MADFACII SADDAAM XUSEEN-Q-1AAD

 

 

23 dii bishii Maarso 1918, markii gadaalkii koowaad ee aduunku fiintiisa sare marayay, xabbad madfac ah oo weyn ayaa ku soo dhacday aqalka madaxtooyada ee Baariis, hal saac ka dib mid kale ayaa ku soo dhacday bartamaha Baariis, oo dilay siddeed qof, qaraxaas argagax ayuu ku riday reer Baariis, magaalada oo ka fog aaga hore ee dagaal, waxaa loo haystay in ay tahay meel lagu bad baadi karo, gudoomiyihii degmada Baariis durbadiiba ciidan ayuu diray soo baara kaynta, bal in ciidan madaafiicda goobta oo Jarmal ah ay ku dhuumaalaysanyaan, wax la maqlay ma ahayn madfac fogaantaas ka imaan kara iyo halka ciidanka Jarmalka oo Baariis duqayn kara, wargaysyaduna waxay la barbar dhigeen madfacaan kii sheekadii dhalanteedka ahayh uu ku qoray, Jules Eme buugiisi la oranayay, dhulka illaa dayaxa, oo madficii dhalanteedka ahaa ee sheekada, laga riday dhulka oo dayaxa gaaray, Faransiisku ayaan wanaagsan ayay la haayeen oo dagaalkii gugaas ayuu dhamaaday, waxaana guulaystay isbahaysigii aduunka,

 

warkii madfaca musiibada ah ee dhimashada iyo argagaxa ka kaystay Baariis waa uu faafay, dadka qaar waxay ula baxeen, qorigii Baariis, qaar kalana , waxay ugu magac dareen imbaradoorkii Jalmalka Wilhelm II, waxaa la ogaaday in madfacaas ay samaysay shirkada krupp ee hubka culus, oo ay samaysay sadeex madfac oo jaadkaas ah, fogaan tuurmadiisu waxay gaaraysay, 128 kiilo mitir, dhumucda xabaddiisuna 91.44 sentimitir ayay ahayd, xabadisu waxay kor u baxaysay 24 kiiloo mitir, rekor kaas waxaa jabiyay markii danbe gantaalkii V-2 ee Jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka, shirkada krupp saddexdaa madfac oo waaweyn ayay si qarsoodi sare ah ku samaysay, waxaana jiidi jiray tareemo gaar ah markii meel laga qaadayo oo meel kale la gaynayo,

 

Qori kasta waxaa ka howlgalayay siddeed nin oo  ka reebanaa  in ay cid la hadlaan, hub asaga oo dhan qarsoodi ku daboolan tahay ayuu ahaa, markii dagaalku dhamaad ku dhawaa Ingriisku waxay ogaadeen barta madaafiicda, waxayna iskaga daba geeyeen duqayn, sidoo kale Faransiisku aaga hore ayuu duqayn kaga waday madaafiicda, balse wax guula kama aysan soo hoyin, oo hal madfac ayaa bur buray oo asagu markii la duqeeyay qarxay, shan ciidan ahna ay ku dhinteen, labadii kale meel ay ka baxeen ayaa la waayay dhamaadkii dagaalka, wixii ku dhacay iyo meel ay ka baxeen tan iyo hada wax lama oga, waxaa dhici karta in la fur furay ama gododkaas cidlada ah lagu riday, qaryahaan waweyn waxay noqdeen caan, sirtii ka danbaysayna dad badan waxay leeyihiin waxay ahaan doontaa mid aan waligeed la ogaan doonin.

 

Balse 1965, islaan duq ah oo jalmal ahayd oo timid kanada, waxayna la kulantaya, Dr Gerald Bull, oo madax ka ahaa mashruucan barista ee fogaanta kore, ee jaamicada Montriyal, islaanta waxay qaraabo ahaayen, Fritz Rausenberger, madaxii warshadaha hubka ee kurpp, waxay u keentay Bull naqshad ay ka heshay waraaqihii cideeda oo faahfaahinaysa qorigii weynaa iyo sida uu u shaqeynayay, naqshadii dab ayay ka kicisay dhalanteed is tuskii Bull, waxaana lagu yaqiinay in uu ahaa nin garaadkiisu caadiga ka sareeyo oo shahaadadiisa jaamicadeed ee sare [Ph.D] wuxuu qaatay asaga oo 23 jir ah, wuxuu ahaa qofkii ugu yaraa ee Ph.D ka qaata dhamaan jaamicada Kanada, Bull wuxuu waligiis ku riyoon jiray in uu samaeeyo, qori aad u weyn oo boqolaal kilo mitir gaara ama xataa dayax gacmeedyada loogu tuuro waqalka.

 

Asaga oo adeegsanaya naqshadii wuxuu ka qoray buug, qorigii weynaa ee Jarmalka, balse buug qoristii kuma aysan filnaan Bull, ee wuxuu kaalmo ka soo aruursaday Maraykan ka iyo Kanadana iyo jaamicadii uu joogayba, goob tijaabo eek u taal dalka Barbados, Bull wuxuu ku tijaabiyay qori uu asagu leeyahy  oo samaystay, qorigii ifka ugu dhuun dheeraa, 36 mitir ay dhirirka dhuuntiisu ahayd, afkiisuna ahaa 424 millimitir, boqolaal shaqaale, farsama yaqaan, injineero oo inta badan dalka u dhasheen ayaa ka qayb qaatay samaynta qoriga iyo tijaabdiisa,

 

Tijaabadii qorigii Bull culays weyn ayaa lagu tuuray oo  qaaday rikorka kor fogaanshada, Bull wuxuu yiri, hadii xabada badalkeeda lagu rido qoriga  gantaalaha shidaalka ku shaqeeya, wuxuu tuuri kata culays ah 90 kiilo garaam, oo gaarsiinkaraana 4000 oo kilo mitir, korna u gaarsiin karaa 250 kiilo mitir, qorigii Bull wuxuu ahaa guul la gaaray, balse sababa dhowr ah oo jiray dartood maraykankii iyo Kanadiyaankii waa ka joojiyeen Bull dhaqaalihii ay siinayeen mashruuciisa, xanaaq iyo xiqdi ayuu cirkaas iskula shareeray, wuxuu ku qasbanaaday in uu ka tago Barbados, wuxuu weerer ku qaaday maal qabeenadii mashruuciisa joojiyay, wuxuu bilaabay in uu sameeyo xabadaha madaafiicda  oo konton kun oo xabo u dhoofiyay israa’iil si ay ugu adeegsadaa madaafiicda Markanku sameeyay, Bull waxaa abaal marin loo siiyay dhalashada maraykanka, balse wuxuu ahaa nin xanaaq badan, oo aan afkiisa ka dkayn, markasta madaxa  iskula jiraan saraakiisha iyo madaxda, caradii iyo fool xumayntii uu ka qaaday xiritaankii gaabtiisa Barbados ayaa gubaysay, diyaar ayuuna u ahaa wax kasta in uu smaeeyo si uu sii wado hamigiisii qoriga weyn.

 

La soco……..

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply