Waxaa taas sii dheerayd Haashim hooyadiis oo soddohda idil ahayd ayaa Iyana qayb wayn ku lahayd farxadda idil ee qoyskan, waxaana la dhihi karay aad ayey isku fahmeen idil oo waxayba noqdeen saaxiibo gaar ah oo is fahamsan.
In soddohdaada aad saaxiib noqotaan sida badan nolosha guurka ku salaysan kuma dhacdo, dumarkase waa kuwa kala nasiib badan, qaarna sida idil oo kale ayey soddohdu u noqotaa qaarna waa uga duwanaataa oo ayaga oo ah marwooyin fiican ayaa lagu sallidaa Soddohda oo aakhirka sababta in gurigooda uu dumo.
Mar walba oo Cadaadis uga yimaada Qaraabada Qoyska waxaa jilbaha u aasan jiray oo difaaci jiray soddohda idil waa Haashim hooyadii oo dhihi jirtay “iiga leexda gabadha ma idinka ayaa awlaadda farqaha ku sita, awlaadda waa deeq Alle baxsho, gabadhaydan idil waqtiga uu Alle ugu tala galo ayey helaysaa awlaad, inta ka sokaysase ima qusayso dhalma la’aanteeda ee waxaa I quseeya dhaqankeeda”
Idil waxaa la dhihi karay waxay usoo dul qaadatay af xumo fara badan, ma ahan oo kaliya hadalada ay kala kulmayso dadkan oo wararkan iyo kuwa kasii xunba waa usoo horeeyen oo iyada oo nolosha guurka ku cusub ayey usoo dulqaadatay, hadana ma ahan kuwan kuwa ka hor istaagaya in ay gudato waajibkeeda Dumarnimo.
Xaqiiqda marka laga hadlo hadalada dadka afkooda kasoo baxaya waa kuwa saamayn balaaran ku yeesha qalbiga qofka loogu dan leeyahay dhinac ay doontaba samayntaas ha ahaato, balse waxa muhiimka ah ayaa ah qaabka uu qofka uga jawaab celsho, taas oo iyana la dhihi karo waa midda saamaynta sii yeelata.
Guurka imitxaankiisa ugu horeeya wuxuu billowdaa marka aad toddobada ka baxdo oo haddaad tahay rag iyo dumarba midkood aad su’aalaha bulshada kaaga imaanayo si u wajahayso.
Qaabka ay dadka wax kuu waydiinayaan ayaaba ah qaab laga yaabo in qalbiga qofka uu dhibsado, qof walbase culayskiisa ayaa haysta, maadaama guurka uu yahay is baddala laga rajaynayo in uu nolosha si saamayn ugu yeesho, la yaab ma lahan in su’aalhiiisa ay hadba qaab yeeshaan.
Maalmaha hore waa qaabka shaqada aad u gudatay oo wax lagaa waydiinayo, bil marka ay dhamaatana waxaa kusoo xigto in lagu waydiiyo bal in ay siyaado jirto iyo in kale, waana markaas marka uu billowdo cadaadiska iyo culayska xaga maskaxda ah ee wada fuula Sayga iyo Marwada dhaqaya reerkaas cusub.
Rajada guurka waa in ay wax soo siyaadaan, maadaama wax la sugayo ay jiraan, dadku kuma qaldana in ay waydiintoodaas wataan, isku garashase maahan dadka, oo dadka qaar ayaa fahamsan in aysan wacnayn is waydiintaas ku saabsan in reerku uu siyaado yeeshay iyo in kale.
Haddii ay siyaado jirto waydiintaas waa mid ay ku raaxaystaan labada qof ee reerkoodu cusub yahay, inta badan oo ay jawaabtoodu noqoto haa waa inta badan oo loo hambalyeeyaa, su’aalahana ay kasii yaraadaan.
Idil horey ayey uga soo daashay waydiintaas iyo dhowridda wax laga dhowrayo, taas baddalkeedana iskuma mashquulin jirin in ay jawaab u raadiso su’aalaha uga imaanayo dadka qoyskaas qaraabada iyo asxaabtaba la ah.
Idil way ogayd waxa ay u taagantahay iyo waxa ay doonaysay, marnaba ma ahayn kuwa wax ka baddala hadalada dadka dareenkeeda iyo doonista waxa ay doonaysay, sidaas darted, waxay ahayd mid aan u jawaabin dadka ay is leedahay jawaabaha kaama mudna sida dadka ay xididka yihiin iyo dadka mudnaanta gaarka ah leh ee qoyskaas ka tirsanaa sida soddogeeda oo kale.
Waqtiga waa mid isku baddala sida dabaysha duulaysa oo kale taas oo sidata mar walba Jawi saamayn ku yeesha halka ay ku dhacdo dadka ku nool, Dabeesha waa mid mararka qaar bishaaro sidata, mararka qaarna Balaaya sidata.
Idil maadaama ay Cadow badan iyo asxaab badanba ku dhex yeelatay qoyska haashimka ay u dhaxdo waxaa sii kacayay maalin walbe dabeesha xun ee balaayada wadata ee ay kicinayeen dadka ay ehelka ka dhigatay una ixtiraamto qoyskeeda waa xaasaska haashim uu la qabo.
Dabeecadda dadka ayaa ah in qofka u naxariista ee mar walba u jilicsan dhankooda ay ku adkaadaan isla markaana u arkaan Doqon aan is difaaci Karin, waxaadna ka garan kartaa haweenkii ay mar walba ku guubaabin jirtay in ay qoyskooda xajistaan isla markaana isku dayday in ay naxariis iyo wanaagba tusiso ayaa iminkan sida dabaysha balaayada ee lagu bur burin lahaa Idil.
Wax la joogaba waxay ku heshiiyeen xaasaska haashim sidii idil guriga looga saari lahaa ayaga oo ku tashaday in haashim aan la siin nasiino uu gurigooda ku joogo mid walba uu booqdana ay culays ku saaraysay in uu furo.
Lama oran Karin furriinka ay ku hanjabayeen doonistiisa daacad ayay ka ahayd, ee waxay ahayd faduulin iyo cadaadis saarid ay haashim saarayeen, ayaga oo u ekeesiiyay sheekada in ay tahay mid ay la qabaan qoysaskooda ay ka dhasheen.
Dhagarta dumarka waa mid aad u daran, Allaha abuurtay ayaana inoo sheegay, waxa ay doonaana sida ay u doonayaan ayey u quruxsadaan waxa aysan doonayna waxay mariyaan Wasaq kallifta in waxaas aan mar dambe lagu hammin.
Isbahayisgaas ay sameyeen xaasaska haashim waxaa si kore ugu riyaaqay aabaha haashim oo runtii rabay in haweeney kale oo wax soo kordhin karta ay soo gasho qoyska maadama idil ay muddo joogtay qoyska wax ay kusoo kordhisayna aysan jirin, waa siduu markaa u arkayay.
Dadku ma eegaan Tayada qofka ee waxay eegaan waxa uu qofku soo kordhiyay, waxaana taa u sabab ah ayaa la oran karaa Baahida iyo rajada ay qabaan mar walba, tayada idil aad ayay uga sarreesay dumarka kale ee qoyska ka midka ah, balse, yaa taas u jeeda? waxa loo jeedo ayaa ah wax qabad iyo waxa uu qof walba astaan ahaan u muujin karo taas oo ah Owlaadda.
Dumarka mid walba midda ay ka caruur badan tahay waxay aaminsantahay in ay uga sal adagtahay Qoyska, waana run ayaa la oran karaa maadaama saldhiga guurka ugu muhiimsan uu yahay in Dad la keeno Dunida, Dadka qaarse fahamka nuucaas ah ma qabaan, oo waxay qabaan in guurku yahay Geed la harsado oo la doonayo in saldhigiisu noqdo is faham labada qof ee wadaagaya dhex mara.
Xaqiiqda ayaasa ah abaal marinta Jacaylka labada qof ee Guurka ku bahooba dhax mara in uu yahay ilmaha, kuwaas oo sida badan la dhihi karo wax badan oo la iskugu sabri lahayn ayey waddadooda noqdaan in la iskugu sabro, balse waxaa inaga maqan sabarka ah in haddii la waayo taas aysan ahayn mid lagu cowriyo ama lagu eedeeyo qofka wax laga sugayo oo ah haweenayda.
Eedda waayidda ama soo daahista ilmaha mar walba waxaa lagu eedeeyaa haweenka, balse dhabta taas ma ahan, mararka qaar ciladda waxay noqon kartaa dhanka raga oo laga yaabo in aysan la jaan qaadi Karin hormooniska haweenka qaar.
La soco…..
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply