( IN AY RUMOWDO, WANAAGSANAAN LAHAYDAA)
Roob iyo raxmad baa innagu soo foodleh. Hilaac sido carafta midnimada ayaa ino soo muuqda. Cariga fog ee Ingriiska ayay rajadu kasoo bidhaantay. Sooyaal cusub ayaa qormayo. Diiwaanka iyo keedka taariikhdana dib ayaa loogu noqon donaa. Midnimo iyo wadajir ayaa lagu xariiqi donaa. Maxamed Baashe ayaa garwadeen ka ah soyaalka cusub ee qormi doono. Waxaa mar dhaw laga guuleysan donaa siyaasiyiinti waqtiga dhallinta kaga dhumiyay ictiraaf aan soo muuqan iyo rajo mehaanaw ku dhisan sideen garwadeenka siyaasadda kusii ahadaa. Go’ankii ay sida qarda jeexa u qateen jabahadihii dalka kala gogooyay baa dib-u-eegis lagu samayn donaa. Qodabadii tirada badnaa ay ku qaldameen baana aayar looga siibi donaa. Mar kale ayaa gamcama la is qabsan donaa. 26-Juun calankii laga taagay Hargeysa ayaa mar labaad laga taagi donaa. Geeska Afrika barwaaqo sooran buu noqon donaa. Dunida inteeda kale ayayna maamuli donaan.
Dhallinyarada ayaa ka ilbixi doono danaysiga siyaasiga. Dabanida qarsoon ee qooshayaan baa laga daba tagi donaa. Maaweelada iyo jilliinka ka fog runta ee nagu wadaan odayaasha gaamuray baa ganafka lagu dhufan donaa. Soddon sano oo burbur, qax, abaar, kala go’, icrtiraad raadis, maaweelo, qabyaalad iyo gooni-isku-taag ah ayaa idlaan doonto. Waxaa la gali donaa boggoga cusub ee baraaraha iyo barwaaqada. Soomaalida ayaa midoowi doonta. Waqooyi iyo koonfur ayaa is walaalaysan doono. Inan yar oo reer Hargeysa ah ayaa Xamar madax ka noqon doono. Mid reer Baydhabo ah ayaa Kismaayo maamuli doono. Mid reer Xamar ah ayaa Garoowe Maammule ka noqon doono. Mid reer Boosaaso ahna Burco ayuu ka talin donaa. Mid Dhuusamareeb ka yimid ayaa Marko xukumi doono. Mid reer Gaalkacyo ahna Jowhar ayuu majaraha u qaban donaa. Reereysiga iyo qabyaaladda gaamurtay ayaa cagaha loo laabi donaa. Walalihii la laka gooyay, cuqdad iyo cadawtooyo dhexdooda lagu beeray ayaa isku soo hooyan doono. Meel ay Soomaali joogtaba mashxarad iyo dabaal deg ayaa is qabsan doono. Midowgii lixdanka curtay ayaa dib u mataanayn doono. Sida aan wax isugu darsanay iyo si ka wanaagsan ayaan u shirkoobi donaa.
Xuduudaha iyo xurgufta innaga dhaxeyso ayaa idlaan doonto. Qaran quwad leh baa la yagleeli donaa. Carabta inagu dharag dhacsatay inta aan bahnayn yo reee galbeedka qoryaha na isku keen dhiibay ayaa inoo soo tahriibi doono. Geeska Afrika hantida taalo ayaa bari iyo galbeed looga imaan donaa. Waa gobonimadii nagula yaqiine, xeryo waawayn baan u samayn donaa. Halkaas ayeey certeena ku sugu donaan. Diinta suubban ee Islaamka ayaan gaarsiin donaa. Kuwa buuryada qabo ayan ugu baaqi donaa in ay qardhab isag goyaan. Sidooda oo kale Magafe waddada uma dhigi doono, ee si gobonnimo leh ayaan u soori donaa. Xukunka Washington ayaa Muqdisho iyo Hargeysa u wareegi doono. Dunidana bariga Afrika ayaa looga tali donaa. RABBI IDAMKII.
Waxaa la xorrayn donaa dhulka ay naga haystaan gumeystayaasha madaw. Soomaali-galbeed iyo NFD ayaa dib loogu celin donaa gacanta dad Soomaaliyeed. Qarbidahar ayaa calanka buluugga ah laga qotomin donaa. Sida lagu yiqiin, Hargeysa ayaa hoggaamin doonto aragtida SOOMAALI-WAYN ayada ayaana dadka iyo dalka midayn doonto. Qudusta geeska Afrika –HARAR– ayaa dib boorka looga jafi donaa. Magaalada taariikhda, halganka iyo xadaaradda fog leh ayaa dib usoo noqon doonto. Gacanta amxaarada ee hadda lagu shiiqiyay ayay kasoo bixi dontaa. DOLOW, NOGOB, FIIQ IYI DHAGAX-BUUR ayaa si siman looga dabaal degi donaa midnimada ummadda Soomaaliyeed. BURCO IYO BOORAMA ayaa noqon doona halka laga hago. xuduntii waddanka ee XAMAR ayaa jihayn doonto halganka cusub. Foor-boonti-fayf iyo federaalka foolxumada reebay ayaa bogoga loo laabi donaa. Aragtiyo cusub oo waafaqaya diinta, dhaqanka iyo dabciga ummadda Soomaaliyeed ayaa la qaadan donaa. Mufakiriin Soomaliyeed ayayna maskaxdooda kasoo maaxan dontaa.
Sida nagula yiqiin, waxa aan heeryada gumesytaha cusub ka dul qaadi donaa AFRIKA inteeda kale. Waan u gurman donaa. Waa gob iyo xalkeede, sida ay inoogu egteen uguma eegan doono. Sida aan Koonfur Afrika ugu gurmannay baan ugu gurman donaa. Gacan gacaltooyo baan u taagi donaa. Masarta boobtay sooyaalkeen ayaan dib ugu soo naqsan donaa. Hooyada adduunka –SOOMAALIYA– ayaa dib usoo noqon doonto. Ubadkeeda ka fasahaaday ayayna dib u tarbiyayn dontaa. Kuweeeda saaqiday ayay dhaqan-celin u samayn dontaa. Suugaantii diiraneed ee aan caanka ku ahayn ( ilaa iyi haddana aan ku nahay) ayaa dib ugu soo burqan doonto afka laashinka Soomaaliyeed. Kuwii hore ayaan maamuusi donaa. Inta aan dayacnay baan ka cafis dalban donaa. Soyaalkooda duugoobay ayaan cusbonaysiin donaa. Goobo taarikheed lagu aruuriyo taariikhda sida aan saluugga lahayn loo shiiqiyay ayaan samayn donaa. Mid lamid ah halgankii ina Gurey, Sayidka, SYL, kii 77 iyo midkii 64 ayaan qaadi donaa. Sida la garan ogyahayna xaqa ayaa guuleysan doono. Libinta ayaana ku dul geeraari donaa.
Dowladnimada gacan-ku-rimiska ah ee Koonfur taala iyo ictiraadka afka baarkiisa ah ee Waqooyi yaala ee aan wax guul ah laga gaarin waqtigooda waa idlaaday. Marka ay baahi timaado ayaa la fekeraa. Gaajada ayaa maskaxda hawl u dirta. Soddon sano oo baahi ah kaddib, hadda ayuu maanka shaqayn donaa. Sida laga sugayayna, aqoon yahanka da’da yar ee Koonfur jooga ayaa isweydiin doono dowladnimadaan aan guusha laga gaarin. Midka Waqooyi joogana waxa uu naftiisa kala shawri donaa ictiraafkaan noqday mashruuc aan dhammaan. Markaas, ayay wadajir u qaadi donaan gidaarka adag ee ina kala dhax dhigeen siyaasiyiinta danaystayaasha ah. Markaas ayay midnimo curan dontaa. Barwaaqo la geli donaa. Shanta Soomaalyeed ee qurub-qurubta loo gala gooyay ayaa walaalooli doono. Soddomeeyo sano oo dowladnimo iyo kala dambayn ayaan geli donaa. EEBBE IDAMKIII, xaqa feeraha ayuu ka dilaaci donaa. Baadilkana musqulaha ayuu ku dhiman donaa.
《WABILLAAHI-TOWFIIQ》
W/Q: Cabdikariin Sharri
shardi424@gmail.com
MUQDISHO-SOOMAALIYA.
Leave a Reply