MADFACII SADDAAM XUSEEN-Q-3AAD

 

Qaybta ugu muhiimsani waa dhuunta sida caadadu tahay, Bull na qorshihiisu wuxuu ahaa in uu asagu sameeyo,asga oo adeegsanaya dhuumo bir ah oo aad u waaweyn, dhuumihii ayuu ka dalbaday, Ingriiska, Isbayn, Holland, Iswizerland, Ciraaq oo agab kasta oo hub halis ah lagu samayn karo cunaqabtayn ayaa ka saarnayd darteed, dhuumaha waxaa lagu dalbay sidii ay yihiin dhuumo shidaal oo waaweyn, waxaana dalabka lagu buuxiyay magaca Urdun, dhuumihiina waa soo bilowdeen, waxaase yaab ahayd in shirkadaha samaynayay dhuumuha ay si fiican u ogaayeen in dhuumahan loo adeegsanyo qayba ka mid ah hub halis ah, danayn la’aantooda iyo gunguri weynankooda, iyo ayaga oo aan kala jeclayn hadii dagaal ka qarxo bariga dhexe, ayaysan wax dhiba kuba hayn in ay gacan ka gaystaan samaynta hubkaas.

dhuumihii waaweynaa laysimo ayaa dhoofin loogu sameeyay, maraakiibna waa lagu soo raray, in badanna Ciraaq ayay soo gaareen ayagoon wax dhib ah la kulmin, Bull iyo injineeradiisii iyo farsma yaqaanadiisii waxay bilaabeen isku xir xiridii qoriga ayaga uu jeedayay galbeed, dhinaca Israa’iil, balse Bull intaa kuma qanacsanayn ee wuxuu ciidamada goobta ee Ciraaq ku biiriyay laba madfac oo kale, al faaw iyo al majnuun, wuxuu ogoladay in uu horumariyo gataalaha Iskaadka ee Ciraaq, madaxyada ay qaadaana uu farsameeyo oo hagaajiyo, fogaantii ganlaahiihii Iskaadka waa uu dheereeyey, wax qabadkoodiina wanaajiyay, waa gantaalaha markii danbe dagaalkii gacanka, Ciraaq ku duqeeysay Israa’iil, Bull soohdintii ayuu ka baxay, wiilkiisii mar danbe ayuu ka markhaati kacay in Mossad ay uga digtay dhaqdhaqaayadaan halista leh, Israa’iil kaliyana ma ahayn cida rabatay in ay joojiyaan sayntiistahan, ee CIA da iyo MI6 war war ayay ka qabeen, Iiraan wali howl ayaa ugu qabya ahayd Bull, oo waa u ganbanaayeen, sida muuqata dagaalkii Ciraaq iyo iiraan, Ciraaq waxay adeegsatay qoryihii uu sameeyay Gerald Bull, nacab uma yarayn Bull, waxaana ka go’nayd in ay joojiyaan mashruuca Bull,

Digniinihii markii iska dhaga tiray, wakiilo sirdoon oo qalaad ayaa dhaqaaq bilaabay, jilaalkii 1990, dhowr jeer ayaa dad aan la aqoon jabsadeen aqalka Bull ee brussles, waxba kama aysan qaaday ee alaabtii guriga ayaymadax majo u rogeen, khaanadihii soo saareen, armaajoohinkii dharkii ka soo bixiyeen, kaliya waxay ka tagayeen muuqaal ah in gusriga la soo booqday, digniin kale oo Bull ku socota ayay ahayd oo odhaysa, halkaan Ayaan joognay, sidaan doono Ayaan gurigaaga u soo gali karnaa, intaas ka badana waan gaysan karnaa, balse Bull digniimahaas dhagahuu ka furaystay, imaatinkii dhuumuhuna waa iskasoo daba dhacayay,waxa la gaynayay buur meel cidl ah ku taal, sida muuqatayna wax celin karay mashruuca Babylon ma jirin, hal mid maahane, 22 kii maarso, 1990, Bull aqalkiisii brussles ayuu ku soo laabtay, asaga oo furihii guriga jeeb ka kala soobaxaya ayaa nin meel mugdiya uga soo baxay, bastoolad dhawaaq shibiye ku xiranyhayana gacanta ku wata, shan xabadooda kaga dhuftay jeegada, aaabihii qoriga weynaa halkii ayuu ku dhacay oo ku dhintay, war baahintii waxay bilaabeen in ay mala awaalaan cida ka danbaysay dilka, qaar waxay yiraahdeen, CIA, kuwa kale, MI6, qaar, Angoola, Faransa……, balse inta badan waxay isku raaceen in ay Israa’iil ka dabnaysay, booliiskii Biljam baaris ayuu sameeyay, waxay heleena ma jirin, cidii dishay marxuum Bull waa la waayay, dhamshadiisiina durbadiiba waxay joojisay howshii qoriga weyn, gacan yarayaashiisii, injineeradiisii iyo intii wax ka gadan jirtay ee aduunka ku firdhisan, aragti guud waa ka haysteen qorshaha mashruuca, balse naqshadu waxay ku xirnayd madaxa Bull, asaga kaliyaa ayaa ogaa sida wax u soconayeen, dhimashadiisii waxay ahayd oo kale dhamshadii Babylon.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply