MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 13AAD

 

dariskeedu waxay u bixiyeen naynaas ah Penelope, waxay u sheegaty dariskeeda in ay iskaa wax u qabso isugu soo xilsaaratay in la shaqayso hay’ad caalamiya oo dhaqaalaysa caruurta saboolka ah, dhabtiina waxa la arkayay ayada oo dhex joogtada sibtaatalad, goobaha taakulaynta, dad qaar waxay yiraahdeen waa ay la kulantay Cali Xasan Salaama, waxay u muuqatay qof wehel la’aan hayso oo kaliyaysan, mar kasta kala daadsan dharka iska gasho u xirata, waxay soo dagataa ayada oo sidda xeerooyin cuno ka buuxdo oo ay ku quudiso mukulaalaha dibad joogta ah, gurigeedana waxaa ka buuxay mukulaaluhu, waxay ahay farshaxan, balse dadka sawirada farshaxan gacmeedkeeda arakay waxay sheegeen in aysan sidaas u sii dheerayn farshaxkeedu.

Waxaa kale oo xiisa galiyay Erika muqaalka dhulka Libnaan, waxayse aad u xiisaynaysay waxay ahayd wadada gaadiidka badan ee sarta ay dagan tahay hoosteeda marta, aroor walba laba gaari ayaa dariishadeeda soo hoos mara, chavrolett sation wagon ah iyo land rover jeep ah, Erika waxay si hufan oo taxadar ah ula socotay xilliyada iyo dhinac ay gaawaaridu aado, aroor walba waxay ka yimaadaan dhinaca xaafada Isnoober oo ku soo dhacaan isgoyska Verdun iyo curie, ka dibna u kacaan koofur iyo xarunta jabhada al Fatax, waxay soo laabtaan xilliga qadada, galabtiina waa ay soo muuqdaan ayaga oo xarunta u socda, baabuurta waxay ku eegataa muuqaal dhaweeye ama xoqoto , Erika waxay aqoonsatay Cali Xasan Salaama oo fadhiya kursiga danbe ee chevrolett ka laba ilaalo dhexdood, ciidan kale oo hubaysana waxay saran yihiin land rover ka, ilaaladiisu waa laga yaabaa in ay badbaadiyaan, balse marna kama badbaadin karaan in cadowgiis u xun uu ogaado marinka uu qaado,

Tan iyo intii uu guursaday quruxleeyda jorjina Cali noloshiisu hal qaab ayay ku socotay, wuxuu dagay xaafada Isnoobara, shaqada ayuu aadaa sidii qof xafiis ka shaqeeya, xilliga qadada ayuu guriga ku soo laabtaa, qadeeyaa oo nastaa ka dibna shaqada ku laabtaa, wuxuu iska dhaga tiray xeerkii qarsoonaa oo ahaa waligaa hal caado ha yeelan, hal guri wax badan ha daganaan, waligaa hal jid laba jeer ha marin, waligaana isku xilli ha bixin ama socdaalin maalintii kasta.

1 kii, janaayo, 1979, dalxiise Biritish ah, peter ayaa yimid bayruut, kuna dagay miditerranee hotel, wuxuuna kiraystay fatuurad volks wagon buluug ah, isla maalintaas dalxiise kanadiyan ah, roland kolberg oo daganaa hotelka royal garden wuxuu kiraystay fartuurad simca chrysler ah, Ronald na qof kale ma ahayn ee wxuu ahaa Devid Molad, qofkii saddexaad ayaa tagay meel gawaarida lagu kireeyo, waxay ahayd Erika chamber, waxayna weydiisatay in la  kareeyo fatuuratad, si ay buuralayda socdaal ugu aado, waxay kiraysatay fatuurad dutsun ah oo ay gurigeeda meel u dhow dhigatay.

Habeenkaas saddex doomaha dheereeya oo gantaalaha sida ayaa yimid xeeb cidla ah oo u dhaxaysa beyruut iyo dakada juuneh, waxayna xeebta ku dhaafeen miinooyin, Ronald iyo peter na waxay 61 kg oo miinada ahayd ku rareen fatuuradii folks eagon ta ahayd, 21 kii janaayo peter wuxuu faturadii volks wagon ta ahayd dhigay jidka Verdun, meel si qumaatiya ugu aadan dariishada Erika, ka dibna taksi ayuu u qaatay garoonka wuxuuna u duulay qubrus, Ronald kolberg hotelkii u daganaa ayuu ka guuray wuxuuna u guuray mid kaleoo ku yaal juuneh.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply