Isser wuxuu ogaaday in wadiiqooyinka oo dhan ay isugu yimaadaan London, London waxaan ku nool labadii wiil ee oday Shtrakes, waxaa ka dhisan jaaliyad Satmar oo fir fircoon oo uu hogaamiyo Joseph Domb, London ayaana lagu arkay Joseph iyo Ruth ben david oo wada jooga, Ruth waxaa looga tuhun qabaa in ay dhici karto in ay ayadu Yossele Israa’iil ka soo saaratay.
Isser wuxuu ku qanacsanaa tuhun la’aan in Satmar Hassidiyiinta yurub ay dajiyeen qorshaha cunuga yarka ah lagu soo af duubay, in qorshaha uu madax ka haa Joseph Domb, Ruth na ahayd qalabkii loo adeegsaday af duubka, waaya aragnimadeeda iyo baasaboorkeeda faransiiska ah ayaa u fududayn karay, waxaana dhici karta in ay ogtahay halka wiilku ku qarsanyahay, tuhunkiisii waxaa dhab ka dhigay waraaqo ay u dirtay Ruth Ben David wiilkeeda oo ciidmada Shabak ay dhex ka qabteen, waxaana waraaqaha lagu arkay tilmaamo ku saabsan Yossele, balse Isser cadayn intaas ka badan ayuu u baahnaa, wuxuuna go’aasaday in uu si fiican u dhex galo satmar Hadssidin ta london, raggiisii waxay aqoonsdeen Rabbay xirfale ku ah gudida wiilsha, wuxuu ahaa nin tumasha jecel balse huwada oo isku qariya go’a diinta aadna ugu dhow Joseph Domb, sheegtayna in uu yaqaan meesha Yossele joogo, magaciisuna wuxuu ahaa Freyer.
Isser wuxuu bilaabay qorshe uu ku keeno Freyer Baariis, mid raggiisa ka mid ah oo iska dhigaya amiir Marookaan ah ayaa si qarsoodiya ula kulmay Freyer, wuxuuna u sheegay in uu jeclaaday gabar yuhuud ah oo ay is guursadeen, caqiidadiisa diinta Yuhuudana uu qarsado oo haddii cidiisu ogaato in uu Yuhuudi noqday ay dilayaan, hadda xaaskiisii waxay dhashay wiil waxayna ayada iyo wiilkii joogaan Baariis, wuxuuna doonayaa in uu gudo wiilka, dhaqaale fiicana waa uu siiyanayaa haddii uu howshaas u qabto, Freyer waa ogolaaday dhowr maalmood ka dib na wuxuu aaday Baariis, balse markii uu cagta galiyay illinkii aqalka ninkii iska dhigayay amiirka Marookaanka ah waxaa qabtay saraakiisii Mossad, waxayna la tageen qol cidla ah oo ay saacado badan ku warsanayeen, waxaa waraysanayay Victor Cohen madaxa laanta danbi barisata ee Shabak, Freyer baqdin ayaa is kugu timid oo wax diidmo ah ma uusan muujin in uu hadlana diyaar ayuu u ahaa, balse markii la weydiiyay Yossele gamaha ayuu taagay,
‘‘Waan ka xumahay, wax aan ka ogahay ma jirto arrintaas” ayuu yiri
Ugu danbayn waxaa caddaatay in Freyer uusan waxba ka ogayan af duubka wiilka oo hadalladisii hore ee ku sabsanaa wiilka ay aheeyeen kuwa uu saaxiibadiis isaga dhigayay nin xariif ah oo wax og, mar kale ayaa Isser darbi cidla ah soo taabtay.
Si lama filaan ah ayaa koox kale oo ragga Isser ah war wanaagsan u soo heeleen ayaga oo gacan ka helay ciidanka sirdoonka faransiiska oo ku guulaystay in ay dhexda ka baqtaan waraaqo u socday Madeleine Ferraille, mid ka mid ah waraaqahaas ayayna ka heleen fursadii ay raadinayeen, waxayna ahayd waraqdaas mid loogu soo warcelinayay madeleine ii dheh ay ku qortay wargaysyada oo ay ku sheegaysay in gurigeeda ku yaal orliins ee dooxada loire uu iib u yahay, dadka u soo diray waraaqda waxay isku sheegeen in ay yihiin Awtariyaan waxayna diyaar ula yihiin intay sheegatay in ka badan in ay siiyaan, waxayna u sheegeen in ay yahiin ganacsadayaal doonaya guri ay ku nastaan xilliga xagaaga ayaga iyo xaaaskooda iisa iyo caruurtoodu.
Madeleine waa ay u war celisay waxayna siisay cinwaanka guriga, mar kale ayay waraaq usoo direen ay ku leeyihiin gurigii waan tagnay waana na anfacayaa, waxayna ballan u qabteen 21 June 1962, si kala wareejiska loo dhameeyo, waxaana lagu balamay fadhiga hotel weyn oo ku yaal Baariis, intaan ballantii la gaarin raggii Isser mid mid ayay u yimaadeen Baariis ayaga oo howl u caabboon, waxay ijaarteen baabuur iyo guryo qarsoodiyana ka kiraysteen Baariis dhexdeeda iyo hareeraheeda, waxay isla meel dhigeen jidkii baxsashada, waxay diyaariyeen dukumintiyo iyo qalab, waxaa tel aviv laga keenay rag ku xeel dheer  daba galka iyo waraysiga, Isser wuxuu is tusay sida ugu haboon ee sirta looga soo saari karo madeleine waa ayada oo laga maro dhinaca wiilkeeda Ariel oo dhigta yashiva Israa’iil ku taal, waxaana dhici kartay in uu wax ka ogyahay meesha Yossele jiro, Isser wuxuu go’aansaday in wiilka la qabto isla xilliga hooyadiis la af duubayo, Isser wuxuu salka u dhigay hab wada xariir oo suurto galinaya si marka la warsanayo war celintiisa looga dhigo weydiimo hooyada oo ayada la weydiiyo.
Aroortii 21 june, waxaa soo galay hotelka qof dumar ah oo qurxoon oo si heer sare ah u dhar xiran, waxay ahayd madeleine, waxayna is bartay labadii Awtariyaanka ahaa ee dhowrayay, midkood wuxuu ahaa, Furber kan kalana wuxuu ahaa Herr Schmidt, afka ingriiska aad ayay ugu fiicnayd sidoo kale wa waa ka taqaanay ka afka jarmalkana, marnana tuhun kama galin dadka wax gadanaya cida ay yihiin, durbadiiba waa laysla meel dhigay heshiiskii gadashada furiga balse qareenkii labada nin ayaa soo daahay, Furber ayaa oo ka wacay talefoonka hotelka markuu ku soo laabtayna u sheegay labadii kale, qareenkii wuxuu yiri aad ayaan uga xumahay raali iga noqday, howlo uusan filayn ayaa ku furmay oo guriga ku xayiray Wuxuuna ka  codsaday hadii ay guriisa oo aan magaalada ka fogayn ugu imaan karaan, cinwaankiina wuxuu soo siiyay Furber iyo tilmaamihii,
”ma soconaa”? ayaa Furber yiri, Madeleine na waa ya ku raacday, waxayna fuuleen fatuuradii kirada ahayd ee Awstariyaanku wateen waxayna aaden aqalkii qareenka, balse quruxda iyo soo jiidashada naagta faransiiska ah waxay halis galisay howl galkii oo dhan oo Furber oo fatuurda wady ayaa intii uu ayada fiirinayay nal cas jaray, wuxuuna ku soo baarugay firimbigii uu yeerinayay askariga buuran ee ka soo bada oraya gaariga oo nalkii casaa farta ku fiiqaya, Furber fatuuradii ayuu joojiyay, muxuu sameeyaa hadda? Dal qalaad ayuu jooga, aqoonsi been abuur ah ayuu wataa, faturad kira ah ayuu wataa oo naag in ay dhuumato uu ka baqayo ay la saaran tahay, ganaax la siiyo waxay noqon howl dheer, balse madeleine tii dhibka keentay ayaa u soo gurmatay oo inta madaxa kala baxday daaqadii oo si macaan u dhoola cadaysay ku tiri ninkii ciidanka ahaa:
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply