Sheekadaan oo ninka saxiibkay ah, soomaali weyn iga soo codsaday, laba si ayaa loo soo tabiyay, Israa’iil si ayay u sheegtay, Carabtuna si, waana isku dhow yihiin qaabkoodu, in kasta oo faah faahino badan ku kala tagsanyihiin, waxaana jeclaystay marka hore in aan soo horumariyo sida Carabtu wax uga qortay, ka dib aan soo bandhigo sida Israa’iil uga sheekaysay.
Eli Cohen Yuhuudi Suuri ah kana soo jeeday magaalada xalab, wuxuuna ku dhashay magaalada Aleksandariya ee dalka Masar 26kii Disembar 1926, halkaas oo awoowgiis u soo baqoolay oo uu dagay, wuxuu ahaa basaas Israa’iiliya oo ka dhex shaqeeyeey dalka Suuriya.
Gugii 1944 Eli Cohen wuxuu ku biiray, ururka dhallinyarada Yuhuuda sahyuuninidda ee Aleksandariya, aad ayuuna ugu qiiraysnaa siyaasada Sahyuuniyadda, gu’gii 1948 dagaalkii ka dib wuxuu ugu baaqay dadkii ururka kula jiray in ay aadaan Falastiin, 1949 waxaa u guuray Falastiin labadiisii walid iyo walaalihiis, asaguse wuxuu ku haray Aleksandariya oo uu ka hoos shaqaynayay, Abraham Daar oo ahaa mid ka mid ah basaasiinta Israa’iil ee cuslaa ee joogay Masar, una yimid Masar in uu basaaso iyo in uu sameeyo dad Mossad la shaqeeya, iyo in uu ku boorriyo dadka Yuhuudda ah in ay u baqoolaan Falastiin, wuxuuna ku joogay Masar magaca John Darling, waxuuna sameeyay shabaq isku dhafan oo basaasiin ah oo  fuliyay qaraxyo is daba jooga oo lala beegsanayay baraha dowlada maraykanu ee ku lahayd Masar, si uu u xumaado xiriirka masaarida iyo maraykanu,
Gugii 1954 ayaa la qabatay qaar ka mid ah dadkii qaraxyadaas geystay, qaraxyadaas isku dirka ahaa ee loo yaqaanay fadeexadii Lafon, markii waraysigii lala lahaa Eli Cohen dhamaaday, wuxuu ku guulaystay in uu ka dhaadhiciyo raggii wax baarayay in uusan wax danbiya lahayn, sidaas ayuuna Masar uga baxay gu’gii 1955 oo uu ku aaday Israa’iil, wuxuuna ku biiray ciidanka sirdoonkka gudaha ee Israa’iil ee loo yaqaan Aman oo ciidanka xooga dalka hoos taga, waxaana dib loogu celiyay Masar, balse indhaha sirdoonka masaarida ayaa ku soo jeeday oo aan illoobin tagtadiisii hore, waxaana la qabatay dagaalkii oktoobar 1956.
Markii la sii daayay 1957, wuxuu dib ugu laabtay Israa’iil halkaas oo uu xisaabiye ugu shaqaynayay shirkad, xiriirkiisii nabad suggidda Aman na waa go’ay, balse dib wuxuu u bilowday markii shaqada la eryay oo uu ciidanka ugu shaqa bilaabay turjumaan ahaan, shaqadaasna asaga ayaa iskaga tagay, wuxuuna guursaday gabar Yuhuud ah oo ka soo jeeda Marooko, 1959, sirdoonka Israa’iil waxay is tuseen in Eli Cohen uu qaban karo shaqooyin wanaagsan oo xagga sirdoonka ah, dib ayaana loo furay galkiisii si shaqo loogu diro Masar, balse qorshahaas waa la badalay oo waxaa la is tusay meesha uu ku fiican yahay inuu ka shaqeeyo  oo basaas ka noqdo in ay tahay Dimishiq, waxaana bilaabatay howl gal culus oo loogu diyaarinayo howshaas, wax dhibana kuma hayn afka carbigu waayo wuxuuba ku dhashay Masar.
Sirdoonkii Israa’iil waxay been abuureen oo u sameeyeen sooyaal qofeed, oo ah, inuu yahay nin muslin ah, magaciisa la yiraahdo Kamaal Amiin Taabit oo ciddiisu u baqooshay Masar,  adeer kiisna uu aaday Arjantiin 1946, markaas ka dibna ay ka daba tageen asaga iyo ciddiisu 1947, aabihiisna uu wadne xanuun ugu dhintay Arjantiin gu’gii 1952,  hooyadiisa ay lix bil oo kalia ka danbaysay aabihiis, adeerkiisna mar hore uu geeriyooday sidaasna uu kali ku noqday kana ganacsan jiray dharka, tababar waxaa la siiyay dhinaca qalabka bassaasnimada loo adeegsado, sida qalabka is gaarsiinta, qorida farta qarsoon, isla markaana waxaa la baray wax kasta oo ku saabsan Suuriya, waxa uu dusha ka qabtay magacyada siyaasiyiinta iyo ragga dhaqaalaha ee waaweyn, waxaa si fiican loo baray quraanka iyo diinta islaamka, 3 Febaraayo 1961 ayaa Eli u duulay magaalada Zurikh ee dalka Jarmalka, halkaasna uu tikit kale oo mgaca Kamaal Amiin Tabit ah ka jartay una duulay dalka Jili si uu uga soo galo Arjantiin oo markaas aan aad loo baarayn dhalashadiisa cusub, intaasna waxay ka ahayd taxadar uun.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply