MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 7AAD

 

 

Ruufiyaanadii Mossad ayaa nux nuxda maqlay oo soo gaarsiiyay, Baariis Mossad waxay bilowday inay daba gal ku samayso koox Falastiiniyiin ah oo sida muuqata ayagu maamulaya qorshahaas, habeen ayaa sirdoonkii mosssad dareemeen nin weyn oo kooxda ku soo biiray, sawirkiisa ayay u direen xarunta Mossad oo usoo aqoonsaday in uu yahay Basil al Khubasi, mid ka mid ah hoggaamiyaasha black September, Khubasi wuxuu ahaa sharci yaqaan, borofeysor sharciga ka dhiga jaamicada Maraykanka ee Bayruut, aqoon yahan aad loo qadariyana waa uu ahaa.

Balse asaguna sidii Waa’il iyo Hamshari ayuu dhinac kale oo halis ah lahaa, 1965 wuxuu isku dayay in uu khaarijiyo boqor Faysalkii Iraq, asagoo jidka uu soo marayay bam u dhigay, balse bamkii uu qarxay ayada oo aan xilligii la gaarin, al khubasi wuxuu u baxsaday Libnaan, ka dinba Ameerika, wuxuu isku dayay shirqool uu ku dilayo Golda Meir oo markaas maraykanka joogtay, markii taas ay ka dhicisowday wuxuu hadana isku dayay in Golda ku dilo shirka caalamiga ee hantiwadaaga oo ka dhacayay Baaris, tasna waa ka dhicisowaday, balse ma uusan quusan oo wuxuu ku biiray jabhada xoraynta dadka Falastiin oo uu ku xigeen u noqday Joorji Xabash, hogaamiyaha jabhada, wuxuu ka qayb qaatay dajinta qorshihii xasuuqii ka dhacay garoonka diyaaradaha lod oo dad badan oo carab jabaaniis iyo in badan oo poorto riikaan ah ay ku dhinteen,  Khubasi hada wuxuu joogaa Baaris waxayna u badan tahay in uu maalmulayo duulimaadkaan is miidaaminta ah,  wuxuu ku soo dagay hotel yar oo jidka rue de arcades ku yaal.

6 dii April, markii uu ka cuneeyay café de la paix, wuxuu aaday hotelkiisa, kooxda dilka ee Mossadna wa ay sugayeen, labo waxay joogtay jidka laba kalana fatuurad ayay ku dhex jireen oo midkood tima beena xiranyahay, markii uu soo dhawaaday al Khubasi labadii jidku qori gacmeedyadii ayay cabaysteen, balse wax aysan filayn aya yimid oo fatuurad ayaa soo dhinac dhigatay al Khubasi gabar qurxoona daaqada ayay madaxa ka keentay, in yar markay wada hadleena al Khubasi fatuuradii ayuu galay, waana dhaqaajiyeen, raggii Mossad oo wareesan waxay garteen in ganadhu ay dhillo gor gortan u soo jeedisay al Khubasi ay tahay, howl galkii oo dhan wuxuu u bur buri gaaracay dhilladaas, balse hogaamiyihii kooxda ayaa yiri, waan sugaynaa asaga oo leh  mar aan fogayn ayay soo celin doonta, kuwii kalana ma aysan weydiin siduu ku ogaaday, balse asagaa gar lahaa oo labaatan daqiiqi ka dib waa ay soo celisay.

.Al Khubasi waa uu ka tagay naagtii oo aaday dhinaca hotelkiisa, dhowr taalabo markii uu qaaday ayaa laba nin mugdiga uga soo baxeen oo jidkii ka xireen, mid kood wuxuu ahaa David Molad, durbadiiba alKhubasi waa gartay,

“maya, may, ha smayn” ayuu af faransiis ugu qayliyay,

Sagaal xabadood ayaa jirkiisa gashay wuxuuna ku hor dhacay kaniisada madeleine, raggii Mossad na fatuuradii baxsashada ayay ku dhaceen oo carareen, Molad iyo kooxda Kidon waxay dileen dhowr ka tirsan black September oo giriiga u tagay in ay doomo gataan oo waxyaabo qarxa laga buuxiyo ka dibna la aadaan dekadaha Israa’iil , balse hal is weydiin Ayaan loo helin waxa jawaab ah, aaway maxkaxdii ka danbeeyay xasuuqii Munich? Cali Xasan Salaama Beyruut ayuu joogay wuxuuna qorsheenayay tallaabadii uu qaadi lahaa oo ahayd, ugu horayn waa in koox black September ah ay qabsadaan safaarada Israa’iil  ee Tayland, balse howl galkaas waa dhicisoobay ka dib markii dowlada Tayland ay cadaadis saaratay danjirihii Masar u fadhiyay Bankok, aragagixisadii markaa waa sii dayeen dadkii ay qafaasheen dalka waa ka baxeen.

Howl galkii Cali Salaama dajiyay ee xigay, wuxuu ahaa mid qar iska tuur ah, oo ragiisii oo s ixad dhaafa u hubaysan ayaa xoog ku galay safaarada Sucuudiga ee Khartuum, halkaa oo lagu qabay xaflad lagu sii sagootinayay ergay Yurubiyaan ah, waxayna qabteen in yar maaahne dhammaan diblomaasiyiintii aduunka ee fadhiyay Khartuum, amar ka soo baxay Yaasir Carafaat  ayaa lagu sii daayay dhamaantood marka laga reebo, danjirahii maraykanka iyo ku xigeenkiisii, iyo ku simihii danjiraha ee safaarda biljam, waxaana loo dilay sidii Cali Salaama uu soo faray afduubayaasha oo ahayd in si silica loo dilo intaas lahayo, oo marka hore xabada looga bilaabo cagaha  iyo lugaha oo sidaas kor loogu sii socdo inta xabadkooda xabad lagu kala dhanbalayo, argagixisadii waa la qabtay markii ay xasuuqa geysteen, balse dhowr toddobaad ka dib dowlada Suudaan waa siidaysay

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply