Ariel oo gariiraya ayaa ugu danbayn qirtay in hooyadiis ay wiilka dalka ka saartay ayada oo ka dhigaysay In uu gabar yar yahay, waxay been abuur ku samaysay basaboorkeedii oo magaca wiilkeeda oo kula qornaa oo ahaa , Claude ay ka dhigtay Caludine, taariikhda dhalashadana waa ay badshay una ekaysiisay da’da Yossele, wxaana wiilkii loo waday swiss, qirashadii Ariel durbadiiba waxaa loo gudbiyay kooxdii baariis ee habarta waraysanayay,
”Ariel gacanteena ayuu ku jiraa” ayaa victor ku yiri ”wax kastana waa uu qirtay, ciqaab xunna waa uu mutaysan doon, waxa wiilkaaga ku dhacaya dan kama lihid miyaa?
”saacdaan laga bilaabo wiilkayga maahan” ayay ugu war celisay
Ruth ben devid waa la nuuxin waayay, ragii warsanayayna waxaaba la yaabeen ad adeegeeda iyo go’aan adayg geeda, arrintii waxay noqotay xujjo, xalkii waa dhowyahay hadana raggii waraysanayay waxay bqadin ka qabeen in ay dhacdo in lagu guul daraysto, ugu danbayn Isser harel wuxuu go’aansaday in xilligii uu asagu arrinta faraha ku dhigi lahaa la gaaray, sidaas ayaa asaga iyo Ruth sku soo hor fariisteen fool ka fool qol mugdi xigeena dhexdiisa, waxaana la joogay rag Mossad ah, Cohen iyo yaacov na waa u kala turjumayeen, Isser wuxuu garwaaqsaday in naagtaan mintidka ah aan caga juglayn wax looga qaadi karin, sida kaliya ee lagu qancin kara ay tahay damiir ahaan ayada oo loo maryo diinta, waayo naag diintu ku dheertahay in ay tahay ayaa muuqatay, wixii maan gal ah markaas ay dhagaysanayso, qof garaad badana waa ay hayd.
”anigu waxaan ka socda dowlada sira’iil” ayaa Isser hadalkiisii ku bilaabay asaga oo hadlkiisa miisaamaya ”wiilkagu waa noo sheegay wax walba, war bixino kale oo badan oo adiga kugu saabsana waan haynaa, inta badan sirtaada waan ognahay, waana ka xunahay in aan xoog kugu keenay halkan, waxaad soo gashay diinta yhuuda, yuhuud macnihiisu waxaa weeye israa’iil, Israa’iil la’aanteed yuhuud ma noolaan karto, afduubka Yossele dharbaaxyo xun ayuu ku noqday bulsha diimeedka israa’iil, waxaan biloowday nacayb loo qabo orthodox ka, haddii aadan wiilka soo celin waxaad sabab u noqonaysaan dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, in adna aad u dhimatidna ayaa dhici karta, ka fakar adigu bal waxa ku dhici kara cunugaas, waa uu xanuunsan karaa, waa uu dhiman karaa, sidee markaas adiga iyo kuwa kula jira aad wiilka waalidkiis u fool saari kartaan, arrin walgiid idin daba joogta ayay noqonaysa, danbi aan waligiin idin ka harin, adiguba hooyo ayaa tahay, hadii qof uu u bogi waayo sida aad wiilkaaga u korinayso oo uu kaa qaato maxaad dreemi lahayd? Hurdo ma kaa soo dhici lahayd? Anagu diin la dagaalan uma socono, ujeedkeena kaliya waa in aan helno wiilka, markii aan helnana waad madax banaantahay, sidoo kale wiilkaaguna waa madax banaan yahay, israa’iilna dagaal sokeeye ayay ka nabad galaysaa oo waa isku duubnaan”
Isser wuxuu fiirinayay foolka Ruth oo uu ka muuqday iska hor imaad gudaheeda ka socda, dareemo is diidaya, nafteeda ay la dagaalamayso, raggii Mossad taallo meel la taagay oo kale ayay ahaayeen, dhaqdhaqaaq la’aan, waxay ayaguna rumaysnaayeen in xilligii runta la taagan yahay, Ruth madax intay kor u qaaday ayay tiri:
”sidee ku ogaanayaa in aad tihiin dad ka socda dowlada israa’iil”?
Ka weecasha la’aan ayaa Isser soo saaray baasaboorkiisii diblomaasiga ahaa oo magaciisa dhabta ah ugu qornaa oo u dhiibay Ruth, raggiisii waa yaabeen, ninku ma waashay ayay is yiraahdeen sidee ugu dhiibay baasaboorkiisii runta ahaa oo magaciisa runta ah ku qoran yahay, balse Isser wuxuu u arkay in ay tahay sida kaliya ee uu ku tusi karo in uu daacad yahay, kalsoonideedana ku kasban karo, sidaasna uu fursad guul ku heli karo.
In muddo ah markii ay eegaysay baasaboodrkii ayay tiri:
”intaan ka badan ma xamili karo” oo inta dibinta hoose xoog u qaniinta tan iyo intii dhiig ka yimaado, si lama filaan ah intay madixii fooraray kor ugu qaaday, hadalkii sii wadatay, ”wiilkii wuxuu la joogaa qoyska Gertner, boqol iyo labaatan iyo lix jidka Penn, Brooklyn, New York waxaana loogu yeeraa, Yankele”
Isser inya horey ka istagay ayuu yiri,
”faraha markaan ku soo dhigno wiilka, adna xor baa tahay”
Waana uu baxay.
Telegaraamyo ayaa is daba marayay tel avivi, new york, washington, Isser wuxuu wacay Gur-Arie sarkaarka dhinaca nabad galyada u qaabilsan dan jirayaasha Israa’iil ee waqooyiga ameerika, Gur-Arie oo saldhigiisu ahaa new york wuxuu hubiyay cinwaankii fariin ayuuna dib u soo celiyay uu ku leeyahay, cinwankas waa uu jira, qosyska Gertner na waxay ku noolyiin aag ay ku badan yihiin bulshada satmar hassidi.
Tel aviv waxay telegaraam u dirtay avraham harman, danjirha Israa’iil ee washington, looguna sheegayo in uu la xariiro FBI da oo uu weydiisto in ay soo helaan wiilka kadibna Israa’iil u soo diraan, Gur-Arie qudhiisu waa u la xariiray fbi da , wuxuuna siiyay faahfaahintii wiilka oo dhan, siduu u egyahay, wuxuu cuno,iwm, sarkaalkii fbi duna wuxuu ugu war celiyay”
”hadiiba aad sidaas u taqaan wiilka orod oo adigu soo qabsao”
”fasax ii sii” ayaa gur eri yiri, sarlaakiina waa uu u diiday.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply