dhallinyaradu ma aysan u lahayn tababar howl gallada caynkaas ah, bambooyinka ay adeegsanyeen waxay ahaayeen kuwa bilow ah oo aan xoog lahayn, si kastaba howl galkii gabbalkiisa ayaa dhacay oo waa shaqayn waayay, markii laba qarax oo yar yar la sameeyay, 23 kii Juulaay ayaa jeebka waxaa ugu qarxay bambo yar oo filip natanson uu watay asaga oo hortaan shaneemo kutaal lsaksandariya, ciidankii booliiska ayaana aqabtay, maalama gudohoodna waxaa lagu qab qabtay dhamaan intii kooxdaas ka tirsanayd, Eli Cohen waa uu ku jiray, balse baaritaankii qolkiisa lagu sameeyay waa laga waayay wax tusiya in uu xariir la lahaa kooxdaas, waana la sii daayay,  balse boolisku gal ayay u sameeyeen, sawirkiisu ku dhagan yahay, warbixintiisu ku qoan tahay, Eliyahu Ben-Shaul kohen, ku dhashay aleksandariya 1924, ay dhaleen, shaul iyo safiya kohen oo meel aan la ogayn dalka ka aaday 1949, Eli waxaa la dhashay laba gabdhood iyo shan wiil, wuxuu ka baxay kolejka Faransiiska, haddana dhigta jaamicada Faruuq ee Qaahira.
Maasridu ma aysan ogayn in caddii Eli ay u baqooleen Israa’iil, balse markii la sii daayay Eli wuxuu go’aasaday in uusan cararin ee uu Masar sii joogo,
Bishii oktoobar Masaridu waxay ku dhawaaqday in ay qabtay basaasiin Israa’iiliyiin ah, 7 dii December na waxaa furmay maxkamadayn toodii, makis bonnet oo ahaa basaas Israa’iilah, waa uu is dilay intaa maxkamada la gayn ka dib markii halbowlaha gacanta uu is jaray, oo asaga oo mayd ah ayaa loogu tagay qolkii uu ku xirnaa, xeer ilaalintu waxay makamada ka cosatay in qaar ka mid ah eedaysanayaasha la qabtay lala tiigsado dil daldalaad ah, Janaayo 17, 1955 ayaa maxkamadii ciidamadu ku dhawaaqday xukunkii, laba danbi waa lagu waayay, labo waxaa lagu xukumay toddoba gu’ iyo shaqo culus, laba waxaa lagu xukumay shan iyo toban gu’, labadii hogaamiye ee kooxda Dr Moshe Marzuk iyo injineer, Shmuel Azaya waxaa lagu xukumay dil dal dalaad ah.
Arrintii cirka ayay isku shareertay Israa’iil dhexdeeda, yaa amaray howlgalkaan doqonimada ah? War suganna lagama gaari isweydiintaas, Lavon iyo Benjamin midba midka kale ayuu ku eedeeyay arrintii, ugu danbayn Lavon shaqadii ayaa laga cayriyay, Benjamina in la dalacsiiyo ayaa laga mamnuucay, muddo ka dibna asaga ayaa is casilay oo ciidankii ka baxay.
Eli kohen saaxiibo ayuu ku waayay halkaas, in kasta oo dowlada masaaridu u argatay Eli in uu yahay la tuhunsane, hadana ma uusan ka bixin dalka wuxuuna sii watay howlihiisii, balse dagaalkii kanaalka suweys ka dib ayuu aaday Israa’iil, la qabsigii Israa’iil uma fududayn intii hore, oo toddobaadyo ayuu raadinayay shaqo, waxaase markii danbe kaalmo u noqday afafka badan ee uu yaqaan oo ahaa, Ingriis, Carabi, Faransiis, iyo Cibri, wuxuuna shaqo ka helay sirdoonka Aman oo uu u turjumo wargaysyada afafakaas ku soo baxa, xafiiskiisuna waxuu ku yaalay oo gabaad u ahayd sar ganacsi,
eli wuxuu qaadanayay mushaar fiicaan 170 gini Israa’iil ”xilligaas oo Israa’iil gini adeegsan jirtay” Una dhigantay 95 doollarka maraykanka ah, dhowr bilood ka dib shaqdii ayaa laga cayrshay,  markaas ka dib saxiibkiis oo asna ah Yuhuudi Masri ah ayaa shaqo uga helay shirkad dukaamo waaweyn leh oo xisaabiye ahaan ku qaadatay, shaqo caajis ah ayay ahayd balse mushaar aad u fiican bixinaysay, walaalkiis wuxuu baray gabar qurxoon oo kalkaaliso caafimaad ah oo la dhalatay aqoon yahan dalka laga yaqaan oo la yiraahdo sami, bil ka dibna asaga iyo Naadiya waa isku guursadeen.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply