Rajo ayaa jirta ayaa avner is yiri, haddii kale muxuu isser u rabaa in mar kale ay kulmaan? Laba maalmood ka dib avner wuxuu galay sar bartamaha tel aviv ku taal oo aan summad lahayn, sabab uu uga baqo isser ma jirin, waayo jawi dagan oo saxiibtinimo ayaa kulakoodii hore ahaa, isser waa uu sugayay wuxuuna geeyay qol weyn oo miis laba kursi uun dhex yaalaan, dariishaduhuna daahan yihiin, avner markii uu fariistay ayaa si kadis ah caro jiq siisay isser oo foolkii ka duuday, oo inta gacantii ku garaacay miiska yiri:
”Waxaa tahay basaas soofiyeeti, qiro, qiro” asaga oo calaacalahiisa oo duuban miiska ku garaacaya hadana yiri
”Qiro, qiro waan ogahay in soofiyeetku ku soo diray, oo aad basaas tahay, qiro”
Avner meeshii uu fadhiyay ayuu ku qalalay hadalna waa ka soo bixi waayay.
“qiro, hadaad qiratid, waan ku kaalamyn haddi kale……
Avner wadnahaa bug leeyay, asagii oo dhan dhidid qaboow baa qooyay, hadalna waa ka soo bixi waayay, hubaal waxaa u ahaa in dhamaadkiisii yimid, oo isser awoodo in uu dilo, markii danbe intuu xoog iska raadiyay ayuu yiri:
”Waan qirtay, waxaan u shaqeeyaan ruushka”
Isser irid xirnayd ayuu furay waxaana ka soo baxay laba nin oo mossad ah iyo nin askari ah oo jeebeyay avner, waxaana loo waday qaybta waraysiga, tallabo tallabo ayuu u sheegay wuxuu yahay, ujeedkiisa dhabtaa, in uu ahaa shuuci tan iyo yaraantiisii, in ay tababareen sirdooka soofiyeetku oo uu ku biiray intii uu iswizerland joogay, dagaalkii labaad ee addunkana uu soofiyeetka basaas u ahaa, markaas ka dibna waxaa loo sheegay in uu israa’iil aado oo halkaas ku sugo, in badan wax shaqo ah looma dirin, gu’ yaal badan ayuu farrin ka sugayay sofiyeetka, balse sirdoonkii soofiyeetku lama aysan soo xariirin tan iyo intii uu shaqada ka bilaabay biljam.
Warbixino muhiim ah ayuu ugu gudbiyay ruushka uu ku saabsan, heshiiska ka dhaxaysa israa’iil iyo shirkada hubka samaysa ee biljam, wuxuu siiyay koodadka ay adeegsato wasaarada arrimaha dibada ee israa’iil , xataa wuxuu sheegay laba nasiyiintii jarmal ka aha oo israa’iil u basaasa oo jooga masar, balse intaas kuma filnayn saraakiishii soofiyeetka ee avner gacanta ku hayay ama hagayay, ee waxay rabeen in avner uu dhex galo mossad, taas ayayna ahayd tii uu aad iskugu dayay avner tan iyo intii uu la kulamay qayladii isser ee ”qiro”.
Isser wax cadayn ah kuma uusan hayn in avner inuu basaas yahay, tuhun uun baa ku jiray balse cadayn in uu basaas yahay ma hayn, muddo hore ayaa qof ku yiri isser , avner waxaa looga soo cayrshay iskaashatii uu la joogay in uu aragti shuuci leeyahay, isser wuxuu ku howl galay dareenkiisa uun iyo laba laba u gee, sida uu avner ugu haarayay ama u doonayay in uu mossad ka mid noqdo, booqashada la yaabka leh ee uu gabdhiisa ugu yimid, isku dayga uu isku dayay in uu isser ku qanciyo in xarun laga furo yogoslaafiya, iyo dhacdoodyin yar yar oo kale ayaa ku kulmay maskaxda isser, waxaana u soo baxday in uu yahay khaa’in raba inuu soo dhexgalo xeradiisa, maxakamada markii la saray avner waa qirtay waxaana lagu xukumay 14 gu’, damiin banaan joog ah ayaa sagaal gu’ ka dib loo ogolaaday, wuxuuna noqday mawaadin wanaagsan iyo dhaqtar cilmi nafsiyeed, isser wuxuu xusuus qorkiisa ku sheegay in avner uu ahaa basaaskii ugu halisanaa ee israa’iil lagu qabto, hadana uu ahaa basaas akhyaar ah, muddo mar laga joogo avner wuxuu noo sheegay in booliiskii iyo ciidankii shabak ”u dhigma fbi da maraykanka” ee waraysanayay ay inta badan saxiibo noqden, muddo aan yarayna arrinta avner waxay ahayd mid aad loo qariyo oo mossad ka ilaalisay in ay banaanka u baxdo.
Balse yuu ahaa isser yare? Nin hadal yar, xishood badan, madax adag, waxaa uu ku dhashay magaalada qalcadda qaraamiga ah ee dvinsk, ee boqortooyadii ruushka; waxaa la yiri markuu u soo boqoolay israa’iil wuxuu jiray siddeed iyo toban, wuxuu watay qandi xabbad kibis ah ugu jirtay, rootiga dhexdiisan waxaa ku jiray bastoolad uu ku soo dhex dubay rootiga,. Isser yare ayaa markii ugu horeysay degay kibbutz shefayim, halkaas oo uu ku guursaday gabadh bashaashad ah oo la yiraahdo rivka, naag leh, fir fircoon,madax adag, oo adkaysi bdan, sababa aan la garayn ayuu uga tagay kibbutz asaga iyo xaasii,iyo ilmo yar, xoolo aduun oo fara ku hayayna ma jirin, intii lagu jiray dagaalkii dunida, wuxuu ku biiray haganah wax yar ka dibna wuxuu noqday madaxa waaxda yuhuudda ee shaay, ee raad gooba khaa’imiinta iyo kuwa mucaaradka ah. “mucaaridku” waxay ahaayeen xubno ka tirsan irgun iyo kooxda stem,
Laba urur oo garabka midig ah oo qarsoodi ah oo la tartamayey maamulka iyo siyaasadda david ben-gurion iyo ururkabulshada yuhuudda. Ka dib dhimashadii isser weyne, isser yare wuxuu noqday madaxa amniga gudaha, shabak. Mossadna waxay ahayd uun biloow markii ben-qurion, si kadis ah uu u oggolaaday is casilaadii reuven shiloah wuxuuna u magacaabay isser madaxa mossad. Sababta rasmiga ah ee loo badalay shiloah waxay ahayd shil baabuur oo la sheegay inuu awooddiisii kala dhantaalay, balse xanta mossad waxay ahayd in isser uu xoog ku maquuniyay shiloah, kadib markii uu ku qanciyay ben-gurion in madaxa mossad uu ahaa qof caqli badan oo fiican balse aan awoodin inuu hogaamiyo sirdoon fuliya howlo qarsoodi ah. Isser waxaa abuurmay shan ciddan sireed, oo kala ah, mossad, shabak, aman (sirdoonka militariga), laanta gaarka ah ee booliska, iyo qeybta cilmi baarista ee wasaarada arimaha dibada. Intaas oo dhana waxaa keliya mihumida lahaa waxay ahaayeen, mossad, aman, inta kale sidaas uma sii turuqyo weynayn, waxayn lahaayeen shan madax iyo shan ku xigeen, isser na wuxuu noqday madaxii sare, markii mossad loo magcaabay bengurion wuxuu ku yiri, “adiga ayaa shabak madax u sii ahaanaysid iyo kasta oo aad hadda mossad aad hogaamisid”
Isser wuxuu u sameeyay agaasime cusub shabak, in kastoo guud ahaan gacan ku haynta mossad iyo shabak ay gacantiisa ku jirtay. Sidaa darteed, little isser wuxuu noqday boqorkii sirdoonka israel, arrintii pygmalion waxay ahayd mid ka mid ah howgallo dhowr ah oo muhiim ah isser uu fuliyay gu’yaashii ugu horreeyey ee jiritaanka israa’iil, inta badanna wuxuu kula dagaalamayay basaasiintii soofiyeeka, in badan oo ka mid ah waa la qabtay, la xiray, ama la eryay. Balse basaasiin dhammaantood uma wada shaqeynayn soofiyeedka – sheeko kasta oo basaasnimo na ku dhammaato farxad.
1949 kii saddex waalala ah oo yuhuud ah yaa ka yimid bulgaariya oo soo dagay magaalada xayfa, ee israa’iil , kan u weyn wxxuu ahaa aleksande israa’iil , kana soo qalan jabiyay dugsiga injineeriyada ee sofiya, wuxuu ku biiray ciidamaada siiba kuwa badda waxaana lagu qaatay darajada dhamme, dhamme israa’iil wuxuu ahaa nin qurxoon, aad akhyaar u ah, madaxdiisuna aad u qiimayso, waxaana lagu qoray in uu ka shaqeeyo, howl aad sir u ahayd, raadinta iyo horumarinta hub cusub ee xagga elektrooniga, wuxuu ogalaansho u hastay in uu gali karo meelo aad u saxaasiya, magaciisii hore wuxuu u rogay magac yuhuud oo ah avner, 1953 ayuu guursaday matilda arditi oo aad u xurux badnayd, kana soo jeeday yuhuuda turkiya, waxayna dageen magaalada xayfa oo u dhow goobta shaqada ee israa’iil .
Matilda aad ayay u jeclayd ninkeeda balse warkama aysan hayn dhinaca aan wanaagsanayn ee dadnimadiisa, war kama aysan hayn jirto dheer oo ah gafaf uu gaystay, israa’iil waxaa lagu eedaynayay in uu dhowr qof ka kireeyay hal guri, in uu lacag hormaris ah ka qaatay dad badan asaga oo iska dhigaya in uu wakiil u yahay shirkad qaboojiyaasha samaysa, iyo arrima kale oo caynkaas ah.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply