durbadiiba waa ay helaan Ben Aman, waxaase lala yaabanaa oo aan wax fikrad ah laga haysan waxa Cali Xassan uu ka samaynayo magaalo buuraleey ah oo sidaan u yar oo u dagan, kooxdii koowaad waxay u daba galee Ben Amin goobta barkadda dabaasha ee magaalada, waxaynn wada kulmeen nin u eg dadka bariga dhexe, dabagalkii waxay fiirsiyeen sawiro ay wateen waxayna si aan tuhun ku jirin isugu raaceen ninkaas uu la klmay Ben Aman in uu yahay Cali xasan Salaama, waxayse maqlueen kooxdii afraad oo ayagu dhagaysanayay ninka oo dad kale la hadlaya, waxayna sheegeen in ay tahay wax aan dhici Karin in Cali xasan uu yaqaan oo uu ku hadlo afka Norweyjiyanka,
Si loo hubiyo sirdoonkii waxay daba gal ku sameeyeen Cali Xasan, waxay arkeen asaga oo la socda naag uur leh oo Norwejiyan ah, howl galkiina qabtiisii u danbaysay ayuu maryay oo kooxa kale ayaa Israa’iil ka yimid, qofka in uu dilka fuliyo la rabayna wuxuu ahaa, Jonathan Ingleby, oo ay wehliyaan, Adolf Baher iyo Gerard Emile, David Jonathan oo asagu aan ku jacsanayn howl galkaan, kooxdii baabuur ayay kiraysteen iyo hoteello.
21 kii julay CaliXassan iyo gabdhiisii uurka lahay waxay ka soo baxeen shaneemo ka dib markii ay soo daawadeen filinkii, Eagles dare, oo uu ka aarbe ahaa Clint Eastwood, bas ayay qaateen waxayna kaga dageen jid cidla ah oo aan dhaq dhaqaaq lahayn, si kadis ah yaa fatuurad cad u soo gees dhigatay, laba nin ayaa ka soo booday oo wata bastoolado jaadkoodu yihiin, Beretta kuna shaq shaqay jirkii Cali 14 xabadood, amiirkii casaana waa dhintay, howl galkii waa dhamaaday, Mike Harari wuxuu amar ku siiyay raggiisi in ay hadd ka baxaan norway, ka bixidii sidii loo qorsheeyay ayay u dhacday, dilayaashii waxay fatuuradii cadayd uga tageen magaalada dhexdeeda, duullimaad kii u horeeyay ee Oslo ka baxayayna waa ay raaceen, intii badnayd iyo Mike Harari na waa ay ku xigeen, waxay gadaal ku dhaafeen kooxdii raadka tir tiri lahay, fatuuradihii la soo kiraystay celin lahaa iyo guryihii la kiraystay, balse waxaan la filayn ayaa arrintiiba madax iyo majo u ragtay.
Qof dumar ah oo ku noolayd halkii dilku ka dhacay ayaa aragtay midabka fatuuratada cad iyo jaadkeeda-peugeot- ee dilayaashu wateen, booliiskii waxay jid gooyo dhigeen wadada isku xirta Lillehammer iyo Oslo, waxayna joojiyeen peugeot cad oo naag qurxoon wadato, indhaha waxay ku dhuteen lamberkii sumada fatuurada, aroortii danbe fartuuradii waxaa lagu celiyay halkii laga soo kiraystay oo garoonka ahayd intii saarnaydna waa la xiray, Dan Arbel iyo Maryanne galadnikoff warsigoodii waxaa lagu soo qabtay laba kale oo Mossad, Silvia iyo Abraham Gemer, laba kalana isla maalintaas ayaa la qabtay, Arebl iyo Maryanne cadaadis badan ka dib waa ay isku dhex yaaceen waxayna bananaka soo dhigeen xogtii howl galka oo dhan, guryahii badbaada ee Norway iyo yurub ku yaalay oo dhan, xeerka howl galka, lambarada telefoonada, iyo sida Mossad uga howl gasho Yurub.
Isla maalintaas ciidankii booliisku waxay weerar ku qaadeen guri Oslo ku yaalay oo ay ka heleen dukumintiyo badan, waxaa kale oo ay guriga ugu tageen Ig’al Eyal, madaxa nabsugida ee safarada Israa’iil oo la ogaaday in uu xariir la lahaa Mossad, carro waa dhabaqday, maalintii ku xigtay warbaahinta Norway waxay faafiyeen warkii saraakiisha Mossad ee la qabatay, taasna waxay ahayd jug xun oo ku dhacday awoodii iyo sumacadii Mossad, warbaahintiina waxaa kale oo ay sheegtay oo ka sii tii hore, ahaydna in Mossad ay dishay nin aan ahayn kay rabeen, ninkay dileen Cali xasan maahayn ee wuxuu ahaa Axamad bushiki, Marookaan adeega makhaayad ahaa oo u soo shaqo tagay Norway oo xaas norwejiyaan ah qabay, una lhayd uur toddoba bil ah, warkiina wuxuu dhex yaacay warbaahintii aduunka.
Sirdoonkii la qabtay waxaa la soo taagay maxkamad, qaar ka mid ahna muddo dheer ayaa lagu xukumay, Silvial waxay is jeclaadeen qareenkeedii norwejiyaanka ahaa, markii xabsigeedii u soo dhamaadayna waa ay is guursadeen oo wada noolaayeen tan iyo intii ay u dhimatay cudurka kanserka 2005.
Ceebtii lillehammer ku dhacday, Mossad waxay badashay habkii qorshaha howl galadooda, waxay ka guureen aqaldii badbaadinta, waxay samaysteen xariiro hor leh, waxay qirteen in ay khalad ku dileen Axmad Bushiki oo ay cidiisa siiyeen affar boqol oo kun oo dollar, tan ugu xun waxay ahayd in Mossadii ku can baxay in ay lama arkaan tahay ay fashilantay, Golda meir waxay amar ku siisay Zamir in la joojiyo gawl galkii carada alle, balse isla xilligaas waxaa dhacay arrin kale oo qarisay oo dabooshay guul darradii Mossad. La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply