Rawaashid oo kamid ah sirdoonka ciidamada ee Suuriya ayaa wuxuu arkay hirarka siin la dirayo, siinkaas iyo xilligaas ba kuma jirin qoraalka liiska qaybta la socodka siimanka la dirayo, siinkaas wuxuu ku waqti ahaa oo tashwiish ku furay xiilliga ay dirsanayso safaaradda Hindiga,
Safaaradii Hindigu cabasho ayay u gudbisay wasaarada arimaha dibada in xilliga la siiyay ee ay siinka dirsanayso laga soo dhex galo, saaxiibtinnimada ka dhaxaysa Hindiya iyo Suuriya darteed, madaxa wasiiradda janaraal Amiin haafid wuxuu u yeeray madaxa qaybta sirdoonka ee ciidamda gashaanle Axmad Suweydani oo uu u sheegay cabashada safaarada Hindiya, kulankaas gaashaanle Suweydani wuxuu u ballan qaaday madaxa wasiirada in ay daba galayaan oo raadinayaan hirarka siinkaan aan la aqoon halka ay ka yimaadaan, una malaynaan qaybta sirdoonku in hirarka siikaas uu ka yimaado safaard kale, Rawaashid iyo kooxdii daba galku waxay is tusen in hirarku ka imaanayaan machadka xiriirka Carabta iyo Farnsiiska ee ku yaal jidka abu Roomana oo u dhaw halka Eli daggan yahay, xoog ayayna gudaha machadka ku galeen daba galkii sirdoonku balse waxba wa ka waayen.
Iftiimintii u horeysay arrintaan waxay ka timid injineer laba xiddigle Rabaat, oo asagu jarmalka galbeed si gaara ugu ku soo bartay isgaarsiinta haddana ka shaqeeya qaybta daba galka, Rabaat wuxuu u sheegay laba xiddigle Maxamad Naasiif oo asna markiisa u sii sheegay madax qaybtooda, dhamme Maxamad Bashiir in uu jiro qalab casri ah oo jarmalka yaal oo awood u leh in uu sheego barta siinka laga dirayo, saddexdoodiina waxay isku raaceen oo u tageen gaashaanle Suweydaani arrintiina hor dhigeen, asna amar ayuu ku siiyay injineer Rabaat in uu isku diyaariyo in uu jarmalka sida ugu dhaqsaha badan u aado oo uu qalabkaas soo iibiyo, qalabkaasna waxaa laga iibiyaa ciidamada oo kaliya oo ciidan uun baa adeegsada, sidii la rabay ayay wax walaba u socdeen, injineerkiina waxa uu soo laabtay asaga oo qalabkii wada, si dhaqsa ahna waxaa u bilowday dabagalkii siinka, waxaana qalabkii sheegay sarta hirarku ka soo baxayaan.
Markii la hubsaday shaki la’aan in sartaan herarku ka soo baxayaan ayaa laanta dabagalku sartii ka ijaarteen qayb isku xiran, waxayna keeneen hab qorsheed fudud oo waxay hawshooda ugu weyn ku koobeen in markii hirarka siinku hawada soo galaan habeenba guri laga damiyo dabka in ilbiliqsiyo ah,  waxaana la ogaaday in guriga Eli ”Kamaal Amiin Taabit” laha laga diro,
aroortii ku xigtay sirdoonkii oo u hoggaminayo Suweydaani xoog ayay ku galeen gurigii Eli ayaga oo iriddi gudaha isku dhigay, Eli oo kadis ay ku noqotay dhacdadu ayaa ka  istaagay kursigii uu ku fadhiyay oo miiska ka gadaaleeyay, raggiina wax waa ay ka wayeen miiskii iyo meelo kale oo ay baareen, asaga markii la weydiiyayna waa uu inkiray in gurigiisa wax siin ah uu yaal, intii baaritaanka lagu jiray ayaa mid ka mid ah ciidamada waxaa lugta u galay xarriga daaha, markaasuu xoog juf siiyay, waxaana soo dhacay daahii oo uu ka soo daba dhaca qalabka warka la iskugu diro oo kayd ahaa, naxdintii uu naxay Eli waxaa gacantiisa ka dhacay qalab kale oo yar oo uu markii guriga la soo jabiyay uu adeegsanayay, waxaa god yar oo qalabka la eg uga qodnaa miiska korkiisa, wuxuuna ku dabooli jiray harraga ballaaran ee miisaska la dul saaro si waraaqaha loogu kaydsado.
Suweydaani waxa uu ka dalbay basaaskii in uu diro farriin uu qaray asaga Suweydaani ah, waana uu diray, balse dhanicii Tel aviv jawaab kama imaan, waayo sida kadis ka ah ee farrintii hore u joogsatay ayay ka dareemeen in xaal xun yahay.
Waxaa u ugu horeeyn baaritaanka laga bilaabay, horta ma yahay ninkaan sida uu sheegayo Suuri qurba joog ah oo muslin ah, wargaysyadii Suuriya ayaa qoray 24 janaayo 1965 in la qabtay basaas, warbaahinta Israa’iilna aad ayay u buunbuunisay oo fidiyeen dacaayado ay ka mid tahay in Eli uu xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynaha dalaka janaraal Amiin Xaafid oo ay Arjantiin isku barteen, Amiin Xaafid oo war jecli gashayna waxuu rabay in uu ogaado in basaaskaan ay ku kulmeen Arjantiin, markii uu arkayna Amiin xaafid waa uu inkiray inuu waligiis arkay.
Intii baaritaanku socday. Baarayaashii waxaa tuhun ka galay in ninkaan siduu sheegayo uu yahay, muslin qurba joog ah, si taas loo hubsadana waxaa loo sheegay in uu akhriyo suurat al faataxa, markii u gaf gafayna waxaa baaritaankii loo wareejiyay in uu yahay Israa’iili, sidaas ayaa Eli ku qirtay cidduu ahaa, oo ka sheekeeyay sooyaalkii noloshiisa oo ay ka mid hayd in Israa’iil tababartay si Suuriya loogu dhex beero.
Markii baritaankii dhammaday ayaa maxkamad ciidan la horgeeyay asaga iyo intii taqaanay oo 40 qof  gaaraya oo taban ka mid ah ay dumar yihiin, 33 ka mid ah dadkii oo dumar ku jiro danbi waa lagu waayay, Qudbi iyo Waa’il mid saddex billod aya lagu xukumay, al maat lix bilood, Goerge Seef iyo Mucazi Sarudiin kiiba shan sano, Maajid shiikh na toban sano, Eli Cohen waxaa lagu xukumay dil daldalaad ah, xukunkaasna waxaa lagu fuliyay 18 may 1965 oo lagu daldalay barxadda Marja, halkaas oo uu ka laadlaaday affar maalmood tan iyo intuu ka fuuray oo uu ka uray, dadaal badan oo dowladaha reer galbeed u galeen in xukunka loo yareeyo Eli hal bacaad lagu lisay ayuu noqday.
Maalintii Cohen la qabtay maalintii ku xigatay waxay Suuriyiintu gacanta ku dhigeen, Farxaan Ataasi iyo Cabdulmuciin Xakimi oo u shaqeeynay sirdoonka Maraykanka, maxkamad dadg dag ah oo la saarayna labadodii waxaa lag xukumay dil daldalaad ah, inkasta oo Maraykanka iyo dowlado badan ay ka codsaden surriyiinta inaan la dilin Farxaan Ataasi oo dhalasho maraykan ah watay, hadana dowlada Suuriya waa diiday, ayagoo leh dal walba asagaa u madax banaan siday ula dhaqmaan dhagar qabayaasha.
24/2/1965 ayaa Ataasi iyo Xaakimi lagu daldalay barxadda marja, dadweynihii oo daawanaya iyo warbaahinta caalmka oo joogta, isla markaasna dowlada Suuriya waxay dalkeeda ka cayrisay danjirihi Maraykanka u fadhiyay Suuriya.
Sida israa’iil ayaduna sheekadaan u soo tabisay waan soo dhigi doonaa haddii alle idmo
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply