MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 12AAD

 

 

6 dii oktoober ciidamada masar iyo suuriya ayaa weerar kadis ah ku soo qaaday israaiil, dagaalkii yomkhippur ayaa bilowday “qayb kale Ayaan kaga hadli doonaa”, laba gu’ ayaa ka soo wareegtay, habeen gu’ ah 1975 ayaa qoys bayruut dagan casuumeen naagtii aduunka ugu qurxoonayd, jorjina rizq, oo afar gu’ ka hor xeebta Miami ku guulaysatay in ay noqoto gabadha quruxda aduunka, quruxleeydaan reer libnaan waxay heshay socdaalo badan oo abaal marin ah oo ay kula kulntay madax badan oo aduunka ah, libnaan markii ay ku soo labatayna waxay noqotay gabdhaha dharka xayaysiiya “model” waxayna lahay dukaamo dharka casriga ah lagu gado, habeenkaas ay guriga qoyska joogtay waxay halkaas ku baratay nin aad u qurxoon oo soo jiidasha leh, waana ay is jeclaadeen, laba gu’ ka dib 8 juun 1977 na waa ay is guursadeen, ninkaasna wuxuu ahaa Cali Xasan Salaama.

Dhamaadkii 1973 dii, black September hawada ayayka baxaday, in kasta oo ururkiisii baaba’ay Cali wxuu noqday gacanta midi ee Yaasir Carafaat iyo wiilkiisii oo kale, nux nuxdu waxay sheegaysay in uu asagu dhaxli doono hogaanka PLO Carafaat  ka dib, burburkii black September ka dib Cali Xasan waxaa laga dhigay madaxa ciidanka toddobo iyo tobnaad, Cali wuxuu Carafaat u raacay New York, Carafaat  wuxuu galay golaha shirka ee qaramada midoobay asaga oo gacanta ku sita laan geedka saytuunka “olive” suunkana ay ugu xiran tahay bastoolad, Cali waa uu dhinac taagnaa Carafaat  markii uu u duulay Moosko si uu ula kulmo hogaamiyayaal awood aduunka ku leh, la yaabka Israa’iil  na Cali wxaaba hadba dhinac u waday oo kool koolinayay CIA da maraykanka, aragti kale oo CIA da oo ayadu waa ay iska iloowday wxii uu gaystay amiirka cas, lugtii uu kulahaa xasuuqii Munich, dilkii diblomaasiyiintii maraykanka ee Khartuum ee uu qorshaheeda dajiyay Cali ,wuxuu ahaa argagixiyaha aduunka ugu halisan, ayaguna waxay u tababarteen in uu tif tif u noqdo, CIA du waxay filaysay in Cali uu daacad u noqdo, waxay siiyeen boqollaal kun oo dollar balse waa uu diiday in uu qaato, wuxuuse ha la iigu badalo yiri in asaga iyo xaaskiisu ay fasax dheer ku soo qaataan jasiirada Hawaii, kharashka dhanna ay bixinayso CIA du.

 

Habkii nololeed ee Cali waa is dhalan rogay, saaxiibadiisana waxay bilaabeen in ay rumaystaan in Cali uusan halis ku ahayn, balse wuxuu dareensanaa in maalmo yari u hareen oo dhimasha ka hadalkeed ayuu hadal hayay mar kasta, mar wariye warsanayay wuxuu yiri:

“Markii taydu soo gasho cid I bad baadin karta maleh”

Israa’iil na waxau go’aansatay in ay soo dadajiyaan in tiisu soo gasho.

Tan iyo baabi’ii black September waxayaabo badan ayaa Israa’iil  iska badalay, Golda meir waa tagtay, kii dhaxlay Rabin waa uu is casilay, madax wasiiro oo cusub ayaa jooga Manahem begin, Zi zamir waxaa badalay janaraal Yitzhak “haka” Hofi, abaanduulihii hore ee ciidamada aaga waqooyi, balse aragagixintii Falastiiniyiintu ku wadeen Israa’iil  halkeeday ka socotay.

1976, haado ay leedahay shirkada diyaradaha ee faransa ayaa la afduubay oo lagu dajiyay garoonka Entebbe, Uganda, waxaana u gurmaday oo xoog ku soo furtay ciidanka lugta iyo sayeret matkal ee Israa’iil, 1978 argagiso Fatax ah ayaa Israa’iil  soo galay oo afduubay bas waxayna la soo aadeen dhinaca magaalada tel aviv, balse waxaa jid gooyo laagu sameeyay magaalada banaankeeda ugu danbayna waa laga awood badiyay, balse waa mar ay dileen soddon iyo shan rayid ah, dad isugu jira rag iyo dumar iyo caruur ayay dhul Israa’iil  dhexdiis ku laahayeen.

Manahem begin waxaa ka go’ nayad in gacan ku dhiigle argagixiye ah uusan nadab ku noolaan, dhamaadkii toddobaataneeyada mar kale ayaa magacii Cali Xasan ka soo dhex muuqday dadka la rabay in laga aargoosto, basaas qarsoon oo Mossad ah ayaa loo diray Beyruut, wuxuuna xubin ka noqday gole caafimaad oo ah halka Cali Xasan ku jimicsado, maalin asaga oo u socda qolka uumiga ayuu fool ka fool uga hor yimid Cali xasan oo qaawan shukumaane yar oo uu guntanaa maahine, arrintaan xiisaha badan dood badan ayay ka dhex dhalisay Mossad, Cali oo qaawan oo golaha jooga waa raq fudud, dhinaca kale haddi laysku dayo in lagu dilo gudaha golaha waxaa dhici karta in dad badan oo rayid ah wax ku gaaraan, sidaas ayaa qorshahaas loo joojiyay.

Riter Erika mary chambers, waxay ahay dof dumar ah oo ingiriis ah oo aan la qabin oo dhaqan yaab iyo qaab dara ah leh, affartii gu’ ee u danbeeyayna waxay ku noolayd Jarmalka, Bayruut ayay timid oo guri ka ijaaratay dabaqa siddeedaad dhisme ku yaal isgoyska jidka Ferdun iyo jidka madam curie.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply