Markii isser iyo kooxdiisa iyo aykhman ay haadada ku sugayeen gurigii qarsoonaa, isser wuxuu go’aansaday in uu daba galo warar ku tiri ku keentay ah oo sheegaya in Naazi kale uu ku dhuumanayo magaaladan, wuxuuna ahaa kaas Dr Josef mengele, oo loo yaqaan ”malaku moowd” dugaaggii joogi jiray xerada Auschwitz, waxaa loo keeni jiray tareemo buuxa oo yuhuuda oo inta caafimaadka qabtana uu ku shaqayn jiray, caruurta iyo dumarka iyo waayeelkana gubi jiray, Josef wuxuu ahaa tusaalaha naxariis darada iyo waalida ee Raykhii ”reich” saddexaad.
Dagaalkii markii uu dhamaaday oo jarmalka laga guulaystay waa uu dhuuntay, waxaan dhici kartay in uu Arjanyiin aaday, Josef wuxuu ka dhashay cid hodan ah, intii uu dhuumanayay ayaga ayaa kaalmayn jiray oo u diri jiray lacag aad u badan, markii raadka lacagta ay mossad daba gashay, raadkii wuxuu galay Arjantiin, tan iyo haddase waa ku guul darraysteen in helaan Josef, markaanse waa ayaan fiicnaayeen oo May 1960, Â intaan diyaardii ay sugayeen ayasan imaan wax yar ka hor, ayaa mid ka mid ah kooxdii isser soo helay cinwaanka Josef, wuxuu ku noolaa magaalada buenos aries, waliba magaciisii runta ahaa ayuu ku joogay, taas oo ku tusinaysa in uu hubay in si fiican loo ilaalinayo oo uu garab xoogan ku tiirsanaa.
Isser wuxuu diray daba galhii ugu fiicnaa kooxdiisa Zvi Aharoni, in uu soo hubiyo cinwaanka, dariskiina waxay zvi u sheegeen cida uu raadinayo ay socdaal gaaban oo dhowr maalmood ah aadeen oo ay dhaqsau soo noqon doonaan, Isser oo rayn rayn ku jirto ayaa u yeeray Rafi Itan oo ku yiri:
”dushaan ka illasanaynaa, daba galna waan ku smaynayanaa, markii uu soo laabtana waan afduubaynaa oo asaga iyo Eichmann ayaa Isra’iil ka wada dajinaynaa”
Rafi se waa uu diiday oo wuxuu yiri:
“Howl galkaan Eichmann waa howl isku dhafan, hadda midkood waan haynaa asaga ayaana fursad fiican ku leenahay in aan dalka ka saarno oo israa’iil gayno, balse qabashada kan kale aad ayay halisteeda u leedahay, gaf weyn oo samaynayno ayay noqon hadaan ku dhaqaaqno”
Isser waa is dhiibay, Rafi se wuxuu kala doorasho kale siiyay Isser oo uu ku yiri”
”haddii Eichmann aan israaiil gayno, oo dhowr toddobaad aad qarsoodi arrintiisa ka dhigtid oo aan cidi ogaan, anaa kuu keenaya Josef”
”sidee sidaas u smaynaysaa”? ayaa Isser yiri.
”Weli guryihii aan ku dhuumanaynay oo qarsoodiga ahaa ee magaaladan oo aan howl galkii qabasha Eichmann u samaysanay waa noo ijaaran yihiin, sidooda ayay noo ahanayaan, markaad Eichmann israaiil u qaadid, aniga iyo Zvi  iyo Abraham Shalom, waxaan aadaynaa mid ka mid ah dalalka Arjantiine la dariska ah, markaad Israa’iil ku laabatid qarsoodi ka dhig oo qari soo qabashada Eichmann, qofna yuusan ogaan in aan samaynay howl galka, cidna yaysan nasoo raadin, anaguna waxaan ku soo laabanaynaa buenos aries, waxaana af duubaynaa Josef oo aqalada qarsoon mid gaysanaynaa, markaas ka dibna Israa’iil ayaan ka soo dajinayana” sidaas ayaa rafi ugu faahfaahiyay ujeedkiisa.
Isser waa ka ogolaaday, markii Isser iyo Eichmann ay diyaarada u soo raaceen israa’iil, Rafi, Abraham, iyo Zvi  waxay aadeen magaalada Santiyago, ee dalka Jili ee dariska la ah Arjantiin, waxayna qorshaynayeen in ay maalin ama laba ka dib ku laabtaan arjantiin oo inta qabashada Eichmann qarsoodi tahay ay bilaabaan howl galka ay ku soo qabanayaan Josef, balse aroortii danbe warbaahinta adduunka oo dhan ayaa sheegaysay in Eichmann laga soo qabtay Arjantiin oo Israa’iil soo qabatay oo Tel aviv lagu hayo.
Sidaas darteed maan gal ahna maahayn in qaar ka mid ah hormuudkii basaasiinta Israa’iil ay Arjantiin ku soo laabtaan oo ay howl gal kale iyo afduub kale fuliyaan, sidaas araa Rafi iyo ragii la socday ay howshii faraha uga qaadeen oo  Israa’iil  ugu soo laabteen, gadaal danbe Isser wuxuu rafi u sheegay in uu u sheegay madaxa wasiirada in aan shaaca laga qaadin qabashada Eichmann intii toddobaad ah, balse waa uu diiday oo wuxuu yiri:
”Hadaaba dad badan ogyihiin in Eichmann gacanteena ku jiro, sidaas darteed ma qarin karno, waxaana go’aansaday in aan kenniset ka,”baarlamanka” u sheego galabta”
Qabashadii Eichmann waa la ogaaday, sidaas ayaana Israa’iil ku weyday in ay gacanta ugu soo dhigto oo maxkamad u soo saarto mid ka mid ah danbiilayaasha ifka ugu waaweynaa.
Markii Eichmann la qabtay, Josef Mengele wuxuu dareemay in arrini xuntahay, wuxuuna u guuray paraguwaay oo meel uu jaan iyo cirib dhigay la waayay, tan iyo intii uu wadne xanuun u dhintay 1979 kii, labaatan gu’ ka dib.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply