Maalin ayaa Eli xafiiska waxaa u soo galay nin oo ku yiri:
”Magacaygu waa zalman, waxaana ahay sarkaal sirdoonka ka tirsan, waxaana rabaa in aan shaqo ku siiyo”
”shaqo caynkee ah”?
”shaqo xiisa badan weeye, Yurub ayaad in badan u socdaalaysaa, laga yaabee xataa in aad dalalka Carabta aado adiga oo noo shaqaynaya”
”anigu haddaan guursaday” ayuu yiri ”inaan Yurub iyo meel kalaba u socdaalo ma doonayo”.
Hadalkii intaas ayuu ku xirmay balse arrintii intaas kuma dhamaan, Naadiya uur ayay qaaday, shirkadii uu shaqaynayay waa laga cayriyay asaga iyo shaqaale kale, shaqa kalana waa uu waayay, balse maalin ayaa nin gurigiisa ugu yimid, wuxuuna ah zalman oo mar kale soo rogaal celiyay, wuxuuna ku yiri:
”Maxaad u diidan tahay in aad noo shaqayso? Mushaar fiican baan bishii ku siinaynaa, 195 doollar, lix bilood ayaan ku tababaraynaa, markaas ka dib haddaad ka heshid waad shaqayn hadii kale waad iska dhaafaysaa”
Markaan waa uu yeelay eli, wuxuuna noqday sirdoon, [qaar ka m id ahaa shaqaaligii Aman ee howl gabka noqday, ayaguna sheeko kale ayay sheegaan oo ah, in uusan u shaqayn sirdoonka Aman markii uu yimid Israa’iil, sababtuna tahay, markii nafsiyan loo baarayay ayaa waxaa muuqday in ninkaan oo si heer sare ah iskugu kalsoon yahay, geesi yahay, xasuus aad fiicana leeyhay, balse uu naftiisa aad uga bad badiyay oo uu yahay dadka qar iska tuurka ah oo aan waxba ka waaban, dabeecadiisaas ayaa ka dhigtay in uusan u qalmin in uu u shaqeeyo Aman, balse waxay Is rogeen bilowgii lixdameeyada, oo ururka 131, ee howl galada gaarka ee Aman waxya raadinayeen qof u qalma in la geeyo Dimishiq, Suuriya, gu’yaashii la soo dhaafay Suuriya waxay ahay dalka ugu colaadinta badan Israa’iil dalalka carabta, dagaal ayay la gashay Israa’iil ka dhacay buuraha golan iyo harada galilee, wuxuu ku soo yaacisay Israa’iil ururo argagixisa ah, haddana waxay qorshaynaysay in ay samayso qorshe weyn oo ay rabto in ay weeciyaan biyaha wabiga Urudun oo Israa’iil biyo la’aan ku dhacdo, kontomeeyadii Israa’iil waxay samaysay mashruuc ay tuubooyin waaweyn iyo kanaalo lagu gaynayo gobolka Najev, biyahaasna waxay ka imaanayeen qaybta wabiga Urdun ee Israa’iil dhex marta, shirar badan oo dalalka carabtu yeesheen waxay ku go’aasadeen in wabiga Urdun la weeyciyo si loogu dhameeyo qrshaha mashruuca Israa’iil, howshaasna waxay dhabarka u ritay Suuriya, Israa’iil ma noolaan karto la.aanta biyaha wabiga Urdun, waa inay samaysa sidii aysan Suuriyiintu arrintaas ugu guul darraysan lahaayeen, waxaaana loo baaahday basaas Dimishiq jooga, qof lagu kalsoonaan karo, isku kalsoon, geesi ah, tilaamihii shaqada Aman loogu diiday markii hore ayaa hadda noqday tan cutub ka 131 ee Aman u baahanyahay, [konton gu’ ka idb waxaa la sheegay in howshaas markii hore loo rabay Sami, Naadiya waalkeed, balse uu diiday, markii danbana noqday gabayaa caan ah]  tababarkii Eli wuxuu ahaa mid dheer oo adag, aroor walba gurigiisa ayuu ka baxaa oo aadaa xarunta tababarka ee Aman.
Dhowr toddobaad wuxuu lahaa hal tababare oo la yiraahdo Yitzak, ugu horeyn wuxuu xafiday sida dusha wax looga qabto, loo xafido, Yitzak miiska ayuu ku daadin qalimo, furayaal, sigaar, piinan, Eli na ilbiliqsi ama labo ayuu eegayaa ka dib waa in uu idhaha isku qabto oo uu tilmaan ka bixiyo siday u egyihiin, wuxuu kale oo bartay in uu aqaansado noocyada taangiyada, hoodooyinka, madaafiicda, Yitzak wuxuu ku yiraahdaa ina mari magaalada aadnee, markay jidadka buuqa badan ee tel aviv marayaan ayaa Yitzak si hoosa ugu yiraahdaa:
”ma u jeedaa dabakaaydaas wargaysyada lagu gado, orod tag oo iska dhig qof wargays akhrinaya, isla markaasna isku day in aad ogaato qofka dabagalka kugu haya”
Markay ku laabtaa xarunta Yitzak  wuxuu ka dhagaystaa war bixnta, ka diban wuxuu tusaa sawiro badan oo uu ku yiraahdaa ka soo dhex saar dadkii daba galka kugu hayay,
”waa runtaa, kan waa ku daba joogay, kanse ka waran sidii hooskaaga ayuu kuu daba joogay markaad keed geedka ag joogtay”
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply