Codsi ka yimid Booliska Israa’iil dartiis Ingriiskii waxay qabteen oo xireen abtigii Shalom oo asaga markaas uu wiil u dhahsay, balse fara laguma hayn Yossele oo dadka qaar waxayba yiraahdeen dalka waa laga saaray ama inta xanuunsaday ayuu dhintay, ciidankii booliiskuna wuxuu gaaray in lagu maadsado, dagaalo gaagaaban ayaa ka dhex dhacay cilmaaniyiintii iyo orthodox kii, ardo diimeedkii Yashiva jidadka ayay dadkii marayay ku garaaceen, qofkii Orthodox ah ee jidka maraya waa lagu qaylin jiray ayada oo la weydiinayo ”aaway Yossele”? xanaaqii dadweynaha Israa’iil cirka ayuu isku shareeray, dood badan oo arrintaan ku saabsan ayaa baarlamaanka ka socotay.
Markaas ayay ahayd markii madaxa wasiiradu uu u yeeray Isser, markii uu Isser balan qaaday in uu howshaas galo, ma uusan dareensanyn in uu oggolaaday howshii ugu dhibka iyo laab laabka badnayd inta uu shaqaynayay noloshisa in ay tani tahay, Isser xaaskiisa wuxuu ku yiri”
”Awoodii dowlada iyo wax qabadkeedii ayaaba isweydiin ka timid”
Balse mid ka mid ah ragiisa ugu fiican Shalom Avraham aragti kale ayuu lahaa oo ah Isser wuxuu rabaa in uu ku guulaysto waxii booliisku ku guul daraysteen, booliiskuna aad ayuu ugu faraxsanaa in howshaan laga wareejiyo, taliyaha ciidanka booliiskuna wuxuu Isser ku yiri:
”Ma u malaynaysaa in aad ku guulaysan doontid”?
Amos manor, madaxa nabadsugida Shabak oo ay aad iskula shaqeeyaan Isser how shaan dhan waa ka soo horjeeday, in badan oo Mossad iyo Shabak  saraakiisha sare ahna waa ka soo horjeedeen, ayayga oo ku doodayaya shaqadeenu waa ilaalinta nabada Israa’iil ee maahan in aan daba orodno wiil yar oo dugsiyada Hassidiyiinta ku jira.
Balse markii Isser uu go’aanka ah in uu uu howsha galo qaatay cidi kama hor imaan, awoodiisu marna muran ma gali karin, asaga iyo kalkaaliyaashiisii waxay isku soo aruuriyeen dad ka kooban 40 qof oo ay ku jiraan dad ka socda laanta howl galada ee ciidanka shabak iyo kuwa danbi baarista, sarkiil iska dhigay dad diimeed iyo dad rayid ah oo iskaa wax u qabso ugu soo biiray, waxayna kuwaas u badnaayeen dad da’ yar oo ka tirsanaa bulshada Orthodox oo ayagu dareemey dhibka af duuka Yossele uu u keeni karo xasiloonida qaranka, balse howl galkii ugu horeeyey guul daro ayuu ku dhmaaday
oo markii ay isku dayeen in ay dhex galaan oo ku dhex milmaan orthodox kii mayal ka adkaa waa ay u suurtoobi weyday oo mid ka mid ah saraakiishii howl galku wuxuu yiri:
”arrintu waxayba u ekayd sidii aan ku dul dagay meeraha waxara xirka, ”mars” oo dad halkaas dagan aan isku dayay in aan ku dhex milmo oo dhex galo”
Isser markii uu in badan galalkii warbixinada ku noqnoqday akhrintooda waxaa u soo baxday oo uu ku qancay in wiilkii dalka laga saaray, balse xagee la geeyay?  War yar oo uu layaabay ayaa maankiisa soo jiitay Isser oo ahaa koox badan oo Hassidi ah ayaa yimid Israa’iil waxayna la socdeen wadaad Swiss ku dhintay oo loo soo celiyay in dalka lagu duugo, waxay ka koobnaayeen, rag, dumar, caruur, Isser waxaa tuhun ka galay in duugta lagu hoos qarinayo sidii Yossele dalka looga saari lahaa markii kooxdaan ay swiss ku laabnayaan, Isser rag ilaala ah ayuu dhigay garoonka diyaaradaha, kuwa kale oo uu hoggaaminayo Avraham Shalom na wuxuu u diray Swiss si ay u daba galaaan markii Hassidisi yiintaas laabtaan.
Ciidankii Mossad ee swiss tagay xataa waxay tageen dugsiyo diimedka Yuhuuda la seexdo ee ardadu ku xaraysantahay ee meelha baadiyaha ah ku yaal, oo ay habeenkii dariishaha ka qishaan bal in uu Yossele ku dhex jiro ciyaalka, in kasta oo cunuga muuqaalkiisa la badli karay hadana ilmo ku da’ ah ayay ka dhex raadinayeen, ka dib hal toddobaad oo ay habeenkasta dhuumaalaysi ku jireen, Avraham wuxuu ku soo war galiyay Isser in aan Yossele uusan joogin swiserlan.
Isser wuxuu go’aansaday in howshaan uu asagu u tafa xayto oo uu kor asagu ka kormeero, wixii howl u taalayna wuxuu ku warejiyay gacan yara yaashiisii, rugna wuxuu ka dhigtay magaalada Baariis, ciidankiisiina wuxuu u kala diray aduunka oo dhan ayaga oo gabbaad ka dhinaganaya howlo kala duwan oo ay baaritaan ka bilaabeen, Faransa, Itaaliya, Iswiiserland, Beljam, Igland, Koofur Amerika, Maraykanka, waqooyiga Afrika, waxay isku dayeen in ay dhex quusaan oo dhex galaan bulshooyinka Orthodox ka ah ee barahaas si ay u ogaadaan halka wiilku ku qarsoonyahay.
Nin dhallin yaro ah oo Orthodox ah oo ka yimid Jurusalaam ayaa yimid dugsi diimeedka caanka ah ee Rabbaay Solowijik ee ku yaal Iswisserland iskana dhigayay in uu doonayo in kitaabka towraat ka ka barto wadaadkaan caanka ah, naag diinta ku adag na wxay soo gaartay london oo waraaq garabsiin ah ka wadata Shalom Shtrakes soddohdiis oo ay kalsooni ka kasbatay, waxaa lagu marti qaaday aqalka reer Shtrakes balse kama aysan war hayn cidu in naagtaan ay gurigooda ku soo dhaweeyeen ay tahay Yehudit nissiyahu ahna dumrka ciidanka Isser tan ugu halisan kana soo qayb qaadatay qabashadii Eichmann, london waxay ahayd meel aad ugu muhiima Orthodox ka Hassidim ka ah siiba dariiqada Satmar, Yehudit kali kuma aysan ahayn London oo Isse koox kale oo saraakiil Mossad ah ayuu u diray dagaanada Hassidin ta ee london, koox kale wuxuu u diray Ayrland.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply