MADFACII SADDAAM XUSEEN-Q-5AAD

 

 

 

 

 

Madaxii Mossad wuxuu hor dhigay warbixintii madaxa wasiirada, menahem begin oo asagu durbadiiba qalinka ku dgay, ka dib Mossad waxay soo xera galisay oo ay carbisay mid ka mid dadka aadka ugu dhow xaddaad aadna uu ugu kalsoon yahay oo howl yurub u joogay, markii uu laabanayay wuxuu ninka madaxdiisa ah horay ugu sii qaaday baako jukulaata ah oo aad u wanaagsan, nooca godiva chocolates la yiraahdo, jukulaatada oo labeen macan ay kujirto Mossad waxay ku direen sun, waxay rumaysnaayeen jacayl uu xaddaad u qabo jukulatada jaadkaan ah in uu wada liqayo oo xataa uusan qofna wax ka siindoonin, tif tifkii Mossad wuxuu sanduuqii jukulaatada hadiyada ahaa u geeyay xaddaad, asaguna waa uu wada liqay saduuqii jukulaatada ahaa, toddobaadyo gudahood xaddaad waxaa ka xirmay cunnadii, jirkiisuna aad ayuu iskudhimay, baaritaan dhiig ee lagaaqaday waxaa lagu arkay difaac yari jirka haysa, balse reer baqdaad ma jirin cid og waxa ku dhacay madaxii jabhada, caafimaad xumadii xaddaad waa ka sii dartay, qalfoof ayuu noqday, ka dibna gogosha ku aruuray, xaaladiisii markay sii xumaatay waxaa si dhaqsa ah logu qaaday dalka jarmalka bari, sida wadamada soofiyeetka la saaxiibka ah ay u badnaayeena, jalmarka bari wuxuu kaalmo, tababar,hub, iyo magan siin jiray falastiiniyiinta, balse markaan jalmarka bari waa badbaadin kari waayay Dr xaddaad,

 

30-kii maarso 1978, ayuu u geeriyooday cudur aan la garanayn, affartan siddeed jirka hogaamiyaha ah waxuu walashiis uga tahay malaayiin dollar oo uu asagu lahaa,  baaritaankii jarmalka bari waxay ku soo gunaanadeen in xaddaad uu dhintay cudur weeraray difaaca jirkiisa, cid tuhuntay Mossad ma jirin, gacan yarayaashiisii waxay ku eedeeyeen in Ciraaqiyiintu ay sumeeyeen, waayo wuxuu fadeexadeeyay dowlada, gu’yaal ka dib ayaa looga oggolaaday qoraayaasha Israa’iil in ay wax ka qoraan dhimashadii xaddaad, soddon gu’ ka dib  markii carafaat dhintay gacan yarayaashiisu waxay ku eedeeyeen dhimashadiisa dowlada Israa’iil, in kasta oo baaritaankii dhaqtarada faransiisku ay baareen maydkii carafaat ay caddeyn waayeen, xaddaad markii uu dhintay ururkiisii waa uu bur buray, weeraradii kooxda xaddaad ay ku hayeen Israa’iilna durbadiiba waa ay joogsadeen, dagaalkii dheeraa ee lagula jiray mid ka mid ah nacabka Israa’iilna waa dhamaaday, Bull iyo xaddaad ka dib waxaa la soo gaaray xilligii shaqaqai.

Bartamihii qarniguu sagaal iyo tobnaad suldaankii dowladii cismaaniyiintu waxa uu u diray jaziirada maalta in uu qabto hogaamiye ciidan badeed oo caan ahaa, hogaamiyihii  waxa uu bilooyin dhex wareegayay badda cad, balse ma uusan heli maalta, markii uu ku soo laabtay istanbuul na war bixintii ayuu u gusbiyay suldaankii, kuna yiri “malta yok” maalta ma jirto, balse xilligeenaan kuwaa helay maalta, maalta oo qudha ma aysan heline waxay kaloo heleen nin yimid oo is qarinayay oo magac kale ku socday oo socdaal qarsoodi sare ah ku yimid, kaasna wuxuu ahaa, Dr fathi shaqaqi, madaxa ururka ilaamik jihaad.

26-kii oktoober, xilli aroor danbe ah ayaa fathi shaqaqi ka soo baxay rugtii uu daganaa ee diplomat hotel ee magaalada Selma, maalta, wuxuuna u soo baxay I uu soo ageedta ka hor inra uusan ku laaban dimishiq halkaas oo uu u noolaa gu’yaashii danbe, shaqaqi wuxuu xirnaa tin been ah, wuxuuna watay baasaboor liibiyaan ah, kuna watay magaca ibraahim shaawuush, shaqaqi nabad ayuu ku dareemayay in uu ku joogo malta, balse wuxuusan ogayn in dhowr wakil oo massad ah ah harkiisa oo kale ula socdeen toddobaad ka hor markii uu maalta ka tagay oo uu aaday liibiyasi uu uga qayb galo shirka ururada falastiiniyiinta.

Sagaal bilk a hor, 22 kii janaayo, laba la ka tirsan ururka islaamik jihaad ayaa isy qarxiyay goob bas joogsi ee iskoyska bayt lid oo aan ka fogayn magaalada Netanya, kow iyo labaatan qof oo ciidan u badan ayaa ku dhintay, lixdan iyo sided kalana waa ay ku dhaawacmeen, wuxuu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu xumaan sooyaalka ee Israa’iil llo gaystay, madaxa wasiirada Isaak rabib wuxuu gurmad ku tagay goobtii waxuu aad uga qaracmay xasuuuqii meesha ka dhacay, aad ayuuna u xanaaay markii uu ka akhriyay wargayska timeswaraysi ay la yeesheen shaqaqi oo ku leeyahay,

[tani waxay ahay weerarkii ciidan ee ugu weynaa ee laga uliyo gudaha falastiin, [markii laga reebo dagaaldii carabta iyo Israa’iil]

Times: [waxay u muuqataa in aad aad ugu faraxsan tahay?]

Shaqaqi: [dadkay ayay farxad galinaysaa]

Rabin oo xanaagsan ayaa ku amray shabatay shavit oo xirfadle Mossad ah in uu soo dilo hogaamiya islamik jihada, shavit mudoo dheer ayuu gaadayay shaqaqi, sida wargayska der spiegelqortay, Mossad waxay soo jeedisay in shaqaqi lagu dhex dilo xaruntiisa ku taal dimishiq, balse rabin waa uu diiday oo wadahadal qarsoodiya ayuu u socday asaga iyo haafit al asad, mana uu rabain in wax qul qulada la galiyo fursadaan yar oo ay dhici karto in lagu dhameeyo colaada ka dhiex taagan Israa’iil iyo dowlada waqooyiga kala dariska ah, howl gal aad u dhiba badan ayuu ahaa, ayaa shavit yiri waayo shaqaqi waa uu ogaa in Mossad raadinayso sidaa darteed ayuu mar dhifa maahane inta kale uu u joogaa dimishiq, si kastaba rabin wuxuu amray in howlgalgu ka dhaco meel ka baxsan suuriya, balse xagee? In muddo ah madaxda Mossad waxa haystay jaha wareer balse ugu danbayn ayaankooda ayaa wanaagsanaaday oo shaqaqi shirka ururada falastiiniyiinta eek a dhacaya tiriiboli, liibiya, markii hore wxa uu sheegay in uusan shirka imaanaynin, balse waxaa loo sheegay in ninka ay aadka isga soo horjeedaa abuu musa oo madax ka ah ururka abuu musa ee aaadka loo nacebyahay in uu shirk aka soo qayb galayo, xeel dheerayaasha Mossad waxay is tuseen in shaqaqi uusan ninka ay is neceb yihiin uusa booska uaga baxayn oo uu tagi doono shirka, war bixin qarsoodiya oo dimishiq ka timidna waa xaqiijisay in shaqaqi uu liibiya aadayo, rabin na waa uufasaxay in howl galka lagu dhaqaaqo, sida warar yurub ah sheegayaan diyaarinya dilka shaqaqi waxay ku bilaabatay in xeel dheerayaal Mossad ah ay baareen duulimaadyadii hore ee shaqaqi ku tagi jiray liibiya, waxaana soo baxday in markasta uu sii mari jiray maalta,

Madaxii Mossad wuxuu go’aan ku gaaray in howl galku ka dhaco maalta oo uusan liibiya ka dhicin, maalta waxay ahayd meel ku haboon iyo meel daggan, wakiiladii Mossad waxay shaqaqi ku sugeen garoonka Valletta oo ahayd in joogsi yar ka dib uu liibiya ka aado, shaqaqi waa uu ku dhawaaday in uu dhagro Mossad oo duullimaadkii saddexaad ee dimish ka yimid ayuu la socday asaga muuqaalkiisii badalay, in yar ayuu joogay qaybta taraansitka ka dibna u duulay liibiya.

62 kii oktoobar aroor hore ayuu ku soo laabtay maalta wuxuuna dagay diplomat hotel halkaas oo uu horay u dagi jiray, wuxuu dagay qolka 616,  durbadiina waa uusoo baxay, laba Mossad ah oo mooto wadata ayaa meel kasta oo uu aado daba joogay, laba saac ayuu ku dhumiyay dukaamo tagi iyo suuqa, hotelka ayuudib ugu soo laabtay markii mooto buluug ah ay dhiniciisa soo istaagtay, gadaal danbe wuxuu shaagay wakiilkii Mossad, in nin muuqaal bariga dhexe leh uu soo abaaray ka dibna si dhow xabado ugu furay, qori shibbana ah, shaqaqi wuxuu ku dhacay jidka dhiniciisa ninkii dilayna surun u dhawaa ayuu ku cararay halkaas oo jaallihiisi uu kula sugayay mootadii oo kacsan, waxay isku sii dayeen xeeb u dhaweyd halkaas oo ay ku boodeen doon dheeraysa una gaysay Markab xamuul oo badweynta shishe ku sugayay, markabku waxuu sida shamiito uu ka soo qaaday xayfa oo itaaliya u socota, balse waxaa kale oo siday markabku shabaty shavie qof ahaan, oo arkabka korkiisa oo qalab casi ah saran yahay ka hoggaaminayay howlgalka,  habka baxsashada aad ayaa loo sooqorsheeyay cid soo daba gashayn ma jirin labadii ciidan Mossad si nabada ayayn ku soo gaareen markabkii.

Dhimashadii shaqaqi ka dib gacan yara yaashiisii waxay isku dayeen in ay helaan khaa’ika u sheegay Mossad socdaalka shaqaqi iyo jidkuu marayo, Dilaayaashu waa ogaayeen wax walba, xilliga ka bixitaankiisa maalta, lambarka duullimaadka, aqoonsigiisa beenta ahaa, xilliga uu ku soo noqonayo maalta ka dibna dimishiq, shan bilood oo baaritaan ah falastiiniyiitu waxay xiren arday oo kalmeeye dhow u ahaa shaqaqi kuna eedeeyeen dhagar, cadaadis badan ka dib ardaygii waa uu kala daadatay wuxuuna sheegay in omssad ay carbisay markii uu wax ku baranayay bugaariya, maamulihiisii Mossad ka ahaa Ayaan u sheegay in uu u guuro dimishiq oo uu ka mid noqdo kooxda shaqaqi, ka dib affartii gu’ eek u xigatay wuxuu kasbaday kalsoonidii shaqaqi xataa wuxuu gaaray in uu ka mid noqdo inta yare e la socota dhq dhaqaaqa shaqaaqi,

islamik jihaad maahan sida xamaas iyo xisBullah oo ayagu galiya wax qabadkoota iyo wax soo saarkooda wax badan dhaqdhaqaaqa bulshada, balse ayagu ujeedkoodu waa argagax kaliya, waxay ka koobnaayeen falastiiniyiin aan ujeedo kale lahay in ay Israa’iil la dagaalaman maahane, shaqaqi qudhiisa falastiiniyiinta qurba joogta ah waxay u yaqaaneen in uu yahay aabaha garaadka is miidaaminta. Wuxuu isku dayi jiray in uu keeno qiil diimeed oo u sharciyayna ismiidaaminta qarxinta iyo dilka, ururka shaqaqi waxay mas’uul ka ahaayeen liis dheer oo weerar argagixiso ah oo dhiig ku daatay, lix iyo toban ayaa ku dhimatay weerarkii baskii lamabar 405 ee kaatagay tel aviv una socday jurusalaam,6 dii juulay, 1986. sagaal ayaa ku dhimatay bas dalxiiyayaal Israa’iila waday qaahira agteeda, 4 tii feberaayo. 1990. siddeed ayaa ku dhimatay qarax bas meel u dhow kfar darom koofurta Israa’iil, 20 kii November, 2000. saddex askari ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bar kontorol eek u taal netzarim, daanta galbeed, 11 kii November,1994  kii u xumaa ee ka dhacay bayt lid, oo labaatan qof ku dhimatay, 22 kiijanaayo, 1995. Ku Dhimashiisa wado ku taal maalta waa uu istaahilay, dhimashadii shaqaqi islaamik jihaad wuxuu ku dhawaaday in uu bur buro, gu;yaal badan ayayna ku qaadatay in ay ka soo kabsadayy geeridii hoggaamiyahooda. Isaak raabin wuxuu yiri krkaas ka din,

“Waxba kama ogayn khaarijinta, balse haddii ay run tahay, kama xumaanayo”

Rabiin qudhiisa waa la khaarijiyay bale falastiini maahayn qofka dilay ee wuxuu ahaa yuhuudi mayal adag.

Dhammaad

 

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

Leave a Reply