MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN SALAAMA QAYBTII 1AAD

 

5 tii bishii Sebtember 1975, toban saac iyo bar waabariga ka hor, siddeed nin oo hubaysan oo madaxyadu u qarsoonyihiin ayaa gudaha isku dhigay illinkii aqalkii ay daganaayeen kooxdii Israa’iil  uga qayb galaysay tar tanka olombikada ee Muunikh, waxayna dileen tababarihii kooxda lagdinta, moshe weinberg oo isku dayay in uu hor istaago iyo Joseph Romano oo ahaa culays dhutaha markaas haystay koobka Israa’iil , qaar ka mid ah cayaartooydii ayaa ku kacay dhawaqa xabadaha waxayna ka boodeen dariishadaha oo ay sidaas ku baxsadeen, balse waxaa meeshii lagu qabsaday sagaal ciyaartooy.

Durbadiiba waxaa yimid ciidankii booliiska Jarmalka waxaana ka bada yimid wariyayaashii, sawir qaadayaashii, dadkii muuq baahiyayaasha oo tabinayay xaalada ka socota tuulada olombkida, waxay ahayd markii ugu horeysay oo si qummaati ah looga daawado muuq baahiyayaasha dil argagixiso gaysatay, sidoo kale waxaa daawanayay madaxa wasiirada ee Israa’iil  Golda Meir oo ay hurdada ka kixiyeen sarkiil ciidan, Golda xaal waa ka xumaa, weererku wuxuu ka dhacay dal ay saaxiibo yihiin, xilka badbaadinta iyo u gurmadka dadka la qafaashay ayaga ayuu dusha ka saarnaa, maamulka gobolka Bavariya ee dhacdadu ka dhacday si aan xumaan ku jirin ayay u diideen taladii ay Israa’iil  soo jeedisay oo ahayd in Israa’iil  ay soo dirto, Sayeret Matkal  , cutubka comaandooska ee ugu fiican Israa’iil .

Waxba ha ka war warina anaga ayaa soo bad baadinayna dadka la qafaashay ayaa Jalmalku ku yiri Israa’iil , dhamaantood anagaa soo daynayna, balse Jarmalku ma lahayn khibrad badan iyo xeel abuur iyo geesinima ay ku fool saaraan dhimasho oo ay uga hortagaan ururada dhagarta badan ee argagixisooyinka, gor grotan maalin qaatay markii ay ku jireen dowlada Jarmalka iyo afduubayaashii ayaa dadkii la afduubay iyo afduubayaashii loo waday giga diyaaradeed ee ku taal banaanka magaalada Muunikh, Jarmakuna wuxuu u ballan qaaday afduubayasha in la siin doono haado meeshay markaas rabaan u qaada.

Balse ciidanka booliisku been ayay sheegayeen oo dabin caruurnimo  iyo barbartooni ah ayay dhigeen, haado ay leedahay shirkada lufthansa oo aan cidna saarnayn ayay dhex dhigeen garoonka dhixdiisa, toogtayaal shiish oo aan xirfad wanaagsan lahayna waxay saareen dhimayaasha dhaladooda, hoggaamiyihii afduubayaasha ayaa markaas koray diyaarada si uu isaga hubiyo, haado aan shaqaalaheedii saarnayan iyo dadkii duulin lahaa oo matoorkeedu qabow yahay, sidee ayay daqiiqado ugu duuli kartaa? Durbadiiba af duubayaashii waxay ogaadeen in la dhagray, xabbado ayay fureen iyo bambooyin ay tuurayeen, intii ay booliiska iska caabinta kula jireen waxay laayeen dhamaan dadkii ay soo afduubteen, hal ciidanka Jalmarka ka mid ahna waa uu ku geeriyooday, sidoo kale shan ka mid ah afduubayaashiina waa ku dhinteen saddexna nolol ayaa lagu qabtay, ” sadeexdii la qabtayna waxa yar ka dib waa la sii daayay markii Falastiinyiintii ay af duubeen diyaarad lufthansa leedahay”.

Janaraal Zvi Zamir , oo madaxa wasiirado ay u dirtay muunikh, wuxuu xasuuqaas ka daawanayay barta kore ee diyaaradaha laga hago, balse wax awood ah uma lahayn in uu dhex galo howl galka Jarmalku wadto, oo ay waliba ku cel celinayeen oo u sheegayeen in qorshahoodu uu aad u wanaagsan yahay oo uu guul ku dhamaanayo, waxa kaliya oo uu samayn karayna waxay ahayd in uu arko oo daawado xasuuqa dhacaya iyo sida loo laayay ciyaartooydii ciyaaraha fudud ee Israa’iil , wuxuuna garwaaqsaday in nacab cusub ku soo baxay Israa’iil , urur argagixiso ee la yiraahdo, ”black september” Sebtembartii madoobayd, black september waxa ay falastiiniyiintu ugu magac dareen, xasuuqii uu boqorka Xuseenka Urdun uu ku laayay kumaan kun Falastiiniyiin ah bishii Sebtember 1970, ka dib dagaalkii lixda maalmood ee 1967, Falastiiniyiintii waxay awood ku yeesheen meelo badan oo dalka urdun ka mid ah iyo xaafado ka tirsan magaalada madaxda Urdun ee Cammaan, tuulooyin iyo magaalooyin ku dherarsan xadka Urdun la wadaagto Israa’iil  ayay ka dhigteen saldhigyo oo hubkooda jidadka ula marayeen si qarsoodi la’aan ah, waxay ka hor yimaadeen awoodii boqorka, si talaaba talaaba ahna waxay noqdeen mudanayaashii dalka lahaa, boqorkuna waa uu ogaa balse wax kama qaban.

Mar uu boqorku booqashu ku tagay xero ayuu ku arkay horaado gashi ”rajabeeto” suran oo ka babanaysa anteeno taangi.

”Waa maxay waxaan”? ayaa boqorkii si cara leh u yiri

”Manaheedu waxaa weeye dumar ayaan nahay, nooma ogolid in aan dagaalano” ayaa horjoogihii taangigu ku yiri.

Ugu danbayntii xuseen intaas ka badan waa dul qaadan waayay, mana sii wadi karin in uu sida gorayadii madax ciida ku qarsado markii boqortooyadiisii la kala boobayo oo la kala qaybiyo,

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply