Intii howl galkii Ingriisku socday raggii Isser wuxay la kulmeen lamaane reer diin ah ah oo aqal ka kiraystay meel geeri go’an ah ee ku taal Ayrland, waxayna tuhun ka galay in lamaanahu ay gurigaas u kiraystaan si Yossele loogu qariyo, waana u diyaar garoobeen sidii ay wiilka ku soo qabsan lahaayeen oo dalka uga bixin lahaayeen, fatuurad ayay Ijaarteen, guri ayay kiraysteen, waraaqo been abuur ah ayay sameeysten, balse ugu danbayntii qorshahoodii waa socon wayay oo waxaa la ogaaday in lamaanahaan ay dhab ahaan yihiin dad culumo ah oo ee fasax ku jira.
Yehudith ayaduna waa ku guul daraysatay in ay war bixin kas oo hesho qoyskii Shtrakes, ninkii dhallin yarada ahaa ee swiss diin barashada u aadaynay gacma maran ayuu soo laabtay, kooxihii aduunka loo kala diray dhamaan waxay soo sheegeen in ay ku guuldaraysteen helidii wiilka, kooxdii loo diray in ay dhex galaan Satmar Hadisim ka ee london waxay ba la kulmeen jees jees oo arada diinta ee Yashiva ee dagaanka Stamford Hill ayaa aad ugu kacay oo jidka markay marayaan waxaa lagu oranayay xookda, waa kuwaan Sahyuuniyadii, Yossele aawa?y iyo Yossele yaa arkay?, sidaa ayaa kooxihii Isser iyo dadkii la jirayba raja xumo u heshay, waxay u sheegeen Isser in aysan ahayn wax shaqaynaysa baadi goobkaan oo baadi goobkaa la mid tahay cirbad bal laga dhex raadinayo, balse waa uu ku gacan sayray shakigoodii wuxuuna horey u sii waday baadi goobkii waliba si kalsooni ku jirto in uu wiilka heli doono.
Baariis Isser wuxuu u yeeray madaxa rugta Mossad ee faransa Yaacov Caroz, yaacov wuxuu ku dhashay Romaniya, waalidkiis waxay ku dhinteen xasuuqii Yuhuuda jarmalku u keystay, wuxuu ka soo qalin jabiyay jaamicada Hebrew ee jurusalaam, wuxuu madax ka ahaa Tevel, laanta Mossad u qaabilsan ee xariirada qarsoon ee ay la leeyihiin sirdoonada aduunka qaarkood, wuxuu qayb ka qaatay dhisidii xariirka Mossad ee dalalaka Iiraan, Turki, Ttoobiya, iyo Sudan, wuxuu gacan saar dhow la yeeshay madaxdii sirdoonada Jarmalka, Ingriiska, Faransiiska, wuxuu is bahaysi la samaysaty jenaral Maxamed Owfikir ee Marooko ahaana wasiirka arrimaha gudaha, ahaana nin awood badan lagana baqo, wuxuu booqasho ugu tagay boqor Xasankii Morooko, wuxuu gacan ka siiyay imparadoor xXyle Salaase sidii uu u bur burin lahaa af ganbihii ay isku dayeen dadkii asaga u dhawaa, mar uu howl qarsoodiya uu u tagay Aljeeriya, waxa uu halkaas ku jeclaaday gabar, markii danbana noqotay Xaaskiisa, yaacov nin dagan ayuu oo cod dabacsan, farxad dhagar ku daahan tahayna markasta ka muuqato, wuxuu ahaa basaas markasta xiran suud iyo qoor xir waligiina aan noqon wakiil goobeed shaqa sirdoon ka socoto, balse wuxuu ahaa basaas caalimya oo si fiican ugu hadla afafka Ingriiska iyo Faransiiska, wuxuuna kayd wanaagsan iyo hanti ma guurta ah u ahaa Isser.
Isser waxaa u kiraysnaa hotel balse wuxuu markasta joogay har iyo habeen aqal uu kiraystay oo uu ka dhigay goobtiisii shaqada oo uu xafiis ka dhigtay, affar iyo labaatanka saac shaqo ayuu ku jiray, mar mar uu hurdo yar xado maahane, sidaas ayuuna bilooyin ku jiray, intaas warbixino ayuu akhrinayay, telegaraamyo ayuu qorayay, wuxuu la hadlayay ciidankiisa yurub ku firdhisana, aroortii ayuu ka tagaa xafiiskiisa oo uu aada hotelka, halkaas oo uu ku soo mayrto ku soo nasto xooga ka dibna u soo laabtaa xafiiska si uu habeenkii oo dhan u shaqeeyo.
Aroor ka mid ah bisha Apriil ayaa war bixin danany leh soo gaadhay sirdoonka Mossad, waxaa hada ka hor loo diray magaalada Antwerp ee Biljam nin dhallinra ah oo Orthodox Yuhuud ah, oo la yiraahdo meir, halkaas waxay isku barteen mutadayiniin yuhuud ah oo daymanka ka ganacsada, oo uu shiikh iyo hoggaamiyaba uu u ahaa Rabbaay oday ah oo la yiraahdo Itzikel oo ay u rumaysnaayeen in uu yahay nin barakaysan, markii ay rabaan in ay xalliyaan murankooda dhinaca ganacsiga ah, ma adaan maxkamadaha dowlada ee waxay ula tagaan oo dhex dhexaadiya Rabbaayga, inta badana ganacsiyadaas waa malaayiin doollar, erayga rabaay itzikel ayaa sharci u ahaa, tan iyo maanta oo la jooga dunidaan casriga ah, ganacsatadaas waxay weli ku dhagan yihiin dhaqankii iyo caadadii hore, Meir wuxuu ku guulaystay in uu dhex galo oo ka mid noqdo xerta ama dadka raacsan rabbaayga, wuxuuna ogaaday in kooxdaan ay dagaalkii labaad ahaayeen urur si qarsoon ula dagaalamayay oo ay Yuhuud badan ka soo badbaadiyeen ciidankii Jarmalka ee Gestapo, dagaalkii ka dib koodaan waxay sii waday in ay sidii qorsoodiga ahayd u shaqaystaan oo ay khibrad ku yeesheen, waxayna bilaabeen ganacsi adduunka oo dhan ah, mid ka mid ganacsatada daymanka ayaa Meir uga sheekeeyay sheeko aan caadi ahayn oo ku saabsan, naag tima cad indha buluuga leh oo Farnsiis ah oo katoolik ahayd, qaybna ka ahayd urukoodii qarsoonaa ee dagaalkii labaad ee ay Yuhuuda ka soo badbaadin jiray Naaziyiinta, qoftaan waxaa samayn ku yeeshay dadnimada Rabbaayga waxayna qaadatay diinta Yuhuuda oo ay noqotay Orthodox hanuunsan, iyo ka sii badan oo qiima weyn ugu fadhiisaty kooxdii, gu’yaal badan ee ay hoos u shaqaynta ku jirtay waxay kasbatay ama baratay, feejignaan, geesinnimo iyo sida ay u raad tirato iyo sida ay muuqeeda u rogto iyo siday ay quruxdeeda ugu adeegsato hub, ganacsigana aad ayay ugu fiican tahay, maskax aad u fiicana waa ay leedhay, aduunyada dhan ayay u kala socdaashay ayada oo adeegsanaysa baasboorkeeda faransiiska ah howl na u qabanaysa kooxda Atwerp.
”naag barakaysan ayay ahay” ayaa ganacsatadii Yuhuuda ee Antwero ku yiriraahdeen Meir.
Waxay kale oo ay u sheegeen in ay Israa’iil booqatay oo wiilkeeda Claude oo ay ninkii horey u qabi jiray ay u dhashay asaguna diinta yuhuuda ayuu qaatay kadib markii wax ku bartay dugsiga yashiva ee swisserland ku yaal hadana uu barto talmuud oo uu arday ka yahay dugsi ku Jurusalaam, waxay u sheegeen Meir in hadda kooxda Antwerp aysan aqoon halka ay ku sugan tahay naagtii barakaysnayd.
Sheekadaan Isser maskaxdiisa ayay dhaqaajisay, si hadii loo fiirsho wax xariira ma tilmaamayso oo ka dhaxeeya Yossele iyo naagta Faransiiska ah, balse waxay muujinaysaa in naagtaan tahay mid awood leh, oo kun fool leh, waxaa dhici karta I ay tahay nimco ilaah u soo diray madaxda Orthodox ka oo shaqooyin kala duwan oo qarsoodiya u qabata markii loo baahdo, sida tan Yossele.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply