17 kii Sebtember 1970, ayaa boqorkii ciidan ku sii dayay xerooyinkii iyo saldhig yadii ay joogeen Falastiiniyiintu, waxaana ka dhacay xasuuq aad u xun, jidadka ayaa lagu tooganayay, la ugaarsanayay oo markii la qabto la dilayay maxkamad la,aan, qaar waxay galeen xeryihii xaqootiga balse madaafiicda goobta ayaa lagu hoobiyay ayada oo aan loo kaala aaba yeelin cida ku jirta, kumaan kun Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay, aragagixii iyo baqdintii Falastiinyiintii waxay gudbeen wabiga urudun oo ay isku dhiibeen ciidamadii Israa’iil , xabsiyada Israa’iil ayay ka door bideen xabada urdiniyiinta, intii xasuuqu socday kuwa badan ayaa u cararay Suuriya iyo Libnaan, tan iyo maantana lama hubo tirada Falastiiniyiinta ku dhintay xasuuqaas, balse waxaa lagu qiyasaa inta u dhaxaysa laba kun ilaa toddoba kun oo qof.
Yaasir Carafaat hogaamihyaha jabhada al Fatax ee ugu weyn jabhada Falastiin wuxuu ku hammiyay aar gusasho, sidaa darted wuxuu abuuray koox qarsoon oo xataa madaxda al Fatax iyo hoggaamiyaashu aysan war ka hayn, wuxuuna ku magacaabay kooxdaas, black September,
Ururkaan uu doonayo crafaat in uu ku gaaro higsigiisa in la aqoonsado Falastiin iyo in uu beer jileec kaga helo aduunka, ma ahayn mid si dagan ku raadinaya wuxuu doonayo, wuxuu ahaa urur aan nixin oo werrer inu uu ku qaado u diyaar ah nacab kasta oo Falastiin leedahay waliba si arxan darro ah, Carafaat waa uu inkiray jiritaanka ururka black September iyo wax xariir ah in uu la leeyahay, balse si qarsoon asaga ayaa ahaa abuurihii ururkaan iyo madaxiisa, wuxuuna madax uga dhdhigay, abuu Yuusuf, mid ka mid ah madaxdii ruug cadaaga ahayd ee jabhada Fatax, madaxa howl galada wuxuu ka dhigay, Cali Xassan Salaama oo ahaa nin dhalinyaro ah oo leh aragti mintid ah, balse geesinimo iyi garaad badni lagu yaqaanay Caliwuxuu ahaa willkii uu dhalay Xassan Salaama, hogaamiyihii sare ee ciidanka Falastiin 1948, dagaalkii Carabta iyo Israa’iil , waxaana lagu dilay goobta dagaalka, wiilkiisu wuxuu wacad ku maray in uu halgankii aabihii meesha ka sii wado, howl galadii ugu horeeyey ee black September wax war war ah kuma beerin Israa’iil , waayo waxay ku fool lahaayeen si qumaatiya dowlada Urdun, waxay qarxiyeen xafiiskii Rooma ay ku lahayd shrkada diyaaradaha ee Urdun, waxay bombo dhalo ku weerareen safarada Urdun ee Baariis, waxay afduubeen diyaarad Urdun oo Liibiya u sii jeeday, waxay qaribaad u gaysteen safaarad Urdun ee Berne, hooso elektorooniga ee ku taalay Jarmalka, kadyka shidaalak Hamburg iyo Rotterdom, waxay dileen shan basaasiin Urduna, waxay ku dileen fadhiga hotel Sheraton qaahira madixii hore ee madax wasiirada Urdun Wasfi al Tal, mid ka mid ragii dilay ayaa jilbaha dhigtay oo meydii ku foorarsaday dhiigiisii na carabsaday.
Markii gadaalkii lixda maalmood ee 1967 ay Israa’iil ku adkaatay, Falastiiniyiintii waxay isku xilsaareen in ay sii wadaan la dagaalanka dowlada Israa’iil , diyarad ayay afuubeen, soohdinta ayay soo gudbaan oo qaraxyo ka geystaan magaalooyinka, dad laayeen, Mossad iyo Shabak na waxay u tafa xayteen sidii ay ula dagaalami lahaayeen nacabka cusub, waa in ay dhex galaan bu’da cadowga, qorshahooda dhicisiyaan, qab qabtaan, jabhada Fatah urur weyn ayay ahayd oo Israa’iil iska hor imaan karaan, black september se ma ahayn, balse black September waa ay gudubtay soohdiintii markii hore loogu tala galay iyo howshii loo abuuray, waxayna bilowday dhaq dhaqaayo lid ku ah reer galbeedka iyo Israa’iil , xsuuqii Munich wuxuu ahaa dharbaaxyadoodii u horeysay, waana tan uu ku helay Cali Xassan Salaama naynaastiisa, asga ayaa ka danbeeyayhowl galkii Munich, in uu yahay nin u hamuun u qaba dil iyo dhiig ayaa aad ugu shaac baxay ururka dhexdiisa,waxayna bilaabeen in ay ina Xassan Salaama ugu yeeraan [amiirkii casaa].
Bilowgii bishii Oktoobar 1972, laba janaraal oo howl gab ah ayaa codsaday in ay la kulmaan madaxa wasirda Golda Meir, waxay ahaayeen madaxa cusub ee Mossad Zvi Zamir, iyo la taliyaha madaxa wasiirada xagga ka hor taga argagixisada, Aharon Yariv, Golda waxay aad uga xanaaqsanayd dhacdadii Munich ka dhacaday, waxayna tiri:
[mar kale ayaa Yuhuud inta la sku xir xiray, lagu laayay carro Jarmalka]
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply