Ze’ev avner waxuu xiisa u qabay in uu ka mid noqdo sirdoonka mossad abriil 1956 maalin roob da’ayay markii uu yimid xarunta dhexe ee mossad wuxuu aad u rajaynayay in uu ka soo baxo xarunta aaga oo ah xubin ka tirsan mossad, gu’yaal ayuu isku dayay in uu ka mid noqdo tirada kooban ee mossad loo qaato, waxayna ayahad tani higsiiga noloshiisa.
Wuxuu ku dhashay latfiya, magaciisuna wuxuu ahaa wolf goldstein, wuxuu ku barbaaray iswiserland, ciidanka iswiserland ayuu ka mid ahaa xilligii dagaalka labaad ee aduunka, 1948 kiina wuxuu usoo baqoolay israa’iil , magac yuhuudna waa la baxay oo ah za’ev avner, laba gu’ ayuu markaa ka shaqeeyey kibbutz hazorea, ka dibna waxa uu ku biiray wasaarada arrimaha dibada waxaana lagu qoray danjiraha israa’iil ee biljam, qofnimadiisu aad ayay u wanaagsanayd, dhowr af na si wacan ayuu u yaqaanay, madaxdiisu waxay aad ula dhaceen dadnimadiisa iyo howl karnimadiisa iyo sida uu iskii u oggolaado shaqooyinka tiisa ka baxsan, markii loo baahdo qof qabta, gaar ahaan shaqooyinka la xariira mossad, markii diblomaasi u baahdo in gal ama war bixin loo gudbiyo sirdoon mossad ah meel kasta oo uu yurub ka joogo, oo howsho deg deg tahay iyo muhiim, avner wuxuu ahaa kan ugu horeeya ee codsada in uu howshaas qabto, shaqadaas noocaas ah ee uu kaalama ahaanta u qabto waxay si aan jjogta ahayn ka yeeshay mid ka mid ah mossad da yurub joogta, xiriirka asaga iyo mossad ka dhaxeeya wuxuu sii xoogsaday markii loo badalay danjiraha israa’iil ee belgaraad ku yaal, yogoslaafiya.
Dhowr farriin ee uu u qoray madaxa mossad isser hare, avner wuxuu u soo jeediyay in xarun mossad laga furo belgaraad, harel se waa diiday oo wax baahi ah oo loo qabo maleh in belgaraad xarun laga furo ayuu yiri, avner sidaas kuma harin ee abriil 1956 ayuu israa’iil ku soo laabtay,
Wuxuuna codasay in uu madaxa arko, waana loo oggolaaday in uu la kulmo, maalintaas waxay ahayd markii u horeysay ee la kulmo isser harel, asagoo baqdin ku jirto ayuu galay xafiiska harel, harel waxa madax looga dhigay mossad affar gu’ ka hor, balse wuxuu noqday caan, dadkuna waa amaani jireen kana baqi jireen ninkaan gaaban, sheekooyin run iyo been ba isgu jira oo asaga ku saabsan ayaa dhex yaacasay mossad dhexdeeda, avner sheekooyinkaas waa soo gaareen, harel waxaa lagu naynaasaa isser yare, si looga garto isser weyne oo sumcad xun lahaa, avner waa ka baqayay in uu la kulmo oo wuxuu maqlay in uu yahay nin madax adag, balse markii uu la kulmay ninkaan gaaban ee bidaarta le, ee surweelka kaakiga ah iyo shaatiga gacma gaabka ah xiran ee sida wanaagsan ugu soo dhaweyey xafiiskiisa, oo hadalka dabacsan ee naxariis leh, waa u riyaaqay, isser wuxuu weydiiyay avner ujeedka booqshadiisa israa’iil hadda, avner wuxuu u faahfaahiyay in gabar uu naag hore u dhashay ay rabtay in uu yimaado si ay u aragto,
”Meeqa jir weeye gabadhaadu” ayuu weydiiyay isser asaga oo dhoolla cadaynaya
”Siddeed jir”.
Isser aad ayuu ula yaabay in nin diblomaasi ah uu si dhaqso ah u yimaado dal, kaliya gabahiisa ayaa rabtay in uu yimaado, avner ayaa markaas u sii faah faahiyay xiriirka isku murgan oo asaga iyo xaaskiisii hore ka dhaxeeya, gabadhiisa iyo xaaska uu hadda qabo, isser ayaa hadalkii ka dhex galay una sheegay in xarun mossad aan belgaraad laga samaynayn, arrinta avner ku saabsana wxuu ka yiri:
”Markii shaqadaada yogoslaafiya kuu soo dhaamto ayaan is arki doonaa”
Avner jac in ay ku dhacday ayuu dareemay, balse inta uusan bixin ayaa isser u sheegay in laba maamood ka dib ay kulmaan.
”Sartaan kuma kulmi doono, si qarsoodiya ayaan ugu kulmaynaa xafiis bartamaha magaalada ku yaal, wadahayga ayaa ku gayn doona” ayaa isser yiri.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply