MOSSAD- BAADI GOOBKII CALI XASSAN  SALAAMA QAYBTII 10AAD

 

 

Maalintii ku xigtay waxaa soo dagay madixii howl galka iyo labaatan iyo lix jir qurux badan oo faransiisad ah oo ku socota magaca Maria Francis, magaceeda runta ahse wuxuu ahaa, Evelyn Borges  Mossad na aad u taqiinay in ay tahay xirfadle argagixiso, ku dhagan mabda’a Maarkisiistaha, kana soo qayb qaadatay werrero aragagixiso oo yurub ka dhacay, markii la warasaday kooxdaan isku magacawday kooxda Passover, waxay sheegeen in qorshahoodu ahaa in ay ku qarxiyaan miinadan cinjirka ah sagaal hotel oo waaweyn oo tel aviv ku taal, dhamaantood xabsiga ayaa la dhigay balse ninkii ka danbeeyay oo gadaal howsha ka waday, Maxamad  Bowdiya lama qaban, Aljeeriyaan soo saare riwaayadeed oo jilaa ah ayuu ahaa, nin dhaqan, aqoonyahan, farshaxanle ayuu ahaa oo noloshiisa golaha iyo riwaayadaha wuxuu ku qarinyay noloshiisa kale ee mujrimnida,

Wuxuu ahaa gacaliyaha Evelyn Borges  , naaga badana waa uu wadi jiray taas darteed ayaa Mossad u bixisay asga shimbirkii buluuga,

Maxamad  markii hore wuxuu ka hoos shaqayn jiray oo amarka ka qaadan jiray Koorji Xabsh iyo jabhada xoranta dadka Falastiin “JXDF” balse markii danbe wuxuu ku biiray black September loona magacaabay madaxeeda faransa, wuxuu ku lug lahaa dilkii Khadar  oo ahaa wariye suuriya oo baariis joogay oo lagu tuhmay in uu Mossad roofiyaan u yahay, sidoo kale Maxamad  wuxuu madax ka ahaa howl galada ururka ee laga fuliyo yurub, asaga ayaa qorsheeyay weerar lagu qaaday meel ay si ku meel gaar ah u daganaayeen yuhuud Raashiya laga keenay oo Israa’iil  loo waday, dilkii Hamshari ka dib Maxamad  aad ayuu u foojignaa oo xataa dabagalkiisii uu dhib noqday.

Bishii may, 1973, koxdii dilka ee Mossad waxay yimaadeen baariis waxayna isku dayeen in ay helaan Maxamad , kooxdii waxay heleen magaca iyo cinwaanka Maxamad  saxiibtiisa cusub, si dul qaad leh ayay ugu sugayeen Maxamad  halka gabadhu ku nooshay, ugu danbayn asaga oo meel uu ka soo baxay la aqoo ayuu sartii dalaq yiri, markii aroortii dadkii dhimaha daganaa ay shaqa tagayeen ama danahooda aadayeen Maxamad  kuma dhex muuqan dadka, bil jaha wareer ah ka dib wada iyo hadal badan kooxdii waxay dareentay wax aan caadi ahayn, habeen walba oo uu Maxamad  saxiibtiis la baryo aroortii naag dheer oo weyn ayaa ku dhex jirta dadka sarta ka soo baxaya, oo tima beena oo kala midab ah xirata, mar tima cad mar madoow…, ugu danbayn waxay ogaadeen oo Maxamad  oo adeegsanaya xirfadiisa jilaanimo in uu sarta kaga baxo naag ahaan, balse sabab aan la ogayn darteed Maxamad  waa uu joojiyay booqshadii saxiibtiis, Mossadna meel uu jaan iyo cirib dhigay waa waayeen, inta kaliya ee ay ogaayeen waxay ahayd in aroor walba uu qaato tareenka dhulka hoostiisa mara marka uu kulamada u socdo, oo uu treenkaas ku badalo mid kale oo u socda joogsiga Etoile, dhigta arc de trionphe, joogsiga tareenku waxay ahayd goob tareemadu isugu yimaadaan oo ayna isku dhaafaan ayaga oo dal dalaya malaayiin dad ah oo tareemada isku badalaya, sidee ayay Maxamad  uga dhex heli karaan dadkaan badan, waliba asaga oo kun muuqaal le ah, balse xal kale ma jirin oo Mossad waxay Baariis ugu yeertay dadkeedii yurub joogay oo dhan oo loo qaybiyay sawirakii Maxamad  oo marin kasta iyo illin walba oo joogsiga Etoile la dhigay, maalin iyo labo iyo saddex ayaa gudubtay, maalintii afraad ayaa kuwa arkeen Maxamad  oo is muuqaal gadiyay balse weli ninkii ay raadinayeen u eg xooga, waana ay daba dhigteen tan iyo intii fatuurad ka raacay illinka looga baxo joogsiga tareenka, baabuurkii ayay daba galeen habeenkii oo dhanna ilaalo ayay ka hayeen guriga ku yaalay jid rue de fosses Saint -Bernard ee Maxamad  ku jiray oo ay u badiyeen in saxiib cusub u dagantahay.

Arootii danbe 29 kii June, 1973, Maxamad  fatuuradiisii ayuu ag yimid oo si fiican uu uga kormeeray dusha sare oo hoosteedana si fiican u eeg eegay, markii uu qancay ayuu furay oo kursigii wadaha ku fariistay, waxaana dhacay qarax dhaga jabis ah oo fatuuradii bur buriyay Maxamad na bartii ku dilay, sida ay qoreen madaxa Mossad  Zamir wuxuu qaraxa ka daawanayay jidka dhinaciisa kale meel laab ah, balse madaxda Mossad xilli ay ugu dabaal dagaan guushaan ma haysan oo farriin deg deg ah ah ayaa soo gaadhay xarunta weyn kuna saabsan black septemer oo sheegaysa in ben Amana oo Aljeeriyaan ah loo soo diray in uu la kulmo Cali Xassan  Salaam, ben Aman si muluq mulul ah iyo wada dhabareed qaadid ah ayuu yurub ku dhex maray ugu danbayn wuxuu yimid, Lillehammer, magaala dalxiis oo Norway ku taal, maalma ka dibna kooxdii dilka oo uu hogaaminayo Mike Harari ayaa u duulaymagaaladii.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply