Waan ka xumahay in aan qaybtaan la soo daahay, howla aduun oo igu xariira datood
Laba toddobaad ka dib, dowlada ingriisku jiifkii dheeraa ee ay ku jirtay ayay ka soo kacday, waxayna baarayaal u direen dakada teesport, halkaas oo lagu qabtay siddeed dhuumood oo waaweyn oo shirkada shefield samaysay oo ku sharciyaysnaa dhoofin in ay yihiin dhuumo shidaal, ma xumayn isku daygoodu balse waa la soo daaheen, oo waxaa gudubtay ingriiska 44 dhuumood oo Ciraaq ka howl galay, todobaad yadii ku xigay dhuumo waaweyn ayaa lagu kala qabtay meelo yurub ka mid ah, baaritaano yurub laga bilaabay,waxaa lala yaabay side shirkad sida Sheffield oo kale ah, ay u ogaanweyday ujeeedka Sadaam Xuseen iyo qorigiisa weyn.
Markii maraykanku qabsaday iraaq, waxaa la helay dhuumo waaweyn oo badan oo layskugu aruuriyay qashin qubka al aleksandariya oo 3 kiilo mitir u jirta Baqdaad, dhuumahaas maaraystay waxay ka hareen qorshihii weynaa ee Bull, dilkii Bull wuxuu ku soo beegmay, madax cusub oo ay Mossad yeelatay, oo ahaa rug cadaa Mossad ka soo shaqeeyay, Shabatay Shavit, shavit oo ahaan jiray dagaalyhayan ka tirsanaa sayeret matkal iyo madaxii caesarea, isbadal ayuu ku sameeyay wax qabadkii Mossad makii uu xilka la wareegay 1989.
Laga bilaabo bilowgii toddobaataneedyadii waxaa bilowda khaarijinta hogaamiyayaasha black September, socotayna sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii,,
Muhumadii dhaq dhaqaaqii Mossad waxay u wareegtay howl gallo ayada oo ka soo wareegaty xog aruurin, Mossad waxa si aayar ah u bilowday howlgalada ku lidka ah ciddii halis ku haysa dalka Israa’iil, xag ciidan ha haadeen ama xag kale, qaybihii kale ee hore ee dowladu si habsami ah oo jabin waayeen argagixisada, madaxda argagixisadu waxay ku noolaayeen dibada oo ay nabad ku haysteen, gobahaas oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada lagu qaado Israa’iil iyo dadka Israa’iiliyiinta ah ee dunida ku baahsan, xataa Israa’iil oo ogayd cida ay yihiin iyo falalka ay maleegayaan argagixisadu, ma awoodin in ay soo qabtaan oo garsoorka hor keenaan, jidka kaliya ee u banaana mosaad waxay ahayd in ah helaan oo dilaan, sida david molad oo ayaa kuwa badan isku dayeen in ay qaadaan tallaabo naxariis darra ah, balse higsigoodii waa gaareen markii ay dileen hoggaamiyaal argagixiso, waxaana tulaase fiican u ahaa madaxdii black sebtemper, Gerald Bull kayskiisun taas ayay la mid ahayd, in kasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan cidii dishay, hadana dhimashadiisu waxay ahayd dhimashadii mashruucaas, waadi xaddaad na sidaas iyo si la eg, waxayna ku bilaabaty sanduuq jukulaata ah, Dr waadi xaddaad wuxuu ahaa  madaxii jabhada dadweynaha ee xoraynta falastiin,  oo ahayd mid ka mid nacabka ugu halisan ee Israa’iil lahayd, howl galadiisii ugu xumaana waxaa ka midmid ahaa af duubkii diyaarada air faransa eeku soo jeeday tel aviv kana timid baariis 27 dii june 1976, laguna qasbay duuliyihii in uu ku dajiyo garoonka Entebbe ee magalada madaxda Uganda, waxayna sheegeen argagixisadii in dadkii Israa’iiliyiinta ahaa ee ay hayteen ay ku dalbanyaan, ninkii ugu halisnaa ee agagixada aduunka oo dhan.
Howl geesinimo leh ee samata bixin ah, kumaandooska Israa’iil waxay duulimaad ugu duuleen kumaankun mayl, waxayna ku dagteen garoonka Entebbe, halkaas ay ku dileen argagixisadii kuna soo furteen dadkii la haystay.
Dhacdadii Entebbe ka dib Dr xaddaad wuxuu ogaaday in uu halis ku jiro, wuxuuna u guuray oo saldhig uu ka dhigtay Baqdaad, halkaas oo in uu halis kaga badbaadayo uu dareensanaa, Ciraaq gudaheeda ayuu ka soo abaabuli jiray weerarada uu Israa’iil ku qaado, Mossad na waxaa ka go’nayd in ay disho balse sidee?, waxay qaadeen howl gal aad u dhib badan oo la doonayo in lagau ogaado wax kasta oo ku saabsan Xaddaad, sida meelaha uu u jilicasan yahay, iyo xumaanta dadnimadiisa, hal gu’ ka dib dhacdadii Entebbe Mossad waxay ogaatay in xaddaad uu aad u jecel yahay jukulaatada, gaar ahaan jaadka wanaagsan ee biljam samayso, warkaana waxaa laga helay falastiiniyiin warkooda lagu kalsoon yahay oo ku dhexjiraya jabhada xaddaad.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply