MOSSAD BOQORKII BASAASIINTA Q-5

 

 

 

 

Bilowgii febaryo, 1961 ayaa fatuurad aan sumad gaar ah lahayn geysay Eli  groonka lod, nin dhalin yara haa oo iskugu sheegay in magaciisa la yiraahdo , ayaa Gideon u dhiibay baasaboor Israa’iili ah oo magaciisa runtaa ugu qoran yahay, 500 oo doollar, iyo tikidkii diyaarada,

Markii uu soo gaaray Zurikh waxaa u yimid nin timo cad oo baasaboorkiisii ka qaaday oo mid kale oo dal yurub ahna siiyay oo magac kale ku qaran yahay, baasaboorkaas waxaa saarnaa viso dal ku gal ee Jili iyo iyo mid sii marid ee Arjantiin,

”Buenos aires markaa tagato raggeena xaga jooga ayaa kuu sii dheerayn visada” ayaa ninkii ku yiri, inta tikitkii uu ugu duuli lahaa magaalada Satiyago, Jili gacanta u galiyay ayuu ku yiri,”

”Berri waxaad gaaraysaa Buenos aires, saadanbe shan saac barqadii, tag rugta qaxwada Corrintes, dadkeena ayaa halkaas ku gula kulmi doonee”

Markii Mli yimid magaala madaxda Arjatiin, hotel ayuu ku dagay, aroortii danbe shan saac oo gow ah  ayuu rugtii shaaha tagay, nin oday ah ayaa miiskii la soo faristay oo isku baray in uu yahay, Abraham Cohen, kuna hagaajiyay guri horey loogu sii ijaaray, una sheegay in bare uu la soo xariiri doono kaas oo af Ibaanishka bari doona,

“Wax kale oo aad xil iska saartaa yaysan jirin, dhaqaalaha aniga ayaa meel saaraya” ayuu ku yiri

Sadeex bilood ka dib Eli afkii Isbaanishka waa uu baraty, magaaladii si fiican u kala bartay, si fiicana u xaragoonayay, una dhaqmayay sida carabta kale ee dalkaan u soo baqooshay, bare kale ayaa baray sida loogu hadlo carabiga dhawaqa suuriyiinta, Abraham ayay ku kulmeen rugtii qaxwada waxaana uu siiyay baasaboor suuriya oo ku soo baxay magaca Kamaal Amiin Taabit, wuxuuna ku yir:

“Intaan toddobaadku dhamaan waa in aad cinwaankaaga badasho oo meel kale u guurtid, ku furo xisaab bangi magacaan, bilow in aad tagtid makhaayadaha Carabta, shaneemooyinka filimada Carabta lagu dhigo, golayaasha siyaasada iyo dhaqanka ee Carabta, isku day in aad saxiibo badan kasbatid, xariir la yeelo hoggaamiyaasha bulshada Carabta, waxaa aad tahay gadiste iyo ganacsade aan caadi ahayn, ganacsigaagu waa dhoofinta iyo soo dajinta, waxaa kale oo aad ku lug leedahay, gaadiidka iyo maal gashiga, deeqaha Carabtu iska aruuriso aad ugu gacan furnoow, ayaan wanaagsan baan kuu rajayn”

Dhabtii basaaskaan israa’iliga ah ayaankiisu waa wanaagsanaaoo bila yar gudahood wuxuu bartanka u galay bulshadii Suuriyiinta ee Arjantiin, fur furnaatiisa qofeed, isku kalsoonidiisa, garaadkiisa, ayuu Carab badan ku soo jiitay, si dhaqso ah ayuuna u noqday muuqaal aad looga yaqaan carabta dhxdeeda.

Fursadii waxay timid markii uu gole Muslimiinta uu kula kulmay nin aad loo xushmeeyo, dhargashigiisu sareeyo, bidaar leh iyo shaaribo waaweyn, iskuna baray in la yiraahdoCabdi ladiif Xassan, tifat tiraha wargayska toddobaalaha ee la yiraahdo aduunka carabta ee Arjantiin lagu daabaco, C/ladiif aad ayuu ula dhacay dadnimada Suuriyaankaan soo baqoolay, labadoodiina waxay noqdeen saaxiibo isku dhow.

Ka qaybgalkii gole dhaqameedya waxaa ku xigay, si fiican u dhex galid iyo la kulan hoggaamiyaasha bulshada Carabta, Eli wuxuu ku guulaystay in uu marti u noqdo danjiraha dowlada Suuriya, waxaa lagu marti qaaday jiray xaflado iyo soo dhaweyno, xaflad rasmi ah oo ka dhacday dan jiraha ayaa Cabdiladiif wuxuu Eli ku baray jeneraal suuriya oo dharkii ciidanka qaba,

”waxaan ku barayaa dal jirkan dadkiisa iyo dalkiisa jecel janaraale” Xassan yiri, oo inta ku jeestay Eli ku yiri: ”adna waxaan ku barayaa janaraal Amin al Hafiz, ergayga ciidamada suuriya u jooga danjiraha”

Waxay u muuqatay in Eli soo istaagay halkii u danbaysay ee qorshihiisii is barshada iyo dhexgalka, waxaana yimid xilligii basaasnimada dhabta ah ay bilaabmi lahayd, kulan qarsoodiya ee uu la yeeshay Abraham bishii Julaay 1961, aroortii ku xigtay Eli wuxuu u yimid xafiiska Xassan,

”Waan ka daalay oo iga soo horbooday Arjantiin” ayaa Eli ku yiri Xassan,

Wuxuuna yiri dalkiisa suuriya wax walba waa ka jecel yahay, in uu dib ugu laabto ayuu doonayaa, wuxuuna weydiiyay Xassan in uu dadk kala dardaarmi karo ama ku hagaajin karo si uu ay wax u kala tusaan inta uu Suuriya jooga, Xassan durbadiiba wuxuu qoray warqo, mid wuxuu u qoray seedigiis oo Alaxsendariya jooga, labana rag saxiibadiisa ah oo Bayruut jooga oo midkood yahay nin awood ku leh Libnaan, oo bangiiile yahay, mid afraadna wuxuu u qaray wiilkiisa oo jooga Dimishiq, dhammaantoodna uu kala dar daarmay in si wanaagsan loo soo dhaweeyo Eli lana kaalmeeyo.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply