MOSSAD-AAWAY YOSSELE? QAYBTII 10AAD

 

 

 

Telegaraamyo aan dagaansho sidin ayaa ku soo hoobanayay xafiiska Isser, maraykankii arrinta waa ka lababaynayaa, ayaa gur eri iyo danjirihii soo sheegeen, mahubtaan in cinwaankaan wiilku joogo? Hadii aan weearano oo aan wiilkii laga helin ka warama? Ayay fbi du lahayd, fbi waxyna si dadban u sheegeen in laba labayntu ka imaanayso doorashidii kongarayska oo soo dhow, dariiqada satmar waxay gacanta ku hayaan oo muumulkeeda hayaan boqol kun oo cod, maamulka degmaduna ma rabin in uu waayo codadkaas.

 

”bartamaha habeenkii ayaa Isser qabsaday telefoonkii, igu xir danjire herman ka washington,”

Markii lagu xirayna warkiisu waa uu cadaa oo wuxuu yiri:

”herman, qofka kula hadlayaa waa Isser harel, waxaan rabaa in aad la xariirtid xeer ilaaliyaha guud, robert kennedy hadda, una sheeg adiga oo magacyga ku hadlaya waan in fbi du wiilkii hada keentaa”

Herman waaba qalalay

”Isser sidee baad sidaas ugu hadashay”  ayaaa heman yiri asag oo u sarbeebaya in telfoonka ay dhici karto in maraykanku dhagaysanayo, balse Isser wuxuu yiri”

”sidaas aayaaba wanaagsan, anigu kaligaa kula hadli mayo”  wuxuu rajaynayay in maraykanku dhagaysanayaan.

Herman wuxuu isku dayay in uu uga digo dhibka diplomaasiyaseed ee ka imankara hadii hadaladaas la dhaysanayo, balse Isser ayaa hadalkii ka boobay oo yiri”

”adiga talo kuma weydiisan u sheeg hadii aysan wax ka qaban hadda, wixii ka yimaada ayaga ayaa ka ms’uul ah”

Dhowr saacadood ka dib waxaa soo wacay qunsilaydii iraa’iil oo u sheegay in robert kannedy oo tallaabo qaaday oo ciidan fbi ah iyo nabad sugid iraa’iil ah ay tageen gurigii oo wiilkii laga helay hadana meel lagu hayo,

Affartii juulay oo maalin faysta ah ahayd ayaa waxaan garoonka lod soo caga dhigtay haadadii siday Yossele, qareen aad looga yaqaan dalka ayaa waraaq uu uga mahad cilinayo soo cilinta wiilka u qoray madaxa wasiirada ben Gurion asna wuxuu u  qoray waraaq uu ku leeyahay,

” u mahad celi sidrdoonka gaar ahaan madax sirdoonka oo maalmo iyo habeena badan ku bixiyay shaqadaan oo aan ka daalin xataa markii kuwii la shaqaynayay aay ka daaleen, tan iyo intii uu wiilka ka helay oo soo celiyay, taasna ma hayn mid fudud”

Hada oo wiilkii la helay ayaa runtii soo if baxday, sheekaduna waxay ku bilaabatay hal telegaraam oo markii Yossele hadba yashiva lagaynayay oo lagu qarinayay Israa’iil gudaheeda, ayaa Ruth ben david telegaraam ka heshay saaxiibkeed, raabbay meizish, oo ku leeyhay

”hada imoow jurusalaam, wax kuu qalmaan hayaaye”

Ruth markay timid Israa’iil waxay ogaatay waxa u qalma ee loo sheegay in ay tahay in ay Yossele dalka ka saarto, markaas ayay ku laabatay faransa oo baasaboorkeedii soo farsamaysay, ayada oo magaca wiilkeeda Calude ka dhigtay Caludine, taariikhdii dhalshada oo ahayd 1945 ay ka dhigtay 1953, Ka dibna waxay badashay muuqaalkeedii iyo dhar xirashadeedii iyo magaceedii, waxayna qaadatay magaca madeleine, markaas ayay u duushay magaalada jinewa oo ay ka qaadatay doon u socota Israa’iil oo ay saaran yihiin dad rakaab caadi ah iyo dad dib ugu baqoolaya israa’iil, intaysan doonta fuulin ayay bilowday la ciyaartan gabar yar oo siddeed jir ah oo ay dhaleen qoys ka mid ah dadka Israa’iil u baqoolaya, markii markabka la fuulayay oo dadkii ay la rafanayeen qaadida boorsooyinka iyo cafishk kale, madeleine gabadhii yarayd ayay gacanta qabsatay oo markabkii sii fuushay, sarkaalka socdaalka ee talyaanigu baasaboorkii ayuu hubiyay kuna cadeeyay in gabar yar la socoto, isla filinkii ayayna ku martay qaybtii socdaalka ee Israa’iil oo ayagu arkay uun in ay gabar yar kala soo dagtay doonta.

Maalmo ka dib ayay ka duushay goraanka lod ayada oo gacanta haysata gabar yar, gabadhaas yar cid kale ma ahayn ee wuxuu ahaa Yossele oo dhar gabdheed loo xiray oo sidii gabar loo hagaajiyay, Yossele laba gu’ ayuu ku jiray dugsiyada la seexdo ee orthodox ka ee swiss iyo faransa, balse markii Yossele Israa’iil si weyn looga raadinayay, ayay madeleine maalin timid dugsigii uu dhiganyay oo looga yaqiinay in uu yahy agoon labadisii waaliid oo swiss ahaa ay dhinteen, magaciisuna wuxuu ahaa Menachem, mar labaad ayay sidii gabar ugu labistay waxayna ula duushay maraykanka, markay maraykan tagtayna waxaa gacan siiyay madaxa dariiqada satmar, raabbay Joel Teitelbaum wuxuuna u sheegay ninka caanaha xaafada keena Gertner in uu wado Yankele oo geeyo gurigiisa dadkan ugu sheekeeyo in uu yahay ina adeerkiis oo Arjantiin ka yimid oo dalka joogi doona.

Mossad waxay ogaatay in wadaadaan orthodox ay aduunyada ku faafsan yihiin oo ayba u dhigmaan sirdoon dal, balse guud haan waxaa aad uga yaabiyay Ruth ben david oo ku taagan sharciga maja xaabinta, waligeed ciwaan sugan ma yeelan, waraaqaha nolosheeda u mihiimka ah oo dhan boorsadeeda ayay ku sidataa, aqoonsigeedana waxay isaga badali kartaa sida ay dharka isaga badasho, Isser wuxuu go’aansady in uu u bandhigo in ay u shaqayso, balse waa uu daahay oo waxay guursatay 72 jir hogaamiya ka ah dariiqada ugu mayalka adag dariiqooyinka oo dhan, Isser iyo Yossele waxay kulmeen sagaal gu’ kadib, Yossele wuxuu ka mid yhay ciidanka taangiyada, markii ay is gacan qaadeen Isser Yossele wuxuu yiri:

”aad iyo aad ayaan abaal ugu hayaa, Isser harel wuxuu ahaa ruuxa noloshayda ugu muhimsan, la’aantiisna dhexdiina maanta ma joogeen”

DHAMMAAD

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

Leave a Reply