”mudane, anigu waxaan u shaqeeyaa shirkad dalxiis, ninkaana waa dalxiise, wuxuu doonayay in uu sheekeeyinkiisa nin balo ah iskaga kay dhigo, waad garan gartaa adigubee, fadlan markaan iska cafi”
ninkii ciidanka ahaa oo soo jiidashadii naagtu malaha wax u dhintay ayaa Furber ku yiri orod tag asga oo aan warqad ganaax siin, waxay gaareen gurigii qareenka oo labadii ganacsade ay naagtii ku kalmeeyeen in ay fatuurada ka soo dagto ka dibna u galbiyeen dhinicii irida, illinkii markii laga furayna waxaa loo waday xafiiskii qareenka ee uu guriga ku lahaa qareenka ninka iska dhigayay wuxuu ahaa Yaacov Caroz, wuxuuna af faransiis ku yiri:
”madam, meeshaan uma aadan imaan in aan arrinta gurigaaga ka hadalno, balse arrin kale ayaa ka hadlaynaa”
”maxaana? Maxaa meesha ka socda”?
”waxan rabaa in aan kaala hadlo gabanka Yossele”
Isla xilligaas markii ay hareeraheeda eegaty waxay aragtay in labdii ganacsade in ay mirqeen, baqdin baana gashay waxayna tiri:
”dabin baan ku soo dhacay miyaa?”
”waxaad u soo gacan gashay sirdoonka Mossad, madam” ayaa Yaacov yiri
Isla xilligaas booliisku wuxuu ku qabtay magaalada bi’riyaakov, Ariel ben David, wiiilkii madeleineYaacovna wuxuu ku yiri madeleine:
”madam, waxaad ka qayb qaadatay af duubkii Yossele, waxaana rabanaa wiilkii”
”Wax aan ka ogahay waxaas, ma jiraan” ayay tiri, jugtii hore ee kadiska ku noqotay iyo cabsidiina waa ay ka soo kabatay Yaacov wuxuu horey u soo watay dumaashidiis oo kal kaaliye caafimaad ah, hadii ay dhacdo arrin gar gaar dag dag ah u baahdaan.
Israa’iiliyiintu waa ogaayen in Ruth ama madeleine ay tahay rajadoodii ugu danbaysay, waxay kale oo ay filayeen in naagtaan ad adag aysan si fudud ku kala daadanayn oo ay muddo qaadanayso in la jabiyo, waxaana lagu wareejiyay Yehudith Nissiyahu oo london ka timid.
Yehudith si wanaagsan ayay u dhaqaalaynaysay oo waxay rabataba u yeelaysay, ay ahayd naag diimeed waxay u keeni jirtay buug duco, shumacyada ay sabtida shidato,
Qayb gaar ah oo guriga ka mid ah oo aysan ragga ku dhex laban ayaa lagu hayay, qolka keeda ku dhagana waxaa dagay kalkaaliya caafimaadka, waraysigiina waa uu bilowday, saacado ayay is hor fadhiyaan ayada iyo labad nin ee waraysanyay mostly Yaacov Caroz iyo Victor Cohen oo ayagu ku warsaday afka faransiiska, aad ayay ula yaabtay in israa’iiliyiintu wax walba oo ayada ku sabsan ogyihiin oo nolosheeda oo dhan ka warhayaan, balse madax adayggeeda waa ay diiday in ay sheegto wax ku saabsan Yossele,
”wax aan oranayo ma jirto” ayay soo istaagtay oo waliba ku celcelinysay, waana ka madax adaygtay in ay lug ah ku leedahay af duubida.
Victor waa danbe wxuu yiri:
“waxan ku bilaabay in aan si dagan oo naxariis leh ula hadlo si aan u jilciyo, waxaan doonayay bal in aan garto sida gabar kirishtan ah ay u noqotay mar qudha orthodox Yuhuuda ah oo waliba xag jer ah, waayo labadaas aad ayay u kala fogyihiiin, ugu horeyntii markii aan hadalka bilaabaynay waxay ku adkaysatay in qof dumar ah la joogo qolka labadeena, ka gadaal waxay oggolaatay in aan kali ahaano balse illinku furnaado”
Mid ka mid raggii warsanayay ayaa mar qudha fool furnaantii iyo naxariistii ka tagay oo bilaabay in uu caayo oo eedeeyo, bal in ay xanaaqdo oo daganaanshuhu ka lumo oo markaas afkeeda ay ka soo burqadaan erayo aysan ula kaca u dhihin oo in ay tiraahdo aysan rabin.
Isla xiligaasna waxaa waraysi lagu waday wiilkeed Ariel Ben-David, waraysigiisiina wuxuu bilaabay in uu mira dhalo, waxaan waraysanayay Avraham Hadar oo ahaa nin adag naynaasta loo yaqaana ay ahayd ”poshosh” wuxuuna ku yiri wiilkii:
”hooyadaa waa ay is dhibtay, wax kasta waa ay qiratay, beentaan aad sheegaysid meel ku gaarsiin mayso ee runta sheeg”
Wiilkii markaas ayuu jabay oo isku dhex yaacay oo yiri:
”wiilka waxa ku dhacay waan ogahay, waana hadlayaa, balse hal shuruud hadii aad ii balan qaadaan”
”shuruudaas oo ah”
”in aniga iyo hooyaday aan magan galyo helayno”
”waan ogolnahay” ayaa ninkii Mossad yiri
Isl markiiba waa loo geeyay Amos Manor madax shabak oo markii aya illinka ka soo galeen xafiiksa yiri:
”wax kasta oo luguu balan qaaday waan ogolahay, ee aaway wiilkii”
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply