MOSSAD BOQORKII BASAASIINTA Q-6

 

 

 

 

Eli wuxuu kale oo uu booqday saaxiibadiisa Carabta kala ah, durbadiina waxaa boorsadiisa ka buuxay waraaqo dar daaran ah oo ay qoreen hogaamiyaasha bulshada Carabta ee Arjantiin, dhamaadkii Juulaay, 1961, Eli wuxuu u duulay magaalada Zuurikh, diyaaradii markii uu badashayna u duulay magaalada Munikh ee isla dalka Jarmalka gudihiisa ah, waxaana garoonka kula kulmay wakiil ka socda Mossad, magaciisuna ahaa Zeunger, wuxuuna ku wareejiyay Eli, baasaboorkiisii Israa’iiliga ahaa iyo tikit tel aviv ah.

Bolowgii Ogosto ayaa Eli aqalkiisii tagay wuxuuna u sheegay Naadiya in uu dhowr bilood joogi doono, bilihii uu joogayna wuxuu qaatay tababar aad u badan, barihii isgaarsiinta Yahuda ayaa dib ugu soo laabatay, waxayna ku carbisay koodadka dirida isgaarsiinta, dhowr toddobaad ka dib wuxuu awooday in uu diro ama helo inta u dhaxaysa laba iyo taban iyo lix iyo toban eray daqiiqadii, in badan ayuu ka akhriyay buugta iyo dukumintiga ku saabasan, ciidamada, hubka, shaxda Suuriya, ka dib markii ku xeel dheerayaal ay u faahfaahiyeen, wuxuu asaga qudhiisu xeeldheere ku noqday arrimaha gudaha ee Suuriya.

Cishii December, 1961, ayuu u duulay Zuurikh, asaga oo ku sii jeeda Dimishiq, Suuriya, xiisaha soohdinta Suuriya iyo Israa’iil aad ayay u kacsanayd, Suuriya waa ay tabar darayd oo tan iyo 1948, waxaa iska daba dhacayay af ganbiyo dalka gil gilay, dhif bayna ahayd in madaxweyne Suuriyaan ah oo si caadiya u dhinta, waxay ku dhiman jireen, dal dalaad, toogasho lagu xukumo ama la shirqool lagu dilo.

Dagaanaansha la’aantaas ayaa keentay in dalku mar kasta ku jiro xiisad, sida badan markii ay dowladu rabto in ay indhaha dad weynaha ka sii jeediso hurka gudaha ka socda, waxay si ula kac ah xiiso uga kiciyaan oo shil ka sameeyaan soohdinta u dhaxaysa ayaga iyo Israa’iil, fulinta dal dalaada lagu qabto goobaha dadku iskugu yimaado waxay ahayd muqaal caadi noqday, dadka la dal dalayo mar kasta waxaa ku sumadaysnaa in ay yihiin dad dalka dhagar ka qalay, basaasiin, nacabka dalka, iyo taageerayaal ama dad u shaqeeya dalal kale, Intaan Eli tagin ka hor waxaa ka dhacay af ganbi, Sebtember 28, 1961, kaas oo bur buriyay isku darsadkii Masar iyo Suuriya ee mudada yar jiray, la iskuna oran jiray labadaas dalna isku taga jamhuuriyada Carabta.

Intii uusan howl galkiisii bilaabin, Eli wuxuu la kulmay zalman oo siiyay tilaamo faahfaahsan:

”zeunger, ninka noo jooga Muunikh ayaa kuu keenaya raadiyaha isgaarsiinta, markaad suuriya tagto waxaad la xariiraysa nin ka shaqeeyya idaacada suuriya, asagu qudhiisu sidaada oo kale ayuu baqoolaa yahay, oo mar dhow ayuu dalka dagay, mana oga dhabtii qof aad tahay, ha raadin adigu, asaga ayaa xilliga ugu haboon kula soo xariirayee”

Zeunger wuxuu u keenay Eli, qalab basaadeed oo cajiib leh, xaashiyo aan khadda la arkayn oo ah furaha koodka dirida qoraalka la gudbinayo, buug loo adeegsado koodadka dirida, teebka wax lagu qoro oo jaad gaara ah, raadiye taraansistar, oo gudbiyaha ama taransimitarka la soo dhex galiya sakiimaha korntada ah ee garka lagu xiirto, xarigeedana loo adeegsanayo anteena ahaan, miinooyin ku dhex qarsan saabuuno iyo sigarro, iyo kiniini cyanide ee sunta ah ee laysku miidaamiyo, Eli wuxuu la yaabanaa sida uu qalabkaan u galin doono suuriya oo baaritaanka kastamkoodu aad u adag yahay, balse zeunger ayaa xalkii haayay oo ku yiri:

‘‘Waxaad raacaysaa doonta ama markabka astoriya ee ka baxaysa Jenewa oo Bayruut aadaysa bilowga Janaayo, qof ayaa kula soo xariiri doona doonta dusheeda, kaas ayaa ku dhaafin doona soohdinta Suuriya”

Goor aroor ah asaga oo doonta dusheeda fadhiya, ayaa nin u yimid oo si hoosa ugu yiri:

”Isoo daba gal”

Marki ay dakii ka durkeen ayaa ninkii ku yiri:

”anigu waxaan ahay Majiid shiikh al ard, fartuuradna anaa noohaya”

Taas waxay ahay baaq uu ugu sheegayay Eli in uu dhulka ka gali doono suuriya, Majiid shiikh, nin gaaban oo isku jjira, wuxuu ahaa ganacsade dagan Dimishiq, wuxuu qabay  xaas ka soo jeeda Yuhuuda Masar,

Maajid al shiikh wuxuu ku noolaa dalka Jarmalka dagaalkii labaad, wuxuuse ka baxsay halkaas markii la ogaaday in uu Yuhuuda tahriibiyo asagoo lacag ku qaadanaya, wuxuuna u cararay Faransa, halkaas oo CIA du ku  shaqaalaysiiyay oo lagu tababaray, waxayna u adeegsadeen dagaalkii Kuuriya, markii dagaalkii Kuuriya dhammaadayna waxaa lagu soo celiyay yurubta galbeed, halkaas oo uu fuliyo hadba shaqadii CIA du u dirsato.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply