Golda oo qof ad adag ahayad, waxaa muuqatay in aan arrinkii Munich ciqaab la’aan dhacayn, Arrinta labada janaraal u socdeena taas qudheeda ayay ahayd, Zvi Zamir, nin caata ah oo bidaar leh, wuxuu ahaa dagaal yahan hore, balse ma ahayn janaraal aad u soo muuqday, xilikii u sarayay ee ee uu qabtay inti uu ciidanka ahaa waxay ahayd, hoggamiyaha aaga koofureed, markaas ka dibna wuxuu noqday u joogaha ciidanka Israa’iil u fadhiya boqortooyada ingriiska, 1968 ayaa loo magcaabay madaxa Mossad, dad badan ayaana macagaabidiisa dhaleeceeyay, waayo wuxuu ahaa nin xishood badan oo aan hadana lahayn waaya aragnimo sirdoon, asaga qudhiisu iskuma malayn madaxa Mossad sidii ninkii ka horreeyay ee waxuu u dhaqmayay sidii madax shirkadeed, ku xigeenadiisa ayuu awood buuxda siiyay, nin saas can u ahaa ma ahayn markaas balse wuxuu fiinta gaaray oo uu can noqday dagaalkii yom kippur 1972, guul kale oo uu sheegan karay oo uu garay ma jirin aan intaas ka ahayn, rug cadaayadii Mossad sida Rafi Eitan, ma aysan jeclahayn oo Rafi shaqadii xataa waa uu ka tagay ka soo horjeedid uu ka soo hor jeedo madaxa cusub owgeed, dhinaca kale janaraal Yarif, in kasta oo uuciidamada ka yimid sida Zvi, haddana wuxuu ahaa mid calankiisu babanayo oo wuxuu ahaa nin isa soo saaray oo dagaalkii lixda maalmood wuxuu ahaa madaxa sirdoonka Aman, inta badan waxaa lagu amaana in uu yahay nin maskaxeed caato dhuuban ah, cod dagan, indha gashi xirta, dhaqan wanaagsan oo u muqaal dhow in uu yahay porofeysar jaamicadeed oo aan looba malayn in shaqo ku lahay sirdoonka, waxay ahaayeen laba nin oo isku duubni u wada shaqeeya oo isku kalsoon, laba nin oo xishood badan oo naceb in si gaara loo arko ama ay bulshada sare ka dhex muuqdaan, niman aad uga fiirsada qorshayaashooda ayay ahaayen.
Balse arrin tii ay u soo jeediyeen Golda Meir galabtaas waxay ahayd mid naxariis dara ah, sirdoonku wuxuu soo ogaanayaa xubnaha black September, waana khaarijinayaan dhammaan, qorshahaas ayay wateen, tan iyo dhacdadii Munich Yariv iyo Zamir waxay wadeen dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku soo aruurinayaa xogta black September, wxay u yimaadeen madaxa wasiirada
Ayaga oo wada xog ah in black September ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Israa’iil oo ay wacad ku martay in ay laynayaan dhamaan Yuhuuda, ciidan, rayid, dumar, caruur aysan waxba dhaafin, sida kaliya oo lagu joojin karana ay ay tahay in la dilo hoggaamiyaashooda, mas madaxaa laga dilaa, Golda waxaa galay laba labayn, waayo wax fudud maahan in dhalinyaro ay naftood halis u galiyaa shirqool ay samayanayaan, Israa’iil na taas oo kale weli ma aysan samayn, muddo ayay aamusnayd, markii danbana cod hooseeya oo aad u malaynaysid in ay ayadu isla hadlayso ku tiri:
[dira wiilasha]
Zamir durbadiiba wuxuu bilaabay in uu howl galkii diyaariyo, wuxuuna ugu yeeray howgalkaas [caro alle] Golda na iskuma hallayn kaliya balantii ay labadooda ka qaadeen oo ahayd in hoggamiyaasha black September uun la dilayo, waayo waa ay ogatahay howlgal caynkaan oo kala ah in uu yahay mid sharciga ka baxsan oo haddii xakamaynta laga dabciyo Mossad balaayo dhacayso oo dad badan oo aan danbi lahayn ay ku dhimanayaan, sidaa darted waxay go’aansatay in xakamayn adag oo lagu ilaalinayo la dul dhigo howl galka caro alle, waxay samaysay guddi qarsoodiya oo ka kooban, ayada, wasiirka gaashaan dhiga Moshe Dayan, ku xigeenka madaxa wasiirada Yigal oo janaraal hore ah oo maskax badan, saddexdoodaas ayaa noqday maxkamadii kor kala socon lahayd oo oggolaan lahay qof walba oo howl galkaas lagu dilayo. Waxaana loogu yeeray guddigaas X.
Yarif iyo Zamir waxay ahayd in ay seddexaas guddiga ah u gudbiyaan galka iyo magaca qofka la doonayo, markii ay ogglaadaan gudigu ka dib ayaa Mossad fal qaadi kartaa, qaybta howl galada ee Mossad ayaa loo xilsaaray fulinta howlgalka caro alle, waxaana madax u ahaa harari, nin tima madoow, aan jir dhisnayayn oo xog qaris badan, qorshuna wuxuu ahaa in dilka dhan uu ka dhaco yurub oo ay ku badan yihiin black September kuna leeyihiin gabbaad isku dhafan adagtahayna si loo ogaado.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply