MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 4AAD

 

 

 

 

harari wuxuu ragiigiisii ka soo xushay Kido, qaybta howl galka ee Mossad, koox kasta oo ka qayb qaaadanaysa howl galkala dagaalanka black September waxaa jira kooxyar ka hoos shaqaynaysa, koox ka kooban lix oo isugu jira dumar iyo rag ayaa u xilsaaran n ay daba galaan oo aqoonsadaan qofka la tuhunsan yahay, waa in ay hubiyaan in qofkaas la beegsanayo uu yahay kii dhabta ahaa, waxay tagayaan magaalada  lagu tuhunsan yahay in argagixasadu joogaan, waa daba galayaan oo si qarsoodiya sawiro uga qaadayaan, waxay ogaanayaan dhaqankiisa, saxiibadiisa, iyo cinwaanka dhabata ah ee uu dagan yahay, baararka iyo maqaayadaha uu tago, meelaha uu maro, saacad saacad loola socdo.

waxaa jira koox ka sii yar oo inta badan ka kooba hal nin iyo hal naag, oo ayagu qaabilsan, kiraynta guryaha, hoteelada iyo baabuurta, waxaa kale jira kooxo yar yar oo ayagu ku howl leh isgaarsiinta oo xarumo qalab isgaarsiineed oo horumarsan leh laga samaynayo meela badan oo yurub iyo rugta weyn ee Mossad ee Israa’iil  ku taal, kooxda dilka samaynaysa waxay ka kooban yihiin dhowr ciidanka Mossad ah, waana kuwa u danbeeya oo imaan doona goobta, howshooduna tahay In la siiyo cinwaan, xilli go’an oo ay dilaan qofka sawirkiisa iyo faalooyinkiisa kale ay wataan, intii ay joogaan magaalada ay wax ku dilayaan waxaa jira koox kale oo ayaga ilaalinaysa oo ka kooban darawalo iyo qoryooleey oo wata baabuur heegan u ah in ay ku dhaqaaqaan marnikii baxsashada oo haray loo soo qorsheeyay, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan raga wax dilaya, hadii loo baahdo xataa ay hub iyo dagaal  ku difaacaa raga ka tirsan kooxda dilka, isla durbadii howl galku dhamaado kooxda dilku dalka waa ka baxayaan ayaga iyo ilaaladoodu, kooxdii aqoonsiguna mar hore ayay baxeen, inta soo harta waxay joogayaan dhowr maalmood oo ay tir tirayaan wixii raad ah, celinayaana baabuurtii la soo kiraystay.

Magaaladii u horeysay ee howl galka CARO ALLE laga bilaabay waxay ahay magaalada rome, koodii waxay aqoonsadeen oo daba galeen nin aan waligii looga shakin argagixissino, nin daraja hoose ah oo ka shaqeeya danjiraha liibiya, soddon iyo sideed jir Falastiinya oo ku dhashay magaalada Nabulis oo la yiraahdo Waa’il, nin dhuuban, akhyaar ah, si dagana u hadla, aabihiis wuxuu ahaa turjumaan can ah, asaga qudhiisa Waa’il waa turmjumaan heer sare ah, wuxuuna turjumaa sheekooyinka iyo gabayada oo uu carabi u turjumo am ka soo turjumo, wuxuuna aad u jeclaa farshaxanka iyo suugaanta, wuxuu turjimaan ahaan ugu shaqeeyaa safaarada Liibiya oo uu ka qaato mushaar boqol diinaar ah, wuxuuna daganyahay dhisme ku yaal piazza annibaliano, saxiibadiis waxay ku yaqaaniin in uu yahay nin dhex dhexaad ah oo aan ogolayn wax dagaal iyo dhib ah, necebna argagixisada iyo dilka, balse waxaan saxiibadiis aysan ogayan in uu yahay xag jir si arxan la aan ah u hoggaamiya howl galada black September ee ka dhaca Roma.

Mar aan fogayn wuxuu isku dubba riday howl gal halis ah, wuxuu arkay laba gabdhood oo Ingriis ah oo Israa’iil  u socda oo mudo ku hakanaya magaalada Rooma, Waa’il wuxuu qorsheeyey laba dhalin yaro Falastiinyiin ah oo aad u qorxoon in ay gabdhaha xariir la yeeshaan, si dhaqsa ahba labadii waxay sariiraha la qayb sanayeen labadii gabdhood,  markii gabdhihii ay Isra’iil u dhoofi rabeen ayaa mid ka mid ah wiilashii wuxuu ka codsaday gabdhihii in ay horey ugu sii qaadaan recoor uu hadiyad ahaan ugu dirayo cidiisa oo dagan daanta galbeed ee Gaza, gabdhihiina waa ka ogolaadeen, boorsooyinkii gabdhuhuna waa ay gudbeen baaritaankii diyaarada el Caal, balse gabdhuhu waxaysan ogayn in recoorka la kala furay oo dhexda meeno loo dhigay oo qolof cudub la saaray, oo markii bam kaa qarxo diyaarada iyo inta saran ba qiyaamahoodu dhacayo, dhinaca kale waxaa Waa’il iyo Falastiiniyiintu ogayn, in hadda ka hor qarax ka dhacay duulimaad swiss air ahaa oo u socoday Tel aviv ay Israa’iil yiintu ku soo cibra qaateen, oo dhamaan diyaaradaha el Caal qaybta raraka waxaa lagu daboolay bir adag oo aan qaraxu soo dhaafayn, recoorkii waa qarxay balse sooma dhaafin qarixii sanduuqii gudihiisa, wadihii diyaaradana waxaa u soo shidmay nal cas iyo dhawaaq digniin isla socday, durbadiiba dib ayuu ugu soo celiyay diyaaradii garoonka Room, waraysigii dadka la warsanayay labadii gabdhood waxay sheegeen in maalmo la tumanyeen niman Falastiiniyiin ah oo recoor hadiyad ah cidooda ugu dhiibeen, labadii nine ee Falastiiniyiinta ahaa ayagu markii ay gabdhihii nabad gal yeeyeen dalka waa ka baxeen.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply