MADAXWEYNIHII TAREENKA KA DHACAY ASAGA OO GACA CAD EE LA AQOON WAAYAY

 

 

Abbaaraha 3 [9-kii] saac oo habeenimo bishii may 1920kii,  ayaa madaxweyhii faransiika Paul Deschanel, tareen ka raacay goobta tareemada ee Gare de Lyon, ee Baariis, wuxuuna u sii jeeday magaalada Montbrisson. Tareenkii habeenkii oo dhan ayuu socoday, qof dareemayna ma jirin maqnaanshaha madaxweynaha.

Waxa dhacay waa, in madaxweynuhu markii uu soo casheeyay uu yimid qolkiisii gaarka ahaa, in kasta oo kulayl jiray hadana waxa uu u sheegay adeegihii in uu dariishadaha u xiro qolka, waayo wuxuu dareemayay hargab yar in uu hayo, wuxuu kale oo uu amar ku bixiyay, in aan hurda laga kicin tan iyo hal saac subaxnimo laga gaarayo oo aan cidi ku soo garaacin ama u soo gali

Waxaase huradadii ka kiciyay hal saac ka dib kulayl, wuxuuna furay darashadii qolka ee hoos u furmayay, ee loogu tala galay in madaxweynuhu uu dadka u imaanaya joogsiyada tareenka si ay u arkaan uu ka salaaamo, ayada oo aan loo baahan in uu tareenka ka dago.

Qaybtii hoose ee dariishada ayuu dajiyay, wuxuuna isku dayay in qaybta kore kor u qaado, waana u suurtoobi weyday, ka dib xoog ayuu ku maquuniyay si uu dariisha kor ugu qaado, balse asagii ayaaba daaqada ka baxay, ayaan wanaag tareenku aayar ayuu u socday, halka uu ku dhacayna waxay ahayd goob caws badan.

Isla xilligaas Andre Radu oo ka shaqeeya dhimaha jidadka tareemada oo shaqo ka soo baxay ayaa Meesha marayay, wuxuuna arkay qof joogsi socod ku jira, markii uu u soo dhawaadayna wuxuu arkay foolka dhiig kaga yaal, uuna qabo dharka jiifka, waana caga cadaa, wuxuuna u maleeyay in uu yahay nin sakhraansan, kolkaas ayuu yiri

War waayo?

Waa aniga Paul Deschanel, dhaawac ayaa isoo gaaray

Ninkii oo u maleeyay in uu ku ciyaarayo ayaa yiri

Cirkaan ka imid saxuunta duushaa ku imid maad iska dhahdid?

 

 

 

Ninkii markii uu arkay dhaawaca ku yaal iyo dhiiga, ayuu guri Meesha ka dhawaa oo lahaa nin waardiya ah oo layiraahdo Dario, geeyay wuxuuna ku yiri dadkii guriga lahaa

Ninkaan wuxuu yiri waxaan ahay mudane Paul Deschanel, waxaan u malaynaa jug xun ayaa madaxa ka soo gaartay, waa isku dhex yaacsan yahay.

Si kastaba xaskii ninka guriga lahaa waxay bilowday in ay dhaawacii ka dhaydo, ninkeediina waxuu aaday in uu u yeero askari iyo dhaqtar, sidoo kale wuxuu sii maray gootii tareenka oo u sheegay in nin yiri

waxaan ahay Paul Deschanel, waxaana ka soo dhacay tareenka madaxtooyada,haddana uu gurigiisa joogo. qoladii tareenka ee uu u tagayse wax telegaraam ah uma diri degmadii laga xukumay tan kow iyo tabankii aroortii laga gaarayay.

Waardihii iyo xaaskiisii ninkii dhaawaca ahaa sariirtoodii ayay seexiyeen, waxaase layaab ku noqday dadkii meesha isug yimid markii dhaqtarkii uu yiri, waa sax ninkaan waa madaxweyne Paul Deschanel, aroortiina waxaa yimid guddoomihiyii gobolka, Montargis, oo madaxweynihii gurigiisa u waday, ka dib markii madaxweynihii uu aad ugu mahad celiyay ninkii iyo xaaskisii, xaasku waxay mar danbe tiri

Waan kartay anigu in uu yahay nin madax ah, waayo cagahiisu aad ayay nadiif u ahaayeen.

Intaas tareenku waa socday, habeenkii oo dhan, ayada oo aan cidna dareemin maqnaanshaha madaxweynaha, ayaa markii ay gaareen joogsiga tareenka ee magaalada Saint-Germain-des-Fousay, kow iyo toban saac iyo rubuc, waxa mid ka mid ah shaqaalihii goobtu telegaraam u keenay tareenkii, waxaana ku qornaa

Qof  sheegtay in uu yahay Paul Deschanel ayaa yiri tareenka madaxtooyada ayaan xalay ka dhacay.

cid rumaysata waa la waayay waxa meesha ku qornaa, waxayna u badiyeen in mid ka mid ah dadkii saarnaa tareenku uu dhacay iskana dhigay madaxweynihii, balse markii la baaray qolalalkii dadkii socdaalayay, dhamaan 53 qof ee socdaalyay qolalkooda ayay ku jreen, waxaana haray uun qolkii madax weynaha oo kaliya, shaqaalihii tareenkuna waa ku dhici waayeen in ay garaacaan illinka, sidas ayaa tareenkii ku dhaqaaqay.

telgraam kale ayaa soo gaaray oo leh, waan xaqiijinayay  qofkii dhacay tareenka waa madaxweynihii , markaas ka dib ayaa qolkiisii la galay loona tagay sariir cidla ah.

Dhacdadaas madaxweynihii murug ayay ku beertay, ka dib markii warbaahintii nooc kasta oo ay tahay ay maad ka dhigteen, wuxuuna shaqadii iska casilay 21 sebtember 1921dii.

DHAMMAAD

 

Leave a Reply