MOSSAD-AAWAY YOSSELE? QAYBTII 6AAD

 

 

Isser wuxuu go’aansaday in uu raaco dareenkiisa, wuxuuna joojiyay howlihii kale oo maankiisa wuxuu isugu geeyey naagtaan daahsoon ee diinta rogatay, wuxuu warbixintii oo dhan u duray Tel aviv, wuxuuna u sheegay in ay soo helaan wiilkaas iyo hooyadiis, maalmo ka dib waxaa u yimid war celintii, wiilka magaciisa hada waxaa weeye Ariel wuxuuna jooga israa’iil, balse qof garayana ma jiro halka hooyadii joogto, magaceedii asalka ahaa wuxuu ahaa Madeleine Ferraille, Israa’iil gudaaheeda waxaa loogu yeeri jiray Ruth Ben-David, warbixinada iskaga soo daba qul qulayay xafiiska Isser ee Baaris waxay si fiican u qeexayeen muuqaalkeeda sooyaal, inan qurux badan ayay ahayd oo maadooyinka sooyaalka iyo juqraafiga ka baratay jaamicadaha Toulouse iyo Sorbonne, waxay guursatay jacaylkeedii jaamicada, Henri, wiilna u dhashay intaan dagaalkii labaad qarxin wax yar ka hor, madeleine waxay ku biirtay dhaqdhaqaaqii iska caabinta ee Faransiiska xilligii dagaalka, howlaheedii ahaa qarsoodiga ee halkanga ayaa ku hogaamiyay in ay xariir la yeelato Yuhuuda Faransiiska iyo Beljam, gaar ahaan kooxda Antwerp, dagaalkii markuu dhamaaday waxay la abuurtay qaar ka mid ahaa yuhuudii Antwerp ganaci ah dhoofinta iyo soo dajinta, 1951 ayay kala tageen Henri, markii ay jacaylaatay wadaad rabbaay ah oo daganaa tuulo yar oo la yiraahdo Alsatin, Rabbaayga oo aad ugu qiiraysnaa Sahyuuniyada wuxuu doonayay in uu Israa’iil ku laabto, sidaas ayaan labdii is jeclaa ku go’aansadeen in ay halkaas isku guursadaan.

Diinteeda waxay u rogtay ma ahayn jacayl ay diinta Yuhuuda u qabtay balse waxa ahayd jacayl ay al kunkeeda u qabatay, markii ay diinta qaadatay, madaxeedii masar ayay ku xiratay, dharkii fashiyoonka ahaana waxay ku badshay xirashada gambooladii ay xiranayeen dumarka Orthodox ka ah ee Yuhuuda, saxiibkeedna u raacaday israa’iil.

Israa’iil markii la tagay dhadhankii waa is rogay, noloshii qadhaadh ayay u noqtay, ka dib markii Rabbaygii uu ka tagay oo ay kali noqotay, isku buuqid iyo war war ayaa ku dhaliyay in ay beegsato oo u tagto hogaamiyaha kuwa ugu xag jirsan jurusalaam, Rabbaay meizish, xushmad badan ayay ka kasbatay kooxaha diinta ka dib markii ayada oo adeegsanaysa baasaboorkeeda Faransiiska ah ay soohdinta talaabtay oo ku soo tukatay darbiga galbeed ”muslikuna u yaqaan burqa, ahana dhagax fac weyn oo ku yaal magaaladii hore ee duqawday ee jurusalaam, ahana barta ugu karaamada badan diinta Yuhuuda”  kontomeeyadii Ruth waxay ku laabatay Faransa waxayna bilowday socdaalo badan.

Mossad waxay soo heshay in ay inta badan ku dagi jirtay oo joogi jirtay xero dumarka mayalka adag ah ku xaraysanyihiin oo kutaal Aix-les -Bains oo Baariis u dhow,  balse meel ay ku nagtahay oo loogu hagaago malahyn, laanta socdalka Faransiiskuna waxay u sheegeen raggii Israa’iiliyiinta ahaa in Ruth dhowrkii gu’ ee u danbeeyay ay laba jeer booqasho u tagtay Israa’iil, markii labaad waxay ahayd 21 June 1960, waxaana la socday oo baasaboorka kula qornaa gabar yar oo in ay dhashay ugu qornayd, waxay qaadatay duullimaadkii diyaarada Alitaaliya, halka socdalkeedu ku ekaana wuxuu ahaa magaalda Zuurikh, balse qofka Faransiisku sheegayeen waxay  gabadha yar, Ben david gabar yar ma dhalin, Isser wuxuu dareemay in uu wadiiqo sax ah ku taagan yahay,

”Soo hela” ayuu ku yiri yaacov carzon.

Asaga oo ku qalabaysan warbixintii muuqaalkeeda iyo siday u ektahay, yaaco iyo ragiisii waxay ku dhaqaajiyeen Aix-les –Bains, balse markii ay magaaladii galeenba layaab kooda waxay arkeen, Ruth ben David markaan se ah Madeleine Ferraille oo si aad u qurxoon u xaragoonaysa sugaysana fatuurad horey u sii qaada, dumarka baabuurta gacanta u taaga si loo sii qaado ma ahayn caado aad looga yaqaanay Faransiiska, wadihii mar qudha ayuu fatuuradii soo kala wareejiyay oo soo abbaaray naagtii qurxoonayd, ayaan darro se fatuurad kale ayaa kaga soo hormartay oo xambaaratay naaagtii qurxoonayd, raggii Mossad na fara banaani ayay kaga soo laabteen Aix-les –Bains, balse ilo kale ayay ka ogaadeen in Ruth ay xariir dhow la leedahay hantiile ka ganacsada dahabka iyo dhagaxda qaaliga ah oo reer London ah lana yiraahdo Joseph Domb, waxaa la arkay dhowr jeer ayada iyo Josph oo fatuurad dhex fadhiya kaligood, mana ahayn taas dhaqanka ragga Hassiddinta ah, Isser waa ogaa in Joseph Domb uu ahaa nacabka koowaad ee dowlada Israa’iil, wuxuuna ka tirsanaa dariiqad diimeedka Satmar Hassidik, wuxuuna aad ugu dhawaa oo santuukh u ahaa Rabbaayga new york fadhiya, waxa kale oo uu si fiican isku yaqaaneen rabaaya kale oo yurub jooga, nin xeel dheere ah in uu yahay ayaa  Isser is tusay, wuxuuna yiri

”hadii rabbaayga Satmar ee new york uu yahay pope kii Hassidiinta, Joseph Domb na waa shiikhii ku xigay”

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply