Sagaal saac iyo affartan iyo shan daqiiqo ee galabnimo “3:45 pm” Cali Xasan wuxuu koray garigii chevrolett ka ahaa ilaaladiisiina fatuuradii land roverka ahayd, waxayna u dhaqaaqeen dhinaca xarunta Fatax, baabuurtu waxay hoos u qaadeen jidka madame curie ka dibna ku laabteen jidka Verdun, dabaqa siddeedaas sarta geeska xigta Erika waxay arkaysay fatuuradihii oo soo dhawaanaya waxaana dhinac taagnaa devid molad oo gacanta ku haya qalabka fogaan ka qarxinta, chevrolet dii si dagan ayay u garb martay volks wagon tii, devid na badhankii ayuu riixay, volks wagon tii waa ay qaraxday waxay noqotay kubad weyn oo holcaysa, chevrolett kii ayadana dab ayaa qariyay qaraxna ayaana ku xigay, cadad bira ah iyo bur bru dhalo ayaa cirka kor u galay, muraayadihii daaqadaha darisku waa bur bureen oo sidii roob firirkoodii u soo daateen, dadkii jidka marayay oo argagaxsan waxay eegayeen dadkii saarna chevrolettka oo maydkoodii uu birtii bur burtay ku dhex jiraan, baabuur booliis iyo kuwa gargaraaka deg deg ah ayaa ku soo xoomay goobtii, waxaana chevrolett kii oo isku laabmay laga soo bixiyay, maydadkii wadaha iyo labadii ilaalo iyo Cali xasan Salaama.
Dimishiq, Yaasir Carafaat oo shirku jiray ka dhacayay meridian hotel, ayaa telegaraam loo keenay, markii uu akhriyayna oohin ayuu qabsaday, habeenkaas waxaa xeebta juuneh yimid huuri balastiik ah oo laga soo dajiyay doon dheeraysa ee Israa’iil leedahay, ronlad kolberg iyo Erika ayaa ku booday oo fuulay, durbadii waxaa huurigii uu u qaaday doontii weynayd. Booliiskii libnaan waxay heleen fatuuradihii oo xeebta yaal furayaashiina ka taagan yihiin,
Erika mary chambers waa magaca runtaa ee basaasada Mossad ee yuhuuda ingriiska ah, waxay wax badan ku noolayd ingriiska iyo awstaraaliya intii aysan u soo baqoolin Israa’iil , waxaana Mossad ay qorteen intii ay dhiganaysay jaamicada Hebrew, Israa’iil ayay ku laabatay waligeed war danbe lagama maqal iyo meel ay joogto, sidaas ayuu ku dhamaaday howl galkii cara alle kuna cirib tirantay black sebtemper, gu’yaal badan ka dib ayaa faah faahino ku saabsan howl galkii soo baxeen, janaraal aharon waraysi uu siiyay muuq baahiye wuxuu qirtay in uu Golda kula taliyay “in ay disho inta u badan ee la dili karo oo black Sebtember ah” wuxuu yiri
“aad Ayaan ula yaabay in howl gal ciidankeenu ka sameeyeen beyruut iyo dhowr aan ku dilnay yurub ay ku filnaatay in fatah naga joojiso aragagxisadii ay dibada nagu hayeen, taas waxay markhaati u tahay in aan jid u lahayn in aan sida u dhaqano xilligi gaara”
Balse xumantii dhacday waxay saadaalinaysaa wanaag danbeeya.
1996, wariye Israa’iil i ah oo layiraahdo ben simon ayaa saxiibadiis ku marti qaadeen xaflad jurusalam gudaheeda, wuxuu meesha kula kulmay nin dhalin yara ah oo Falastiine ah oo aad u wanaagsan, si qurxoon u dhar xiran, ingriis wanaagsana ku hadlaya, wuxuuna isku baray ben simon in magaciisa la yiraahdo Cali xasan Salaama,
“magacaas waxaa lahaa ninkii ka danbeeyay xasuuqii Munich” ayaa simon yiri
“aabahay ayuu ahaa” ayaa wiilkii yiri “waxaa dilay Mossad”
Wuxuu u sheegay ben simon, in wax badan uu hooyadii kula noolaa yurub, ugu danbayna Yaasir Carafaat uu ku marti qaaday jurusalaam.
“waligay ma rumaysteen in ay imanayso maalin aan xaflad kula qoobka ciyaaro dhallin yaro Israa’iil , jurussalaam dhexdeeda” ayuu yiri
Wuxuu u sheegay socdaalkiisii uu siraa’iil gudaheeda iyo sida wanaagsan ee Israa’iil iyiintu u soo dhaweynayeen.
“anigu nin nabadeed Ayaan ahay, aabahay wuxuu noolaa xilli dagaal, noloshiisii ayuuna ku waayay, waa cusub ayaa bilowday, waxaa rajaynaa nabad ka dhex dhacda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyiinta in ay noqoto waxa ugu weyn ee labadaas dad noloshooda ku dhacda”
DHAMAAD
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply