13 nuveber 1964, oo arbaca ah, ayaa ciidanka suuriya ee soohdinta, una dhow tuulada tel dan ee Israa’iil waxay xabado ku fureen cagaf cagaf ka shaqaynayay goobta ciidanka ka caaggan, Israa’iilna markiiba waa u soo jawaabeen waliba si xoog badan oo taangiyo iyo mdaafiicda goobta ayaa duqayn bilaabay, daqiiqado ka dibna diyaaradaha dagaalka ayaa soo galay dagaalkii oo duqeeyey fadhiisimo suuriyaan ah, una sii gudbay dhinaca wabiga Urdun iyo bartii la doonayay in biyaha laga weeciyo oo bur buriyay kanaaladii Suuriyiintu sameynayeen, wargaysyada aduunku waxay ku eedeeyay in Suuriya ayadu ay bilowday weerarka, bilo ka dib ayaa saraakil Suuryaana waxay sheegeen in qorshihii weerarkaas uu keenay Elin kohen, Israa’iil waxay ku mahdinaysay Eli oo ku soo wargaliyay in ciidamaa Suuriya oo markaas diyaardaha Miiga helay aysan xarfaan ku hayan weli dagaalka iska hor imaada, Israa’iiliyiintu waxay kale oo ogaayeen oo uu u gdbiyay xayndaabyada ciidamada, sida biya weecintu u shaqaynayso, waxay ogaayeen tirada hubka Suuriya, jaadadkiisa, gooba ay kala yaalaan, iyo goob walba inta taal, Eli kohen intaa ka badan ayuu ogaa, wuxuu ku guulaystay in uu la saaxiibo maal magashade Sucuudi ah oo qandaraaska ku qaaday mashruuca biya weecinta, sidaas ayaana Israa’iil ku ogaatay bilo ka hor meesha laga samaynayo, inta uu qoto la egyahay iyo inta uu ballac la egyahay, qalab jaadkee la adeegsanyaa iyo faah faahimo kale, qandaraas qaatuhu wuxuu u sheegay Eli inta ay la egtahay oo uu iska celin karo kanaalku duqaynta cirka iyo wax yaaba kale oo la xariira nabada kanaalka, magaca saaxiibka Eli ee Sucuudiga ah wuxuu ahaa ben Ladin, Usama ben ladin aabihiis, Israa’iil dhowr jeer ayay duqayn ku weerartay kanaalka, tan iyo intii markii danbe carabtu ay go’aansatay in la joojiyo mashruuca 1965.
Markii Eli uu ka laabatay iraa’iil, waxaa soo gaaray Naadiya postcard, Eli wuxuu Naadiya u soo diray poscard kuna qoran afka faransiiska uu ku leeyahay:
”Qaalidaydii Naadiya, waxaan ku leeyahay sannad cusub, oo aan rajaynayo in uu rayn rayn iyo wanaag qoyskeena u keeno, adiga iyo caarruurtaba, dhungasho badan ayaan idin siin, si aad ah ayaan kuu jeclahay”
Markii ay Naadiya heshay pstcard ka Eli waxaa lagu ciqaabayay oo lagu jir dilayay qol shamiita ah ee ku yaal xabsiga Dimishiq dhexdiis.
Intii bilo ahayd sirdoonka Suuriya aad ayuu u feejignaa, waxaana dareenka keenay madaxa laanta Falastiiniyiinta ee sirdoonka suuriya oo la yiraahdo Tayara, Tayara wuxuu dareemay in tan iyo 1964, go’aan kasta oo dowlada Suuriya ay gaadho fiidkii iyo xataa habeenkii, in subixii laga sii daayo qaybta afka carabiga ee raadiyo Kol Israa’iiln oo dowlada Israa’iil ay qarash galiso, taas waxaa ka daran Israa’iil waxay shaaca dunida uga qaaday go’aamo sir culus ah oo lagu gaaray shir qarsoodiya, Tayara waxuu aad ula yaabay sida duqayntii Israa’iil ay u ahayd mid sugan, dagaalkii november 13 keedii, waxa kaliya oo maan galka ahaana waxay ahayd in Israa’iil aqoon fiican u leedahay goobaha ciidamada ee soohdinta jooga, ayana Israa’iil si cad u ogaayd halka ay duqaynayaan iyo sida ay u duqaynayaan, wuxuuna ku soo gaba gabeeyay aragtidiisii in basaas Israa’iil uu ku dhex jiro madaxda sare ee dalka, uuna warka ku dirayo taransimite xarig la’aan ah, balse aaway taransimitarkaas?.
Dayrtii 1964, Tayara iyo jaallayaashiisu si ba’an ayay iskugu dayeen in ogaadaan halka uu yaal taransimitarka qarsoon ayaga oo adeegsanya qalab soofiyeet, bals waa ay ku guul darraysteen, ka dib Janaayo, 1965 ayaa ayaankoodu wanaagsandaay oo markab Soofiyeetku leeyahay ayaa rar dhowr kontaynar oo qalabka isgaarsiinta ah ku dajiyay dekada Laataqiya, waxaana la doonayay in qalabkaan cusub lagu badalo kii hore ee la adeegsanayay, si qalabka cusub loo rakibo waxaa la joojiyay dhamaan isgaarsiintii ciidanka muddo saacado ah, markii isgaarsiintii ciidanka oo dalka oo idin aamusnayd ayaa askari isgaarsiineed oo hor fadhiyay qalab isgaarsiin oo war qabashada kaliya ah, wuxuu dareemay tilamaan tarsimiter oo aad u daciif ah, basaaskii oo war diraya uu adeegsanayo, askarigiina telefoon ayuu qabsaday oo war galiyay dadkii shaqada ku lahaa, sirdoonkii oo ku qalabaysan qalab Soofiyeti ah oo lagu ogaado halka taransimitarku ka soo baxayo ayaa raadis ugu dhaqaaqay, nasiib darro taranmitarkii waa joogsaday intii aysan gaarin meeshii uu ka baxayay, balse qiyaastii farsama yaqaanku
waxay tilmaamaysay aqalka Kamaal Amiin Taabith,
”Si ayaa khalad u jiraa” ayuu yiri sarkaalkii watay ragga.
Wax aan garaadka ku soo dhacay ayay ahayd in Kamaal oo hoggaamiyayaasha al Bacath rabaan in ay wasiir ka dhigaan marka la gaaro dhisida gole wasiiro, in uu yahay basaas, Kamaal tuhun oo dhan waa ka koreeyay, balse fiidkii taransimitikii shaqadii ayuu bilaabay, sirdoonkii mar kale ayay direen kooxdii baadi goobka, hadana sidii iyo si la eg ayay noqotay.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply