Keliya xiddigaha iyo dayaxa nuurkiisa ayaa ii muuqanayey, meeshu sibay xusuuso hore iigu lahayd, waxaan u malaynayaa in aan waqtiyadii qaxa marar ku negaanay ama degnay; xoogaa ayay dareenkii laabtayda ka hugmayey iga dejisay oo waan dhoolacadeynayey sabab li’i.
Waxay ii ahayd fursadii ugu dahabisaneyd ee abid isoo marta! Maadaama aan keligay dhex lugaynayey kaymo cidlo ah oo aanay jirin cid iigu hanjabaysa cuna-qabateyn iyo in cilaaj la igu xerayn doono!
Kayntan dheer ee aan ku sugnaa xilligan waxaa ku yaalay god aad u dheer, beri hore waxaa degganaa waraabeyaal aad halis ah u ah, xoolaha naga cuni jirey oo habeenkii nasoo weerari jirey. Waxaan xasuustaa Aabbahay habeenkii uu waraabaha jikada dhagaxa ka dhisan noogu soo galay uu xadhiga ku xidhay oo godka dheer uu ku gubay! Waan ka naxay runtii xilligaas, markalena waxaan ka naxay 25 sanno kadib in aan rugtii uu degganaa ag marayo habeenkan sharaysan een marnaba la mahadin dadyowga socotada ah falalkooda.!
Habeenkii dhalashadaydu wuxuu ahaa habeen xusuus ku reebay dadkii deegaanka, maadama aan ahaa shan u yarta gabdhood, bil sadexna aan dhashay, lix faroodna aan lahaa, sidoo kale habeenkaas reer haybe oo ah reerka hooyaday ka dhalatay labo nin ayaa laga diley; waa sababta markiiba amran la iigu bixiyey. Waxaa la jeclaysanayey habeenkaas in aan saqiir xalaal ah noqdo, sababtoo ah qoyskaygu waxay kasii fekerayeen mustaqbal xumada aan yeelan karo iyo sharka la gudboonaan doona iyaga sannadaha kusoo fool leh.
Kolkii aan garaadsaday waxaanu deganeyn deegaan buuraley ah oo aad u cimilo qabow sidoo kalena dhir badan leh, hooyaday ima ay jeclayn, carruurteeda gaar ayay iiga sooci jirtey oo mararka qaar aniga ayaa gaar wax la iigu ridi jirey.
Maalin aniga, Basra, iyo Geedi oo walaalahay ah waxaanu ku ciyaaraynay dhagax ku yaaley meel buur ah, wuxuu ahaa dhagax qaab qurux badan u sameysan oo labo majlis leh, Geedi ayaa su’aal i waydiiyey wuxuu igu yidhi ” Amraneey waan xanaaqaa marka carruuraha deriskeena ahi ay kugu caayaan farta dheeraadka ah ee kugu taala, islaamaha hooyo u yimaada maalin walba waxay dhehaan illaahay belaayo ha idinka hayo gabadhan khayr kama soo sancada e; anigu waan kaa weynahay oo waxaa in lagugu dheho ma rabo, farta ma kaa jaraa?
xoogaa sidii anoo qof dhakoolsan ah baan dhankiisa soo jaleecay, waxaana ku idhi; ” aniguba ma jecli se waa iska caadi, oo hooyo ayaa ii sheegta inaan shan u yarta hablood ahay, taasina ma aha calaamad san ma aha waata la dheho”
Inta uu tegay geed ayuu markiiba ka dilaaciyey dubkii sarre maydhax buu kasoo diiray adag oo hore ugu calashmi wayday,farta ayuu igaga xidhay oo igu jiiday, waan ooyey oo dhiig badan baa iga socday; iyada oo ay fartii iga laadlaado ayaan gurigii tagnay, waan miyir-beelay maadaama aan si xun u dhiig baxay. Dhakhtarkaa la ii qaaday isla muddadaasba oo Aabbe ayaa gaadhi tuulada ka dalbay.
Habeenkii walaalkay Geedi waa laga eryay guriga oo duurka ayuu u hoyday, kuma aan farxin runtii, sababtoo ah wuxuu isagu sameeyay wax aanu ku ballanay, marar baan is idhi ma sheegtaa in aad ku ballanteen sidaas misana waxaan xasuustaa inuu igu yidhi cidna ha u sheegin.
Waan ku faraxsanaa in la iga jaray fartii dheeraadka igu ahayd, marar badan gacmahayga ayaan fiirinayey oo rumeysan waayi jirey inaan basharka lamid ahay. Iminka uma arko wax weyn qofku inuu yeesho wax uu khalqiga kale kaga duwan yahay; se waagaas musiibo reerkayaga ku habsatay baan isu aqaanay!
Muddo kadib waxaa dalka soo wajahday xaalad adag, dagaalo ayaa soconayey, dadka waa la leynayey, raggii oo dhan duurka ayay galeen, maalin kasta qof deriskayaga ahaa ama aan garanayo baa la dili jirey, geelayagii badnaa habeen cad anaga oo daawadeyaal ka ah baa la dareersaday!
Xusuustii ugu qadhaadheyd ee qofkan adag ee ma naxaanka ah iga dhigtayi waxay ahayd mid xanuun badan oo naxaristii iga rartay;aniga iyo walaalkay Geedi oo sabarka guriga kusoo jeeda dhaan soo wadna ayaan aragnay siigada cas ee agtayada ka budh leh , walaalkay markiiba wuu dareemay inay yihiin kooxihii hubeysnaa ee dagaalamayey. carar baan baan ku idhi se wuu iga diidey isaga oo aniga iga werweraya, niman wejiyo ad-adag leh ayaa nasoo hor istaagay, labo qori oo caaro dhuuban leh buu dhankayaga kusoo fiiqay, mid kamida ayaa yidhi; “war ninka dil maanuu ahayn ninka Aabbihii jabhadka yahay ee ina C/kariin” !
Isla markiiba shan xabadood oo si raac ah ayaa lagu tiriyey, dhiigiisii ayaa igu soo duulay oo maryahaygii iyo wejigaygii sida biyo dhagax lagu tuuray iigu duulduulay..!
W/Q EESHIYA HENE
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply