Oday qablax kursiga uu aroortii ku fariisto ayuu maqribkii ka kici jiray, habar suubana kirliga shaaha ayay dabka ku haysay maalintii oo dhan, marti badan ayaa guriga imaanaysay, dhamaantoodna u hambalyaynayay odaga iyo habarta,
Walle geesi baad dhasheen, la aantiis beeshu waa jabi lahayd, kaligiis ayaa toban cadowga ah meel ku helay oo cayrsaday, siddeed waa dilay labana dirqi ayay ku fakatay, mujaahid laba maahan, wiilkiinaa u horeeya, sharafta beesha ninka dhulka qaaday oo samada geeyay wa wiilkaad dhasheen,
Oday qablax gows danbeedka ayuu ka qosli jiray, suubana mashxaradeeda laga seexan waayay, farxada foolashooda ka muuqatay qiyaas malahayn markii qof u yimaado oo geesiga ay dhaleen ugu hambalyeeyo, beeshooda iyo beel kale oo ay cadow yihiin ayaa dagaal ka dhex socdaa, wiilkooduna qayb libaax ayuu ka qaatay, run iyo been waxay tahayba, waxaa loo sheegay in wiilkoodu laayay cadowgii, in uu dhiiggii cadowga ku fool dhaqday, hadde ku fool dhaqday dhab ah, sidii qof weysaysanaya.
Maalintii danbe asaga oo dhaawaca ayaa guriga loogu keenay, xabbad ayaa labada lugood isku martay, jilbaha in yar ka kor, amankaaga helay odagii iyo habartii waxay ahayd, cid u timid oo wiilkii see tahay tiri maleh, agtooda cid ka soo wareegtay maleh, tolw dadkii wanaagsanaa ee idiin hambalyayn jiray maxaa helay? Tolkii maxaa ku dhacay? maalitii ay idiin baahnaayeen waa garab is taagteene, maanta oo aad u baahan tihiin xagay ka baxeen? Â Weydiimahaas murugta xanbaarsan ee afaka aan laga sheegi karin, ayay uurka iska weydiinayeen.
Dhib hor leh ayaa soo fool saaray lamaanihii geesiga dhalay, lacaga wiilka lagu daaweeyo ma hayaan, oo awalba asaga ayaa u shaqayn jiray, asagiina waaba kan in la daaweeyo u baahan, xaajigii cidda ugu dhaqaala roonaa markii ay u tageen oo dayn nasii aan wiilka isbitaal ku gayno yiraahdeen, kitaab jaamaca ayuu wuxuu ku maray in uusan shilin haysan, waa ogyihiin in ay beentiis tahay, oo maalin kasta rasaas ayuu gadaa, aagga hore ee dagaalka loo qaado.
Talo waxay ku ekaatay in wiilkii kab soomaali la saaro, balse lacagtii daawada oo qallajiyaashu ugu horeeyeen aan fara lagu hayn, markii xanuunku ka bato oo uu cirkaas wiilku qaylo u dhigaba laba xabbo oo kiniini qandha jabiya ah oo dariska laga soo qaaday, ayay siiyaan, wax badanse kuma aamusnaado, waa haddii ay xanuun ka jabiyaane.
Muddo markii ay sidaas ula rafaadayeen dagalkiina dhamaaday, odayaashii shalay dhallin yarada isku dirayna ay makhaayadaha shaah ku wada cabayaan, ayaa maalintii danbe islaan beeshii cadowgooda ahaan jirtay oou beer jilicday u timid una sheegtay in wiilka isbitaal wanaagsan la geeyo, ayaduna kharajka ku baxa ay dhiibayso, si wanaagsan oo kal iyo laab ah ayay ugu duceeyeen, islaanti cadowgooda ahayd, sidaas ayaa wiilkii dhaqtar loo geeyay.
Dhaqtarkiise hadal wuxuu ku bilaabay, maxaa inta uu sidaan noqonayay u haysateen? Maxaase helay wiilka? Yaa xabbada ku dhuftay? Odaygii iyo habartii waa ka xishoodeen in ay yiraahdaan dagaal beeleed ayuu sidaan ku noqoday, waayo, waxaa imaanaysa beeshii uu u dhaawacmay maxay u daaweyn weyday? Jawaabna uma hayaan, haday jawaabaan xataa maxay oran kareen? Jawaab dhaqtarka waxaa ugu filnayd ilamdii ka timid indhaha duq suuban iyo hoos u foorarkii oday qablax.
Dhaqtarkii wuxuu u sheegay in wax raja ah aysan lahayn lugahaan, oo boogtii xumaatay iskuna badashay xule {kansar} xalka kaliyana uu yahay in la jaro, oo waliba meel kore laga jaro, talo waa tii rabbi, tii dhaqtarkana waa la qaatay, wiilkii oo aad u malaysid in uusan luga ku dhalan ayaa aqalkii dib loogu soo celiyay, hareeraha ayay maalin walba ka fariistaan wiilkii madiga ku ahaa, ayaga oo aamusan, dhibkaan in ay ayagu u gaysteen wiilkoodana waa ay gar waaqsadeen ugu danbayn, waayo haddii markii hore aysan ku dhiirri galin lahayn oo aysan bari lahayn, reer hebel baa nahay, laandheere ayaa nahay, beeshaada baalka kaga jir, oo aysan dad walaalahooda aysan wiilka u tusi lahayn in ay yihiin cadow giisa koowaad, dhibkaan maanta kuma yimaadeen, wiilkooduna suuqa ayuu mari lahaa sida kuwa ficiisa ah, una soo dhaqayn lahaa, burjikadaan dansana waa shidnaan lahayd, waxay jidiinka mariyaana waa heli lahaayeen.
Saddex ma liibaane oo is hareer fadhiya oo qofkii aqalkooda hor marayaba jalleeco kana sii dhaqaaqo ayay noqdeen, gacan dad kuwa ku nool ayay noqdeen, allana kama dhigin ee ayagaa iska dhigay, qabiil jacayl ayaa ka dhigay, soomaali nacayb ayaa ka dhigay.
 Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply