Maalintii Hamshari aaday inuu waraysi bixiyo, laba nin ayaa gurigiisa gashay, shan iyo toban daqiiqo ka dibna waa ka soo baxeen, maalintii ku xigtayna waxay sugeen inta Hamshari xaaskiisa iyo gabdhiisu aqalka ka baxaan, markii uu girigii kaligiis ku noqday waxaa dhawaaqay telefoonkii asna waa uu qabtay,
“Dr Hamshari?” ayaa wariyahii talyaanigu yiri
“asagii baa hadlaya”
Isla xilligaas Dr Hamshari wuxuu maqlay dhawaaq dhuuban, waxaana xigay qarax aad u weyn, miino miiska hoostiisa ku qarsoonayd ayaa qaraxday Dr Hamsharina asaga oo dhaawac xun ah ayuu dhulka ku dhacay, dhowr maalmood ka dibna isbitaalka ayuu ku dhintay ka dib markii uu qaraxa ku eedeeyay Mossad.
Mike Harari iyo nin kale oo layiraahdo Jonathan Ingleby ayaa yimid jasiirada qubrus waxayna dageen hotel, waaayo wuxuu u dhawaa, Israa’iil , Suuriya, Libnaan, masar, xilliyadaan danabana qubrus waxay noqotay goob ay isku hardiyaan sirdoonka Carabta iyo Israa’iil , labadii mosaad waxay hoos dul jooga ku noqdeen Falastiini la yiraahdo, Xuseen al Bashiir, bilo ka hor ayaana loo magacaabay madax black September ee qubrus, wuxuu kale oo uu madax ka ahaa xariirka jabhada iyo Soofiyeetka iyo yurubta bari oo ahayd meel ay ku nabadgalaan , cutubyada gaarka ah ee jabahada Falastiin waxay ku tababaran jireen, Soofiyeetka, Jekoslafaakiya, Bulgaariya, waliba dalalakaas waxay jabhada u soo daabuli jireen hub, in badan oo madaxda Falastiiniyiinta ka mid ah aad ayay ula dhacsanaayeen oo u rumaysnaayeen mabda’a Soofiyeetka ee lagu baray jaamicada Patrice Lumumba ee Moosko.
Xuseen waxa kale oo uu hogaan u yahay, dhex galida jabhada ee Israa’iil iyo khaarijinta ruufiyanada Carabta ee la shaqeeya Mossad, marka ay qubrus u yimaadaan in ay la kulmaan Mossad, guddigii X waa uu ogolaaday dilkiisa.
Habeenkaas Xuseen qolkiisii hotelka ayuu tagay waana uu seexaday, Jonathan wuxuu hubiyay in uu Xuseen jiifsaday, waxaana xigay qarax weyn oo ka dhacay dabaqa saddexaad ee hotelka, markii soo dhaweeyihii hotelku uu ku rooray oo tagay qolkii, wuxuu arkay wax qarracan ku riday, wuxuu isha ku dhuftay madixii Xuseen oo go’an oo ka soo eegaya xeerada fool dhaqashada, aargoosashadii black September na si dhaqso ah ayay u timid.
26 dii, janaayo, 1973, nin Israa’iiliya oo layiraahdo Moshe Hanan ayaa saxiibkiis Falastiini ah kula kulmay baarka Morriso, eek u yaal wadada jose Antonio ee magaalda Madrid, markii ay baarkii ka soo baxeen laba nin ayaa ka hor yimid oo marinkii ka xiray, Falastiinigii waa uu baxsaday, labadii nin na hub ayay la soo baxen oo ku shaq shaqeen Israa’iiligii, waana ay baxsadeen, maalmo ka dib ayaa la ogaaday in Moshe uu ahaa dhabtii Baruch Kohen, oo ahaa ruug cadaa Mossad oo ka dhex unkayay shabaq basaasiin ardada Falastiiniyiinta ee joogta Madrid, ninkii dhalinyarada ahaa ee baxsadayna wuxuu ka mid ahaa ruufiyaanadiisa, balse ninka baxday wuxuu u shaqaynayay black September oo ayagu ku dhex beeray kooxda Baruch Kohen , Xuseen al Bashiir jallaayshiisii waxay ugu aar gudeen Baruch Kohen, black September waxaa kale oo lagu tuhunsanaa in ay ku dhaawaceen basaas Mossad ah, Zadok Ofrin, baar ku yaal magaalada Brussels, waxay kale oo ay dileen nin ka shaqaynayay safarada Israa’iil ee London oo ay bam ku dileen.
Laba toddobaad ka dib dilkii Xuseen black seotember nin cusub ayay u soo magacawday Qusrus, 24 saac ka dibna wuxuu la kulmay KGB dii, markii uu hotelkiisii u soo laabtay oo uu nalka damiyayna qarax ayaa dhacay uu ku dhintay, Carafat iyo Cali Xassan Salama waxay go’aansadeen markaan in ay qaadaan aargoosi weyn, waxay qorsheeyeen in ay diyaarad afdhuubaan oo walxaha qarxa ka buuxiyaan ka dib na Israa’iil lagu miidaamiyo, oo ay diyaaradu ku bur burto bartamaha magaalada tel aviv oo ay halkaas ku dilaan boqollaal ama kumaan kun Israa’iil iyiin ah.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply