Ugu horeyn wuxuu sameeyay qoriga CG-45, oo ahaa qori aad u horumarsan xilligiisii,oo tuuryadiisu gaarayso 40 kiilo mitir, Bull cid kasta waa ka iibinyay qorigiisa, wuxuu iska dhaga tiray xayiraadii hubka qaramada midoobay ay ku soo rogtay dalka koofur Afrika, Bull qorigiisa waa uu ka iibshay ciidanka koofur Afrika, waxayna ugu baahnaayeen dagaalkii ay kula jireen dalka Angoola, wuxuu kale oo uu Bull ka iibiyay koofur Afrika ogolaanshadii ay dalkooda dhexdiisa ugu samayn lahaayeen qoriga, waxaa la sheegay in ay CIA du ku garbsiinaysay Bull ganacsigiisaan sharci darada ah, balse markii arrintii soo if baxaday oo la ogaaday arrintiisa, saaxiibadii Bull ee CIA da ahaa waa mirqeen, kali ayuuna soo istaagay meel cidla ah,
Markaan asaga oo meel uu kaga gabado aysan jirin eedayntii qaramada midoobay oo ahay in uu yahay, nin aan naxariis lahay oo hubka tahriibiya, ayaa dantu ku qasabtay in uu Maraykanka ku laabto, halkaasna waxaa ku sugayay kadisyo aan wanaagsnayan, oo maxkamad Maraykan ayaa ku heshay, danb ah in uu hubka si sharci dara ah uga ganacsaDo, waxayna ku xunkuntay lix bilood, xabsigii markii uu u soo dhamaaday ayuu Kanada aaday, halkaasna dowoladii kanada ayaa ku xukuntay 50,000 oo dillay oo ganaax ah, xanaaq iyo ciil dartood, Bull wuxuu guuray Biljam, halkaas oo uu shirkad ka unkay, waxay shirka ku ahaayeen, shirkada baaruuda ee Biljam, balse kama dhamaan Bull qarawgiisii ahaa in uu sameeyo qoriga qoryaha ugu weyn, mid u dhigma kii ku jiray sheekadii dhalanteedka ahayd ee qoraagii Jules Vernes, Bull wuxuu kale oo diyaar la ahaa, in uu ruuxiisa shaydaanka ka iibsho si uu riyadiisa uga rumeeyo.
Waana uu helay qofkii riydiisa u rumayn lahaa, Sadaam Xuseen, madaxweynaha Ciraaq, sideetameeyadii Ciraaq waxay dagaal qaraar kula jirtay iiraan, Bull na wuxuu ka iibuyay laba qori oo ah jaadka , CG-45, oo Awstariya lagu sameeyay, qarsoodina  lagu keenay dekada Caqaba ee Urdun, taasi waxay ahayd bilowgii uun, Sadaam Xuseen sida Bull oo kale ayuu asna ciil iyo caro meel la fadhiyay, ka dib markii Israa’iil ay duqayn ku burburisay dhimihii nukliyeerka Ciraaq ee tamuz, taas oo kala daadisay ama bur burisay riyadii Sadaam Xuseen oo ahayd in uu helo niyukleyr, tan kale, ciil wuxuu ka qabay Israa’iil oo qorka u saaranayd in ay dayax gacmeed waqalka u dirto, Bull wuxuu ballan qaaday in uu Sadaam u dhiso qoriga aduunka ugu weyn uguna dheer, Bull wuxuu Sadaam u balan qaaday , qorigaan haddii uu haysto in uu waqalka u tuuran karo dayax gacmeedyo, sidoo kale uu duqayn karo fogaansho  kumanaan kilo mitir ah, Sadaam wuxuu ogaaday in markaas uu duqayn karo meelha ugu dadka badan Israa’iil iyo meela kalaba.
Sadaam waa ogolaaday ra’yigii uu Bull uu soo bandhigay, Bull wuxuu ku magacaabay mashruuciisa [mashruucii Babylon] naqshada qoriga baabiloon waxay ahayad, qori dhuuntiisu noqota150 mitir, culayskiisuna noqdo 2100 ton, dhumucda afkiisuna tahay 1 mitir, balse inta uusan samayn qorigaan cirfiidka ah, Bull wuxuu go’aansaday in uu sameeyo mid yar oo asaga oo kale ah oo tijaabiyo looga dan leeyhay, qoriga yarna wuxuu ku magacaabay [baby Babylon] in kasta oo Babylon yare uu ka weynaa kuwii hore oo dhan oo dhirirkiisu uu ahaa 45 mitir, ciidama goobta ee Ciraaqna aad ayay ula dhaceen sida uu u shaqaynayo baby Babylon, balse wax u dhigma ama u dhow maahayn, qoriga dhabta ah ee mar dhow saxaraha ka soo bixi doona, Bull markii sumadaystay meesihii uu qaybaha qoriga aduunka ugu dheer, uguna xawaara badan uu ka keeni lahaa, ayuu qaybihii qoriga ka dalbaday meelo badan oo yurub ah.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply