MOSSAD BOQORKII BASAASIINTA Q-11

 

 

 

 

Aroor maalin Janaayo ah, laba saac oo gow ah, ayaa affar sidrdoonka Suuriya ah ay jabiyeen illinkii aqlka Eli oo gudaha isku dhigeen, waxayna qumaati u aadeen qolka fiika ayaga oo gamaha ku sita bastooladahoodii, basaaskii qolka ayuu ku dhex jiray, mase jiifin ee asaga oo howshii dirada ku jira ayaa lagu qabtay, durbaba inta booday oo istaagay ayuu fool ka fool u hor istaagay ciidankii, mana cararin mana ka firig firigayn in la qabto, waqtigu markaan waa ka hiiliyay.

”Kamaal Amiin Taabit. Waad xiran tahay” ayaa sarkaalkii kor ugu dhawaaqay.

Warkii sidii bal dab qabsaday ayuu Dimishiq ugu faafay, wax dhici kara maahan, wax laga yaqyaqsado weeye, qarracankii madaxda sare ku dhacay wax lagu sifeeyn karay ma jirin, ma dhici kartaa nin ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiga, madaxweynaha saxiibkiis run ah, milyineer ah, hantiwadaag ah in uu yahay basaas? Balse cadaynta ayaa wax walba ka weynayd, qalabka lagu qabtay oo la hayo, tarnsimitarkii, nagatiifyadii, sigarada miinada ah, koodadkii,  waa tuhun la’aan in uu basaas yahay, madaxdii oo jaha wareersan ayaa baaritaan buuxa in la sameeyo amartay, dhab ahaan muxuu ogyahay Kamaal? Mauxuu sidaan u yeelay? Madaxweyne Xafiz ayaa ugu yimid halkii uu ku xirnaa oo ku waraystay,

”intii aan warsanyay” ayaa madaxweynuhu yiri mar danbe ”indhaha ayaan si fiican uga eegay, tuhun xunna waa I galay, waxaan dareemay ninka I hor  fadhiya in uusan carab ahayn, si dagan ayaa u weydiiyay dhowr weydiimood, oo ku saabsan diinta muslinka iyo quraanka, waxaan weydiiyay in uu faataxada akhriyo, balse dhowr aayad ayuu dhib ku sheegay, wuxuu damcay in uu is difaaco oo wuxuu yiri Suuriya aniga oo aad u yar ayaan ka tagay oo si fiican wax uma xasuusto, balse markaas waxaa ii cadaatay in uu Yuhuud ahaa”

Jir dilayaashii ayaa intii dhimanayd sameeyay oo foolkiisa iyo jirkiisa oo dhaawac ah iyo ciddiyihii oo laga saaray, qirashadiisii waxaa loola cararay madaxweyne Xafiz, ninku maba hayn Taabit ee wuxuu ahaa Eli Cohen, Yuhuudi sida qirashada ka muuqatay, 24 kii janaayo, 1965 ayaa Dimishiq sheegaty in ay gacanta ku dhigtay basaas Israa’iil ah oo mihiim ah, sarkaal sare oo warbaahinta la hadlayay wuxuu yiri:

”Israa’iil waa shaydaan, Eli Cohen waa wakiil shaydaan”

Walaac ayaa ku baahay Dimishiq kaas oo ah, ma kaligiis ayuu ahaa mise dad ayaa la shaqaynayay? Waxaa la qabtay lixdan iyo sagaal qof, oo labaatan iyo toddoba ka mid ah ay dumar ahaayeen,

Dadka la qabtay waxaa ka mid ahaa, Najiid Shiikh al Ard, Georgei Salim Self, laba xiddigle Zahir al Diin, saraakiir ka tirsanayd wasaarada dicaayada, dhillooyin, iyo dumar kale oo aan aqoonsigooda la sheegin, affartii boqol ee qof ee Eli la xariirtay dhamaantood waa la baaray oo la warsaday, waxaa banaanka u soo baxay in siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo badan ay la yihiin Eli saaxiibo dhow oo baarayaashu aysan ku dhicin, magacyadoodiina waa la qariyay, waayo haddii dadweynuhu ogaadaan madaxdaas, waxay u qaadanayaan in ay kooxda Eli ku jireen, suuriyiintu waxay ogaadeen in Eli oo aad isgu taxalujiyay in aan la ogaan dadka warka u keena, sidaa dartee waa ay adkayn in la ogaado inta uu la egyahay shabaqa baasaaseed uu sameeyay, madaxdii Israa’iilna qarac ayay ka qaadeen markii ay maqleen qabashadiisa, waxayna rajo ka qabeen in ay bad baadiyaan sidaa darteed waa laga ilaaliyay qabashadiisa in gudaha laga ogaado, balse dadkii xaqa u lahaa in ay ogaadaan waa loo sheegay sida walaalihiis, oo lagu yiri

”walaalkiin Dimishiq ayaa lagu xiray, waxaana lagu eedeeyay basaasnimo”

Mid ka mid ah caruurta oo wiilashii ah ayaa hooyadood u sheegay oo ku yiri”

”hooyo Eli waxaa lagu xiray suuriya”

”suuriya? Sideena? Ma si gaf ah ayuu soohdinta u gudbay”

Hooyadii qaracan bay la suuxday Naadiya caruurtii ay dhex istaagnayd oo yaabanayd, horeyna tuhu waa u qabtay in uusan wax walba u sheegin, balse waligeed uma malayn in ninkeedu howl noocaana ku lug leeyahay, jaallayaashiisii shaqada ayaa isku dayay in ay dajiyaan xaaska oo ku yiri:

”Baariis ayaad u duulaysaa, qareeno ayaan u qabanaynaa, wax kasta oo lagu badbaadin karo oo la awoodo waa lagu dhaqaaqayaa”

31 dii Janaayo, waxaa magaalada Dimishiq yimid, mid ka mid ah qareenada ugu waaweyn Faransiiska, wuxuuna ka socday oo soo shaqaalaysiiyay qoyska reer Cohen muqaal ahaan, balse kharajka waxaa bixinayay dowlada siraaiil,

”maalintii u horeysay ee aan imid Dimishiq, ayay ii cadaatay in Eli Cohen arrintiisu afka ka xiran tahay, in la daldalayo, waxaan kaliya ee aan isku dayay waxay ahayd in aan waqti ugu dheereeyo, oo aan ka shaqeeyo sii gor gortan u Eli laha aan ku badbaadiyo nolosha Eli” ayaa qareenkii mar danbe sheegay.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply