Sheekadan waxay ku saab san tahay basaaskii Eli Cohen, ee loo yaqaanay boqorka basaasiinta, waana sida ay Mossad u sheegtay dhacdada oo ka gadisan sida Carbtu ay sheegtay in wax u dhaceen.
“Gacaliso Naadiya, gacaliyayaal qoyskayga, waa erayadaydii u danbeeyay, xaaskayga waxann ka codsanyaa in ay i cafiso oo ay nadteeda ka taxadarto iyo wax barasha caruurta, gacaliso Naadiya, waad guursan karta mar kale si ay iilmaheenu aabe u yeeshaan, waxan kaa codsanyaa in aadan ku dul murugoon tagtada ee aad ayatiinka aad fiiriso, jacaylkayga iyo dhunkashadayda ayaan kuu soo dirayaa, ii soo ducee, odagaagii Eli Cohen”,
Waraaqdaan waxay gaaratay xafiiska madax Mossad, Meir Amit, Eli Cohen oo ahaa mid ka mid ah basaasinnta ugu geesisan ifka ayaa warqaaqdan gacantiisa ku qaray, ayada gariiraysa daqiiqado ka hor intaan lagu dal dalin magaalada Dimishiq.
Sir nololeedka Eli Cohen waxay bilaabaty labaatan gu’ ka hor, maalin kulul ee bratamhihii bishii Juulaay 1954, asaga oo u socda aqalkiisa ee ku yaalay magaalada Qaahira, soddon jir dheer, qurxoon, shaariba madoow, waxay jidka isku arkeen wadaygiisii hore oo hadda ciidanka booliiska masaarida ah, oo ku yiri”
‘‘Caawa waxaan qab qabanaynaa argagixiso Israa’iil ah, mid ka mid ah waxa la yiraahdaa, Shmuel Azar”
Eli la dhicid iyo ka helid warka loo sheegay oo been ah ayuu muujiyay, markii ay kala tageenna durbadiiba wuxuu u rooray gurigiisii oo uu ka qaaday qori gacmeed, bambooyin, iyo dukumintiyo yaalay, Eli aad ayuu ugu dhex jiray dhaq dhaqaaq qarsoodiya oo Yuhuuda Masar waday, wuxuu dajin jiray naqshada iyo marimada ay ku baxsadaan qoysaska Yuhuuda ah iyo dukumintiyada been abuurka ah oo u samayn jiray qoysaska Yuhuuda ah ee raba in ay Israa’iil aadaan, wuxuu kale oo uu xubin ka ahaa urur qarsoon oo yuhuud ahaa oo fuliyay howlgalkii loo yaqaanay, arrimihii Lavon.
1954 ayaa madaxda Israa’iil waxay ka war heleen in Ingrisku uu ka baxayo Masar gabi ahaanba, Masarna waxay ahayd dalka carabta ugu awooda badan, waxay kale oo ahayd nacabka ugu horeeya ee Israa’iil, inta Ingiriisku Masar joogo oo uu saldigyo iyo garoomo ciidan ku leyahay daanta kanal suweys Israa’iil baqdin weyn ma qabto, saamaynna waa ku yeelan kareen ciidanka isla shaqeeya ee dalka xukuma, balse hadii Ingriisku baxo saamayntaas waa dhamaanaysaa, dhinaca kalana saldhigyadii, garoomadii ciidamada, bakharo qalab iyo hub ka buuxa, waxay gacanta u galayaan Masaarida, Israa’iilna dhowr gu’ uun bay jirtay oo waxay noqon kartay bar tilaameed ay dagaal ku soo qaado Masar oo ka weyn kana hub fiican, si ay u aarsadaan jabkii ku dhacay 1948 markii ay Israa’iil madax banaanida u dagaalamaysay, is weydiintu waxay ahayd, go’aanka Ingriiska ee ka bixida Masar maxaa baajin karaa? Ben gurion waa uu ka fariistay shaqadii oo ma uusan ahayn madaxa dalka waxaana badalay Moshe Sharret oo ahaa dhex dhexaad daciif ah.
Pinhas Lavon, wasiirkii gaashaan dhigu si cad ayuu awooda ugu la looltami jiray Sharret, Pinhas Lavon iyo madaxa ciidamada sirdoonka ee Aman, Benjamin, waxay qorsheeyeen howl gal halis ah oo doqonnimo ah, ayaga oo ka qariyay madaxa wasiirada Sharret iyo Mossadba, waxay heleen qodob ka mid ah heshiiska ay Maasirada iyo Ingriisku kala saxiixanayeen oo u oggolaanaya Ingiriiska in uu dib ugu soo laaban karto saldhigyadeeda hadii ay timaado dhibaatooyin culus, waxayna iska dhaadhiciyeen haddii qaraxyo argagixiso dalka Masar dhinac ka dhinac is qabsato in Ingriisku ka labaanayo go’aankiisa, Lavon iyo Benjamin waxay go’aasadeen in qaraxyo laga sameeyo Qaahira iyo Aleksendaria, gaar ahaan la la beegsanayo hoyga buugta lagu akhristo ee Ingriiska iyo Maraykanka, goobaaha dhaqamada ee labdaa dal, Shaneemooyinka, xafiisyada boostada, iyo dhismayaal kale, wakiilada Aman ee Masar joogay waxay bilaabeen in ay carbiyaan dhallin yaro Yuhuud ah oo reer Masar ah, oo u qiiraysan Sahyuuniyada oo horeba naftooda u huray howshaan, Aman waxay jabisay xeerkii u yaalay sirdoonada Israa’iil oo ahaa in aan marna loo adeegsan howl gallo colaadeed dadka Yuhuuda ah ee daggan dalka ama goobta howl galka laga fulinayo, waayo waxay keeni kartaa i ay naftooda ku waayaan ama bulshada Yuhuuda ah ee halkaas daggan oo dhan ay naftoodu halis gasho.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply