MOSSAD-BASAASKII ELI COHEN-Q-2
Arjantiin waxaa ku soo dhaweeyey basaas Israa’iili ah oo wata magaca Abraham, kaas oo kula taliyay Eli in uu si fiican u barto afka Isbaanishka si uusan u kashifmin, Eli na si fiican ayuu u bartay, Abraham na wuxuu ka taageri jiray xagga dhaqaalaha iyo waxii kale oo u baahn yahay iyo in uu u hubiyo in howlgalkaan lagu guulaysto, basaasiin kale oo joogtayna waxay ku kaalmeeyeen sidii uu u unki lahaa shirkad gaadiid, muddo hal gu’ ku dhowna wuxuu dhisayay sumcadiisa ah inuu yahay ganacsade hodmay oo Suuriyaan ah oo Arjantiin daggan, wuxuuna gaaray heer aan tuhun iyo war gali karin inuu yahay ganacsadahaas Suuriga ah ee hodanka ah, wuxuuna dhex galay oo qof caadiya ka dhex noqday bulsha weynta Carbeed ee dalka daggan, asagoo uu muujinyay inuu yahay mid aad ugu qiiraysan dadka Suuriyeenta ah iyo dalkiisa Suuriya ayuu wuxuu noqday mid aad ugu sharfan isku imaatinnada Carabta iyo xafladahooda, taasna waxay u fududeysay in uu saxiibtinnimo adag la yeesho diblomaasiyiinta Suuriya. Golihii Carabta ee bionis ayris ayaa ka dalbaday in uu u yimaado si uu u barto dadka Suuriyiinta ah, dadkii uu halkaa ku bartay waxaa ka mid ahaa Cabdulladiif al Khashni oo ahaa, tafaf tiraha warhayska ”Al Caalam al Carabi” oo afka Carabiga ku soo baxda, barashadaasna waxay u horseeday in uu barto dad badan oo ganacsato ah oo Suuriyiin ah iyo inuu tago xaflado badan oo jaaliyada Carabtu dhigato iyo diploomsyiintu, asaga oo tix raacaya hagida tababarihiisa Eli wuxuu u sheegay Khashni in uu rabo in uu aado dalalka Carabta si uu ugu faahfaahiyo shirkad dalxiis oo uu wax ka leeyahay, Khashni wuxuu u sii dhiibay waraaqo ku socda saaxiibadiis iyo mid ku socota wiilkiisa Kamaal ee Dimishiq jooga kulana dardaarmay in uu si fiican usoo dhaweeyo una hagaajiyo Kamaal Amiin Taabid,
Eli bishii Disembar 1961 ayuu ku laabatay tel aviv halkaasna waxaa lagu siiyay tababar hor leh oo ku saabsan qalabka uu Suuriya u qaadan doono kadib waxa uu aaday yurub, bilowgii 1962 waxay isku barteen magaalada Jenawa basaas ciidanka Nato u shaqeeya, asna wuxuu sii baray Suuri basaas u ah CIA da oo la yiraahdo Maajid al Shiikh, waxaana uu u diyaariyay Maajid baabuur yar oo ay ku dhex qarsoontahay qalabkii basaasidda ee Eli watay.
Bishii koowaad ee 1962 Eli iyo Maajid waxay raaceen dooni u socata Bayruut, ayaga oo sii qaatay baabuurkii yaraa, waxayna Bayruut gaareen, 8 bishii koowaad 1962, Maajidna waxaa loogu sheekeeyay in ninka la socda uu u shaqeeyo naato. Maalintii labaad ee joogitaankoodii bayruut Maajid waxa uu wacay saxiibkiis Nasrudiin oo ka shaqeeya nabad sugida Suuriya wuxuuna ka codsaday in uu ugu yimaado soohdinta si uu uga kaalmeeyo galainta fatuurada, sidaas ayayna ku balammeen, aroortii 10 bishii kowaad Nasrudiin waxa uu ku sugayay soohdinta, sidaas ayaana lagu galiyay fatuuradii oo sida qalabkii Eli Suuriya ku basaasi lahaa.
Maajid al Shiikh wuxuu ku noolaa dalka jarmalka dagaalkii labaad, wuxuuse ka baxsay halkaas markii la ogaaday in Yuhuuda tahriibiyo asaga oo lacag ku qaadanaya, wuxuuna u cararay Faransa, halkaas oo CIA-du ku shaqaalaysiiyay oo lagu tababaray, waxayna u adeegsadeen dagaalkii kuuriya, markii dagaalkii kuuriya dhammaadayna waxaa lagu soo celiyay yurubta galbeed, halkaas oo uu fuliyo hadba shaqadii CIA du u dirsato.
Eli wuxuu tagay gurigii Kamaal Khashni wuxuuna uuna siiyay wiilkii warqqdii aabihiis u soo dhiibay, ku noqnoqshadii guriga Khashni Eli wuxuu kaloo bartay nin ay daris yihiin reer Khashni oo la yiraahdo, Mucazi Sarudiin oo uu abti u yahay abbaan duulaha ciidanka Suuriya, Cabdikarim Sahrudiin.
Howsha ugu horeysay ee la rabay inuu qabto waxay ahayd in uu soo ogaado halka uu dagan yahay, Alois Brunner oo ahaa sarkaal sare ee Jarmal xiilligii dagaalkii labaad, gacan yarena u ahaa Adolf Eichmann oo ahaa madaxa ciidamda gastepo, Brunner waxaa uu ku eedaysnaa in uu in ka badan 100,000 uu Yuhuud ah uu diray xeryaha lagu gubi jiray Yuhuuda, markii jarmalku jabayna u soo carary Masar oo ganacdase hub ka ahaa, ka dibna wuxuu u soo wareegay Suuriya asaga oo la baxay magaca Goerge Fisher,wuxuuna ka furtay xafiis ay shirko ku yihiin nin Suuriya iyo mid Jarmal ah, waxayna ka shaqeyn jireen kala gadista hubka gaar ahaan waxay hubka u soo iibin jireen jabhadii xoreynta al Jeeriya, wuxuuna markii danbe u noqday la taliye madaxweyne Xaafid al Asad, Israa’iilna si ba’an ayay u raadinaysay in ay gacanta ku dhigaan, balse wuxuu Suuriya ka baxay wax yar ka dib markii Eli yimid, waxaa kale oo uu raadinyay in uu ogaado meesha uu joogo safriikii hore ee biljam u fadhiyay Suuriya, oo asagu la shqaynayay sirdoonka Suuriyiinta oo dagaalkii libnaan ee 1958 hubka u gudbin jiray kooxdii ka soo hor jeeday Kamil Shamcon oo dhowr jeer xataa ku gudbiyay fatuurada safaaradda ee taarikada diplomaasigu saaran tahay, markii arrintiisii la ogaadayna waxaa magan galyo siyaasadeed siisay dowlada Suuriya, wuxuuna dagay tuula la yiraahdo Carna.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply