MOSSAD-BASAASKII ELI COHEN-Q-3

 

Muddo lix bil ah markii uu ku guuldarraystay Eli in uu helo meesha Brunner joogo, aya waxaa looga yeeray tel aviv, ka dib markii uu u gudbiyay madaxdiisa magacyadii dadka uu bartay oo ay ka mid ahaayeen, Goerge seef oo ahaa qurbo joog hodan ah oo Arjantiin ka soo laabatay iyo wariyaha sii daaya barnaamijka ka baxa raadiyaha ee loogu tala galay Carabta ku nool koofurta Ameerika kuna baxa afka Isbaanishka iyo arday kulliyada caafimaadka ee Arjantiin ka soo carary markii af ganbe ka dhacay iyo Mucazi sahrudiin oo ka shaqeeya wasaaradda dowladaha hoose iyo tuulooyinka iyo kuwa kale, waxaana loo sheegay in uu Dimishiq ku laabto oo xiriirka uu la leeyahay kamaal Khashni iyo Goerge Seef iyo Mucazi Sahrudiin iyo Haytham Qudbi oo ka shaqeeye bangiga dhexe iyo ninka uu guriga ku yaal xaafada abu Roomana uu ka kiraystay, waxaa loo sheegay in howshiisa u weyn ay tahay,

1-dhaqdhaqaaqa ciidaan wuxuu maqlo iyo wuxuu arkaba, si kasta oo aysan asaga macno ula lahayn,

2-xogta dhaqaalaha iyo siyaasadda oo uu u kuur galo,

3-wararka xanta ah iyo ku tiri ku keentayda ee ku saabsan xaaladda siyaasadeen tan dhaqaale iyo tan ciidan.

 

 

Ninka ay aad u saaxiinbeen oo isku raaci jireen meel kasta. Wuxuu ahaa Mucazi, ninka uu abtiga u yahay abaanduulaha ciidamada, in kasta oo abtigu uusan la socon xariirkoodu inta uu la egyahay hadana war fiican ayaa ka soo gaaray Eli in uu yahya nin wanaagsan oo hodan ah, Eli sadex qof ayuu warka uu helo inta badan ku tiirsanaa, Goerge Seef iyo wariyaha oo uu ka heli jiray xogta siyaasadda, Qubdi oo ku soo dhaweyn jiray bangiga dhexe oo wax walba oo weydiimo ah oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maaliyada uga jawaabi jiray, iyo Mucazi oo markii xisbi Bacath qabsaday xukunka loo magacaabay hoggamiyaha ilaalada qaranka ee magaalada Idlib kuna marti qaadi jirayna Eli oo ay mar mar isku raaci jireen soohdiinta Suuriya iyo turkiga, Eli na gurigiisa ayuu ku marti qaadi jiray markasta oo Mucazi Dimishiq yimaado.

Mar qura ayuu shaaca ka qaaday Eli in uu soo xirayo ganacsigiisa Arjantiin oo uu usoo wareegayo Suuriya, dalkiisa uu jecel yahay oo uu san weligii fursad u hEli inuu ku dhex noolaado, laba bil ka dib markii uu u soo wareegay Dimishiq, Israa’iil waxaa gaarray fariintii u horeyasay ee uu diro, taas oo bilow u ahayd farriimo  is daba joog ah ee uu dirayay oo saddex gu’ socday , is ku cel celis wuxuu diri jiray laba fariin ugu yaraan toddobaadkii, waxaa balaartay dhex galkiisii bulshada oo xariiro wanaagsan la yeeshay dad badan, sida sarlkiil ciidan oo sar sare, masuuliyiita xisbiga, waxaana caada u ahayd in uu dadka ugu tago goobahooda shaqada, ayaguna wax weyn oo dhib leh uma aysan arkayn in ay kala sheekaystaan habka xeel haddi dagaal ka dhex bilowdo ayaga iyo Israa’iil, iyo in ay uga jawaabaan weydiimihiisa ku saabsan diyaaradaha Miiga iyo Sookhaay ama gujisyada dhawaan ka yimid Soofiyeetka iyo farqiga u dhaxeeya taangiyadda T52 iyo T54 iwm, ka basaas ahaana aad ayuu u danaynayay, hubaalna intaas oo dhan eray eray ayay u gaarayeen Israa’iil, oo ay la socdaan magacyada iyo dhaqdhaqaayada saraakiisha Suuriyiinta oo meelaha kala gadisan iyo guutoonyin kala gaddisan  jooga,

 

Siptember 1962 nin ay saxiibo ahaayeen ayaa u waday gudaha buura golan halka Suuriyiintu difaaca kaga jiraan, waxuuna sawiro ka qaaday dhamman wixii uu ku arkay meesha asagoo adeegsanaya kaamira yar oo saacadiisa ku samaysan, saacadaasi waxay ka mid tahay walxaha uu markanku ku kaalmeeyo basaasiinta Israa’iil.

 

Inaksta oo sawiradaan oo kale ay hay haysteen Israa’iiliyiintu oo uu maraykanu siiyay markuu dusha ka soo sawiray goobtaas, haddana tani waxay noqotay hubin si fiican loogu kalsoon yahay, iyo kalsoonida lagu qabo  heerka ay gaartay basaasnimada Israa’iil, 1964 ayaa Aman lagu daray sirdoonka Mossad, Eli wuxuu u diray Mossad war bixi baahsan oo dhan oo ku saabsan difaaca Suuriyiinta ee agaaga Qunaydara, warbixitiina wuxuu ku caddeeyay taangiyada ruushka ee T54, iyo meelaha ay kala yaallaan, sidoo kale wuxuu ku sheegay qorshaha Suuriyiinta ee ruushku dajiyay ee ah in hadii dagaal dhaco si dhaqsa ah ugu faafaan waqooyiga Israa’iil, guulaha uu gaarayna waa sii kordhen, waayo lacag ayuu ku hafajiyay oo ugu deeqi jiray xisbiga Bacath, awoodna dhinac walba waa ka lahaa, wuxuuba ku sigtay in uu xisbiga madax ka noqdo ama madax wasiirada noqdo.

 

1965 ka dib markii muddo shaqadaas ka waday Dimishiq, ayaa Suuriyiintii dareemeen in go,aanda dowladu ay gaaraan Israa’iil oo laga sii daayo idaacada Israa’iil qaybteeda afka Carabiga.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply