kaligiis ah, sir doonka Israa’iilna tilmaantaas ayaa soo jiidatay, waxayna ka dhigteen wakiil, in kasta oo uusan asagu dareensanayn, wuxuu rumaysnaa in uu la shaqaynayo garabka midig ee mucaaradka Suuriya, Kamaal Taabit na uu si daahsoon ugu shaqaynayo, wuxuu rumaysnaa in Kamaal meel ka soo bixi doono oo gu’yaasha soo socda uu garab u noqon doono israa’ill, Majiid shaqada u horeysay ee laga rabay in uu qabto waxay ahayd in uu boorsooyinka dhaafsiiyo soohdinta Suuriya.
10 kii Janaayo 1962, Majiid oo ka yimid Bayruut oo fartuuradii wada ayaa lagu joojiyay soohdinta Suuriya, fatuurada dabadeeda danbana waxaa ku jiray boorsooyinkii Eli oo ay ka buuxaan qalabkii isgaarsiintu, Eli na waa dhinac fadhiyay,
”Saxiib kay ayaan la kulmaynaa, magaciisuna waa abu Khalduun” ayaa Majiid yiri,”xooga xagga dhaqaalaha ayaa dhibaato ka haysta, 500 oo doollarna wax bay u noqon oo noloshiisa waa wanaajinaysaa”
Sidaas ayaa 500 oo jeebka basaaska Israa’iiliga ah ka soo baxday oo gashay jeebka abu Khalduun ay jidka ugu furtay si fudud, Eli Cohen wuxuu tagay suuriya.
Dimishiq oo ahayd meel dhaq dhaqaaq badan ka socdo, masaajidyadu aad ugu dhex firdhisan yihiin, leh saylado kala jaad jaad ah, ma adkayn in lagu dhex milmo buuqaas, balse Eli taas ka soo horjeedkeeda ayuu doonayay, in la ogaado, indhuhu qabtaan, wuxuu aqal villa ah oo aad u qurxoon ka kiraystay xaafada abu Romana, una dhow xarunta wasaarada gaashaan dhiga, balkoonka gurigiisa markuu istaagana waxaa u muuqanayay, guryaha martida ee dowlada suuriya, gurigiisu wuxuu ku dhex yaallay halka ay daganyihiin danjirayaasha, dadka hantida leh, iyo madaxda dalka hogaamisa, Eli durbadiiba wuxuu soo saaray qalabkii oo meelo guriga ka mid ah ku kala xaseeyay, si uu uga nabd galo warqaadayaal iyo tif tif wuxuu go’aasaday in uusan wax shaqaale ah uusan qoran oo kaligiis noolaado.
Ayaan wanaagiisa, wuxuu yimid Dimishiq markii ugu haboonayd, isku darsigii Masar iyo suuriya waa bur buray, oo dad reer Masar ay ku eedaynayeen Jamaal Cabdinaasir in uu waji gabax dhigay Masar, hogaamiyayaasha siyaasad iyo ciidanka Suuriyana waxay u jilbaysnaayeen in ay dhici karto in Masar af ganbi ka dhaco oo basaasiin Israa’iil qorshaha ugama jirin, dhinaca kale waxay aad ugu baahnaayeen is bahaysi cusub, taageero iyo ila dhaqaale ay ka helaan Suuriya gudaheeda iyo dadka dibada u baqoolayba, Kamaal Amiin Taabit na wuxuu ahaa daadcad dal jir ah oo milyineer ah, asaga oo ku qalabaysan waraaqhii dardaaranka ee Xassan u soo qoray, Eli wuxuu yimid xilligii la rabay, si dhaqso ah oo xalan ayuu u samaystay xariiro, waraaqihii uu watay ayaa u furay irdihii bulshada sare, bangiyadii, iyo ganacsatadii la safnayd af ganbigii Sebtember28 dii, saxiibadiisa cusub waxay Eli bareen madaxda dalka u saraysa, madaxda ciidanka, kuwa xisbiga, laba ganacsade oo hodan ah ayaa filayay in uu guusrado gabdhahooda, ninkaan dhallinta yar ee qurxoon oo milyineerka.
Kamal wuxuu lacag aad u badan ugu deeqay jikooyin dadka masaakiinta ah ee reer Dimishiq ay cunada ka cunaan, caanka uu noqday ayaa u furtay wadadii kooxda sare ee xukunka haysay, haddana waa uu iska joojiyay in uu madaxda cusub ee suuriya ku sii dheeraad, waayo wuxuu dareemayay in wuxuba ku meel gaaryihiin, oo suuriya waxay ka soo kabanaysay gariirkii ka soo gaaray kala tagii Masar.
Bil ka dib markii uu yimid Dimishiq Eli wuxuu booqasho ugu tagay, George  salim oo ahaa hage barnaamij loogu tala galay Suuriyiinta dibada jirta oo ka soo baxa idaacada Suuriya, waa ninkii Zalman uu u sheegay markii u danbaysay ee ay siraa’iilku kulmaan, George wuxuu suuriya yimid ka hor intaan Eli imaan, asaga oo adeegsanaya meesha uu joogo George wuxuu ku kordhin kara Eli ama siin kara warbixinada ku saabsan xaalada siyaasada iyo ciidanka, wuxuu tusay Eli habraaca ay siisay wasaarada dacaayada oo u kala qeexaya waxa uu idaacada ka siin dayn karo iyo wax loo baahanyahay in uu dhagaystayaashiisa ka qariyo, xaflad lagu qabtay guriga George, Eli wuxuu ku bartay saraakiil sar sare iyo siyaasiyiin aad loo yaqaan, sidii Majiid oo kale George wax uu ka ogaa ma jirin runta Eli, wuxuu ka rumaysnaa in uu yahay wadni xag jir oo wata qorshihiisa gaarka ah.
Eli kohen waa dareensanaa in uu noqday basaaska kaliya ee cidla taagan kaligiis aduunka oo dhan, saxiib iyo qof uu wax u sheegto ma jirin, war kama uusan hayn in ay jiraan shabaq basaasiin Israa’iil oo Dimishiq ka howl gala, adduunkiisa oo dhan kaligiis ayuu ku koobnaa, karti iyo ad adkaysi ayuu u baahanaa si uu ugu adkaysto kalimada iyo halista uu faraha kula jiro affar iyo labaatanka saac, xataa waa uu ogaa mar marka dhifta ah ee uu dalkiisa tago in uusan xaaskiisa la qaybsan karin sirtiisa sidaa darteed waa in uu been u sheegaa oo jaha qaldan afka u saara.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply