MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 5AAD

 

 

Kooxdii u horeysay ee howl galku waxay yimaadeen Rooma, waxayna daba gal ku bilaabeen, Waa’il, gabar iyo wiil dhalin yara aha ayaa safarada liibiya hor  marayay mar kasta oo Waa’il daan jiraha ka soo baxo, waxayna sawiro ku qaadayeen kaamirada ku dhex jirta boorsada inantu sidato, dalxiis badan ayaa imaanyay magaalada Rooma, oo duullimaadyo kala gadisan ku imaanayay,

Mid ka mid ah dalxiisayaashaas wuxuu ahaa, affartan iyo lix jir lagu magacaabo Antony Hutton oo fatuurad yar ka ijaartay shirkada avis ee kiraysa baaburrta, wuxuuna u sheegay in uu daganyahay excelsior hotel ee dhaca wadada Veneto, haddii shirkadu ay hubin lahayd waxaa u soo bixi lahaa in qof magacaas la yiraahdo uusa daganayn hotelkaas, wuxuuna la mid aha Antony dalxiisayaal badan oo asga ka horeeyay oo isla toddobaadkaas baabuur kaga kiraystay shirkado kala duwan cinwaano been ah.

Habeenkii 16 ka Oktoober, Waa’il markii uu tagy sartii uu daganaa oo wiishka inuu raaco sugayay uuna maqlayay music ka imaanaya dabaqa sadexaad, ayaa si kadis ah waxaa meel mugdiya uga soo baxay laba nin oo ku shaq shaqay xabad aan dhaqeeda la maqlayn, labadii nin waxay durbadiiba ku dhaceen fatuurad ah fiat 125 oo taalay piazza annibahano, saacada ka dibna dalka waaba ka baxeen, mar haddii uu dhintay Waa’il, qarintiisu wax macnaah kuma fadhin oo wargays ka soo baxa Beyruut ayaa kooxa badan oo Falastiiniyiin ahi tacsi uga dirayeen qoyskii Waa’il, ayaga oo ku tilaamay in uu ahaa ninka ugu wanaagsana dagaal yahanada.

Dhinaca kale kooxdii dilka Waa’il gaysatay waxaa hogaaminayay nin da’da labaataneeyada ku jira, David Molad [magaciisa runta ah ma ahan] wuxuu ku dhashay dalka Tuunis, asaga oo yar ayuuna yimid Israa’iil , wuxuu waalidiintiisii ka dhaxlay in uu shahaadad heerka labaad ku haystay afka faransiiska iyo dal jacayl, tan iyo yaraantiisii riyadiisu waxay ahayd in uu u adeego dalkiisa xataa hadii uu naftiisa ku waynayo, asaga ayaa iska wax u qabso ugu biiray tababarkii ciidamada kumaandooska, madaxdiisiina waxay la dhaceen geesinimadiisa iyo hal abuur nimadiisa, markii uu ciidamadii kumandooska ka baxay wuxuu ku biiray sirdoonka mosaad, si dhaqsa ahna wuxuu noqday mid ka mid ah kuwa Mossad ee ugu wanaagsan,

Howl galo badan oo halis leh ayuu ka soo qayb qaatay, waayo afka faransiiska ee uu aad u yaqaano, wuxuu si fudud isaga dhigi karay oo sheegan karay in uu yahay Faransiis ama Kanadiyaan ama Swiss, yaraana waa uu ku guursaday oo waxaa u jooga hal wiil, balse taasi kama celin in uu ku jiro aaga hore ee dagaalada Mossad, dilkii Waa’il ka dib wxuu ku laabtay Israa’iil .

Telefonkii yaalay guriga ku yaal 175 rue alesia, baariis ayaa dhawaaqay, waxaana qabatay Dr Maxamud Hamshari, oo lagu yiri

“adiga miyaa Dr Hamshaari? Mas’uulka PLO u fadhiya Faransa?”

Qofka soo wacay wuxuu lahaa dhawaaq cod oo u eg talyaani, wuxuuna u sheegay Hmashari in uu yahay wariya la jira Falastiin oo arrintooda ku garab taagan rabana in uu waraysi la yeesho, waxayna ku balameen goob qaxwo oo ka fog aqalka Hamshari, Hamshaari aqoon yahay sooyaal oo aad loo xushmeeyo oo ku nool Baaris, asaga iyo xaaskiisa faransiska ah iyo gabdhooda yar, xilliyadii danbe wuxuu bilaabay in uu aad isku ilaaliyo oo markuu jidka marayo uu iska eego wax daba socda, makhaayadaha iyo qaxwooyin inta badan asaga oo aan dalabkiisa dhamaysan ayuu ka tagaa, sida badan dariskiisa ayuu weydiiyaa in cid raadinaysay, balse muuqaalka guud sida dadku u arkaan, nin in uu war waro ay tahay ma ahyan, ni aqoon yahan ah ayuu ahaa oo dagnaanshada aaminsan oo aan xag jir ahayn, aadna u dhex galay loogana yaqaan aqoon yahanada Baariis,

“uma baahna in uu taxadaro waayo, nin halis cid ku haya maahan” ayay mar qortay wariye june faransis

Mossad intaas waa ay ogayd, balse intaas ka badan ayay ogayd, Hamshari wuxuu qayb ka ahaa isku daygii dilkii Ben-Gurion 1969 ee danmark ka dhici rabay, in uu ku lug lahaa qaraxii Swiss air ee hawada ka dhacay oo ay 1970 kii ku dhinteen affartan iyo toddobo qof, xariirka uu la leeyahay dhalin yaro carab ah oo qarsoon oo aqalkiisa si dhuumalaysiga ku yimaada habeenkii ayaga oo sida boorsooyin culus, waxaa kale oo Israa’iil  ogayd in hada Hamshari uu yahay hogaamiye ku xigeenka black September ee yurub.

maalmahaan caafimaad yari ayaa iska jirta sidaas ayay u hakatay sheekooyinkii, insha alaah sidii hore mar dhow waan u wadi doonaa

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply