Mersiyer, qareenkii wuxuu u tagay madaxweynaha oo uu weydiistay in uu Eli xabsiga ugu tago si uu ugu soo wakiisho oo u soo saxiixo in uu qareen ugu noqdo, balse madaxweynihii diidmo qayaxan ayuu diiday, balse mersiyar wuxuu ogaaday in rag dowlada ka mid ah ay garab taaganyihiin Eli oo ay rabaan in Eli maxkamad la soo saaro, ayaga oo leh eedaysane walba wuxuu xaq u leeyahay in maxkamad caadila uu helo, hiilo ayay u ahaayeen Eli balse eujeed kale ayay lahaayeen ayagu oo ah, gor gorro badan ayaa ciidamada ku jiray oo nacab u ahaa madaxweyne Xafiz, waxayna doonayeen in ay banaanka soo dhigaan xariirka dhow ee madaxweynuhu la lahaa Eli markii Eli maxkamada la saaro, waxay ku fakarayeen maxkamad la saaro Eli in ay arrintaan ay soo baxayso oo banaanka u soo saaraysa musuq maasuqa ka jir dowlada, balse waxaa si adag uga soo horjeestay gor gorradii ciidanka koox kale, intii xariir dhaweyd la lahayd Eli oo dhan ayaa ka soo hor jeesatay, waa ogaayeen haddii maxkamad weyn la saaro Eli in dhammaantood ay ku danbaynayaan xariga dal dalaada, halka higsi oo ay lahaayeen wuxuu ahaa in aan la gayn Eli maxkamad la wada ogyahay wax kasta oo ay ku qaadato, Eli kohen na sida ugu dhaqsiyaha badan looga takhaluso.
Ugu danbayntii maxakamad gaar ah oo ciidan oo irduhu u xiran yihiin ayaa la saaray, war si gaar ah loo xulay kaliya yaa laga sii daayay muuq baahiyaha dalka, maxkamadu qareen difaac malahayn iyo xeer ilaliyaba, markii Eli uu yiri waxaan u baahanahay qareen, qaaligii wuxuu ku yiri:
”Uma aad baahnid qareen ku difaaca, war baahinta qurunka ah oo dhan ayaa kula jirta, cadowga kacaanka ka soo hor jeeda oo dhan ayaa difaac kuu ah”
Sida muuqatay qaaliga ayaa isku ahaa, kii wax warsanayay, qareenkii difaaca, xeer ilaaliyhiin, iyo qaaligiiba, waxaase intaas oo dhan ka sii xumaa, qaaligu wuxuu ahaa sareeye guuto Salah Dali oo ahaa Eli saaxiibkiis ay isku wanaagsanaayeen, saaxiibkiis kale oo ay aad isgu dheeraayeen gashaanle, Salim Xatum, wuxuu ka mid ahaa qaaliyaasha, oo si uu u baabi’iyo nux nuxda la isla dhex marayo oo ahayd in Salim iyo Eli ay ahaayeen saaxiibo isku dhinta, ayuu Eli weydiiyay,
”Ma taqaan gaashaanle, Salim Xatum”
Sidii arbe qoraal loo soo qoray jilaya ayuu inta maxkamdii indhaha la raacay Eli yiri:
”Maya, maxkamadaan ugama dhex jeedo” Qaybtaas waxay laga sii daayay muuq baahiyaha dalka, mersiyar wuxuu yiri:
”Markii intaas muuq baahiyaha laga soo saaray, Dimishiq oo dhan ayaa ku qososhay, waxaas maxkamad ma ahayn, ee waxay ahayd meel maadays murug leh loo tagay”
Kaamirada waxaa ka muuqday, Eli kohen, el Ard, al Diin, Serf, iyo dowr sharmuuto, balse yay ahaayeen naagaha kale? Ma naaga madax sare lug ku leh ayay ahaayeen? Ma Xog haymahoodii baa? Ma Kuwa saaxiib lahaa Eli iyo madaxda al Bacath baa? Sidee ayuu u la xariiri jiray ragga gacanta ku hayay asaga ee Israa’iil joogay? Waxaa lagu eedeeyay oo lagu soo oogay basaasnimo, balse intii maxkamadu socotay hal eray lagama oran wuxuu sameeyay iyo wixii laga helay taranmiterka,
Waxa kaamirada laga arkayay Eli oo qoortu gariirayso oo dhinac u dad baya, waxaana taas u sabab ahaa jirdilkii korontada loo adeegsaday oo nerfihiisa wax gaarsiiyay.
31 kii maarso ayaa maxkamdii ciidan ku soo saaraty go’aankii, Eli kohen, Majiid shiikh al Ard, iyo laba xiddigle, Zahir al Diin waxaa lagu xukumay dil, mersiyer wuxuu qaaday olole kale oo bilihii Abriil iyo May wuxuu Dimishiq yimid saddex jeer, wuxuuna keenay gor gortanka Israa’iil ogoshahay, marka kowaad, Israa’iil waxay diyaar u tahay in ay Suuriyo siiyo daawo iyo qalab beereed oo malaayiin doollar gaaraya, si loo badbaadiyo nolosha Eli, Suuriyiintuse waa ay diideen, mar kale waxay ogolaadeen Israa’iil in ay sii daynayso oo Suuriya dib loogu soo celinayo 11 Suuriyaan ah oo xabsiga Israa’iil ku jiray, taasna waa ay diideen Suuriyiintu.
1 may, Majeed shiikh waxaa dilkii loogu badalay madaxaa ha ku furto, 8 may, waxaa si rasmiya loo shaaciyay xukunkii Eli, Mossad waxay isku dayday tallaabadii ugu danbaysay oo ay isku dayayaan in ay ku badbaadiyaan Eli, Naadiya Cohen, waxay dnajiraha Suuriya ee Baariis geysay codsi ay ku codsanayso in ninkeeda la cafiyo, codisyo kale oo badanna aduunkay ka kala yimaadeen,
Codsiyadaas waxaa ku saxiixnaa dad badan oo ifka caan ka ah, sida, pop Paul VI, boqorad Biljam, boqorada Ingriiska, siyaasiyiin Kanadiyaan ah, wadaado iyo wasiiro Talyaani ah, laba xubin oo baarlamanka Ingriiska ka tirsan, ururka xuquuda dadka, bisha cas.
8 dii, May, saqdii dhexe ayaa hurdada laga kiciyay Eli, waxaana loo xiray khamiis cad, waxaana loo ogolaaday in uu waraaq u qoro ciddiisa, waxayna erayo is weydaarsadeen wadaad Yuhuudiga ah, raabaay Nassim Andabo, askartii waxay xabadka ugu xirtay boor uu ku qaran tahay xukunkii lagu xukumay, wuxuuna koray halkii lagu dal dali lahaa, dal dalaagii oo sugayay si dhaqso ah ayuu xarrigii qoorta ugu galiyay oo si adag ugu sirqiyay, Eli neefta ayuu isku ceshay wax uumaqalna waxaa ugu danbaysay sagxada hoose oo la furay, rag iyo dumar intii meesha joogatay oo daawanaysay dilka basaaska Israa’iiligaa farxad ayay la qayliyeen,.
DHAMMAAD
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply