MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 8AAD

 

Adduunkii oo dhan waa ka qayliyay falkaas lagula kacay diblomaasiyiinta, Israa’iil  na waxay go’aansatay in ay black September ay ku dhuftaan dharbaaxyo aysan ka soo waaqsan, jurusalam Golda  waxay ogolaatay howl galkii la magic baxay dhallinta guga, oo ahaa waji cusub oo ka mid ah howlgalkii socday ee caro alle, 1dii april 1973, Gilbert Rimdub oo ahaa soddon iyo shan jir Biljam ah ayaa ku soo dagay hotelka Sands ee Bayruut, isla maalintaas dalxiisa kale oo la yiraahdo Diter Altunder ayaa asna hotelka soo dagay,sida muuqata labada isma aqoon, labaduna waxay dageen qolal muqalka bada laga arki karo, 6 Abriil dalxiisayaal kalae ayaa hoteelka soo dagay, Andrew Wijlow oo biritish ahaa, David Molad ayaa asna laba saac ka dib ku yimid duulimaad magaalada Rooma aka yimid, ayaga oo sita baasabooro Biljam ah, Charles Gussard iyo George Elder waxay ayaguna fiidkii ku yimaadeen diyaarada duulimaadka Biritishka, Charle Maki oo british baasaboor ahna wata wuXuu ku soo dagay, Atlantik hotel ee xeebta bayda, lixdaas nin mid walba goonidiisa ayuu u dhex mushaaxayay magaalada Beyruut oo uu ula qabsnayay magaalada iyo gaadiid socodkeeda iyo barashadeeda guud.

6 dii Abriil ayay shirkada kiraynta baauurta ee avis ka kiraysteen saddex baabuur, buick skylarks, Plymouth station wagon, iyo renaul-16, 9 kii abriil, sagaal doomaha xanbaarsan gantaalaha ayaa isku dhex milayay gadiiddka socda biyaha caalamigaa, doonta Mivtah waxay siday ciidamo uu hogaaminayay gashaanle Amnon  Libkin, u jeedkooduna waxuu ahaa in ay weerer ku qaadaan xarunta dhexe ee jabhada xoraynta dadka Falastiin, laba cutub oo kale waxay ka soo kicitimeen Gaash, ctubka sayeret matkal ee uu hogaaminayay gaashaanle Ehud Barak, ayagu waxay lahaayeen howl gal kale, intaan cutub kasta, saldhiga koox walba waxay hayteen sawiro affar qof , sadeex ka mid ah waxay ahaayeen, abuu Yuusuf, abaanduulaha sare ee black September, Kamaal Cadwaan, madaxa howl galada ee jabhada Fatax, ahaana kan u xiLsaaran weerarada black September ay fuliso Israa’iil  gudaheeda, iyo Kamaal Naasir,af hayeenka al Fatax, sawirka afraad wuxuu ahaa Cali Xassan  Salaama, qof yaqaanay meel uu joogana ma jirin.

Ciidamadaan komandoos ka ah dhamaan waxay xirnaayeen dhar rayid ah, saddex saac iyo bar “9:30” markii doomihii u soo dhawaadeen Bayruut, waxay xirteen dharka  hippiga iyo timo been ah, Ehud Barak wuxuu xirtay dhar naageed, wuxuu isku muuqaal ekaysiiyay gabar tima madow, horaada celiskii u xirnaana waxaa ugu qarsoonaa miinooyin, ayaga oo mugdiga ka yimid, watayna dhowr huuri ayay yimadeen xeebtii beyruut ee cidlada ahayd, waxaana la socday ciidamo la ga keenay doomaha kale, hortooda waxay ka arkeen lix fatuuradod oo mid walba wadihii dhex fadhiyo, askari kastana waa uu yaqaanay fatuurada uu raacayo, daqiiqado gudahoodana fatuuradihii dhinacyaday u kala dhaqaaqen, qaar waxay u leexdeen dhinaca xarunta dhexe ee jabhada xoraynta dadka Falastiin, kuwii kale oo midood uu wado Molad waxay aadeen dhismaha ay ku noolyihiin hogaamiyaasha black Sebtember.

Kumaandooska fool saaraya xarunta dhexe ee jabhada dadka Falastiin, waxay ku soo tababarteen dhisma qabya ah uu ku yaal banaanka tel aviv, intii ay tababarayeen ayaa waxaa goobtii ku booqday madax ciidamda David el’cCzar, waxaana u yimid nin dhalinyaro ah oo la yiraahdo, Avida Shor,

“waxaan adeegsaynaa boqol iyo labaatan kilo oo walxaha qarxa ah,” ayaa Avida yiri siina watay hadalkiisii “ si loo bur buriyo dhismahaas beyruut ku yaal, balse qaraxa intaas la eg looma baahna waana  halis, wuxuu dhibaato gaarsiinayaa sarha kale ee dariska la ah, goobtaasna waxaa aad ugu badan dad rayid ah oo dagan” bug yar ayuu la soo baxay oo yiri “ waxaan sameeyay isku cel celis, waxaana ii soo baxday in siddeetan kilo oo miina ah nagu filan tahay oo ay sarta dhilka soo dhigi karto ayada oo wax dhibaata ah aysan gaarin dhismayaahsa kale ee dadka masaakiinta ah daggan yihiin”

El’Cazar buugii Shor ayuu fiiriyay,wuxuuna u sheegay madaxii howl galka in siddeetan kilo oo walaxda qaraxda ah kaliya la adeegsado oo aan laga badin.

Ciidamadii markii ay gaareen dhismihii, dagaal gaaban ayaa goobtii ka dhacay oo ay ku dhinteen laba kumaandooskii Israa’iil  ka tirsanaa, ka dib waxay la wareegeen illinkii iyo barsadii dhismaha waxayna ku xireen siddeetankii kilo oo miinada ahaa, qaraxii sartii wuxuu ka dhigay baab’a, waxaa ku dhintay in badan oo Falastiiniyiin ah balse wax dhibaata ah sooma gaarin dhimayaashii dariska la ahaa, kumaandooskii meesha ku dhintay waxaa ka mid ahaa Avida Shor.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply