MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 9AAD

 

isla xilligaas kumaandoos kale oo ka socda ciidamada bada iyo kuwa lugta ayaa weerar ku qaaday dhowr goobood oo ay Falastiiniyiintu ka dagan yihiin kofurta Beyruut, si ciidmada Libnaan iyo kuwa Falastiinyiinta looga weeyciyo dareenkooda howl galada kale, isla xilligaas kumaandooskii cutubka sayeret matkal waxay gaareen sartii ku taalay jidka Verdun, markii ay gali rabeen ayaa waxaa meesha soo maray ilaalo booliiska libnaan ah, balse waxay arkeen waxay ahayd uun laba is jecel oo isku duuban, labadaas ninku wuxuu ahaa Muki Betzer, naagtuna waxaa haa Ehud Barak, durbadiiba markii booliiskii ay laabka galeen, kumaandooskii waxay galeen sartii oo isku mar irdaha gudaha isugu dhigeen, qaybtii uu daganaa Mamaal Cadwaan oo dabaqa labaad ahay, iyo qaybtii uu daganaa Kamaal Naasir oo dabqa saddexaad ahayd, iyo dagaankii abuu Yuusuf oo dabqa lixaad ahaa, ragii la weeraray wax fursad ah ma haysan sinaba, markii kumaandooskii gudaha u galay waxay haabteen hubkii balse ciidankii ayaa ka gacan fududaaday saddexdoodiina wa la dilay, abuu Yuusuf xaaskiisa oo ayadu isku dhigtay asga xabadii ayaa leefatay, waxaa kale oo ku dhintay qof dumar ah oo da’ weyn oo daganayd ka soo horjedka Cadwaan oo markii ay xabadaha maqashay illinka furtay, waxaana horay u sii qaaday xabadihii, ciidamadii waxay aruursadeen dukumiintiyadii yaalay guryaha saddexda nin, ka dib waxay horey u sii qaateen dhaawacoodii iyo maydkoodii baabuurtiina ku dhaceen oo xeebtii foolka saareen, halkaas oo huuriyaashii balaastiiga ahaa ay ku sugayeen.

Xeebta, lixdii baabuur ee dalxiisayaashii Mossad  woo kiraysteen si habsmi ah ayaa la isku bar bar dhigay ayada oo furayaashii ka taagan yihiin, dhowr maalmood ka dibna shirkadihii kiraynta baabuurta waxaa lacagtoodii loogu soo diray xawaalada American express, huuriyaashii waxay gaareen doontii weynay ka dibna israa,iil ayay u dhaqaaqeen ciidamadii, howl galkaasna mid lagu guulaystay ayuu noqday, dhisma danbe oo ah xarunta jabhada xorayntu ma jirin, hogaamiyayaashii black spetember waa la dilay oo ka mid abuu Yuusuf abbaan duulihi sare, balse waxay aysan ogayn kumaandoosku waxay ahayd in Cali Xassan  Salaama uu meel dhowr mitir u jirtay aqal qarsoon oo ku yaal jidka Verdun uu si raaxa leh u jiifay, aroortii ku xigtayna markii lagu dhawaaqay dhimashada abuu Yuusuf isla markiiba wuxuu noqday madaxii black setember

Howl galkaas wuxuu ahaa mid ay ka soo kaban waayeen black Sebtember ka dib markii madaxdii laga dilay, dukumintidaii howl galkaas lagu soo helay waxay xalliyeen arrin dhinac loo saaro la waayay in laba gu’ ah, dhacdo horey u dhacday.

Bishii Abriil, 1971, laba gabdhood oo dhallin yara ah oo quroon ayaa ka soo dagay  garoonka Lod, waxay isku dayeen in ay magalada galaan balse qaybta baaritaaknka markii ay marayeen yaa la ogaaday in baasaboorada ay wataan been abuur yihiin, qaybta socdaalak ee garoonkana horey ayaa loogu soo digay, waa la qabtay waxaana baaray dumar ciidan ah, baaritaankiina waxaa ka soo baxay wax yaab leh oo waxaa la dareemay in dharka naaguhu qabaan uu ka culus yahay laba jibaar sidii caadiga ahay, xataa hoos gashigashiyadu ay culus yihiin, sida muuqatay dharka waxaa la dhex galiyay dareere culus oo budo cad ku jirtay, markii dharkii la jafay oo la qoxay waxaa ka soo daatay budo ad u badan, buda kale oo cad ayaa laga helay cirbaha kabaha, labada gadhood waxaay wadeen isku gayn shan kg oo budadan aad xoog badan oo balaatiig ah oo qaraxda, mid ka mid ah gabdhahan boorsadeeda waxaa laga helay qalbka lagu kiciyo qaraxa, markii aad loo warastay gabdhihii oo ay jilceen waxay sheegeen in ay walaalo yihiin, oo uu dhalay nin ganacsade hodan ah oo reer Marooka ah, magacyadooduna waxay kala ahaayeen, Naadiya iyo Madeline.

Waxaa lala soo xariiray ayaga oo Baariis jooga, ayagoo markii horeba qar isk tuuryo ahaa ayay hadana ogalaadeen in budadan ay tahriibiyaan,

“yaa idin la socda?” ayaa nin booliis ah weydiiyay

Galabtaas waxaa booliisku weerareen hotel yar oo tel aviv ku yaal oo la yiraahdo commodore, waxayna meeshii ku qabteen laba duq oo faransiis ah, Pier iyo Edith, markii la kala furay raadiyihii ay wateen labadii waxa laga dhex helay fuyuusyo qaraxa daahiya oo ay samaysay shirkada qarxiyaasha miinada samaysay, Pier na oohin ayuu qabsaday.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply