Idil runtii waa ku rafaadday meesha oo 24 saac ayey foolanaysay, intaas marba waxaa la dhageesanayay ilmaha uurkeeda ku jira xaaladda ay ku sugan yihiin, mar walbana jawiga ilmaha in uu dagan yahay ayey xaaladdu u muuqatay taas oo dhaqaatiira ku tartarsiinaysay in aysan kula dag dagin qallliin oo ay sugaaan inĀ xaalku si iskiis ah isku baddalay waxa kaliya ay wadeena kaalmaati xanuunka u kordhiya ayey la daba socdeen.
Xaalka idil wuxuu ahaa mid iska garguuranaya oo waqtigu wax uu is jaraba waxay foodda lasii gashay maalintii saddexaad oo ay fool ahaan u joogto isbitaalka, idil waydiimo badan ayaa laabteeda buuxiyay, tallow maxaad sidda, waligeed mala arkay qof dumar ah oo saddex maalin foolanaysa, sidan haddaad kusii socoto muxuu noqon doonaa xaalkaaga, mar walba alle bari ayey ku jirtay ah in iyada iyo ubadkeedaba Alle nabad galsho soona kala keeno.
Waqtig waa xilli casirliiq ah si lama filaan ah ayey xaaladdu mar qura isku baddashay, idil waxaa qabtay xanuun kii ugu darnaa, waasa kii soo gabagabayn lahaa arrinkan soo taxnaa muddada saddexda bari ah. Idil wax la dhahaba riix rixii riix markii dambe alle waa kala keenay, maxaa dhashay? wiil ayaa dhashay, intii wiilka la eeg eegayay ayuu hadana wiil kale kafka idil soo galay, ma jirin cid filaysay xitaa idil, awalna cid qalab ku eegtay ma jirin, idinlana ismaba dhahayn laba Mataano ayaa siddaa.
Sidii ayaa mar labaad looga foolshay cunugii labaad, idil markan riyadeeda waa rumowday maanta ayey dhabteeda ku haysaa laba wiil uu Eebe ku mannaystay, naaskeedana ku quudinaysaa.
Hambalayada waa iska soo daba dhacaysay ducada iyana meesha kama marnayn, gabadhii ilma habreedka ahaayeen ayaa u timid habeenkaana kula hoyatay isbitaalka subixi dambana kasoo saaratay, Idil iyo wiilasheeda waa wada caafimaad qabaan xoogaa dhiig bax yar oo idil kasoo gaaray dhalmada ma ahee dhib kale ma jirin, idil waa nabad qabtay inkastoo ay dareemaysay xoogaa daciifnaan ah taasna sababteeda waxay ahayd foosha saddexda bari socotay, idil iyo walaasheed gurigood ayey kusoo laabteen.
Nolol cusub ayaa u bilaabatay idil, saaka wuxuu waaga ugu baryay iyada oo hooyo ah ayna u rumowday mid ka mid ah himilooyinka ay waligeed ku hammin jirtay, iminkan waxa ay bilaabaysaa in ay ka fakarto qaabka ay u bar baarin doonto ubadkan kusoo biiray nolosheeda.
Is waydiimo badan ayaa jiray oo dhex guuxayay qoyska ay ka dhalatay idil balse iyada waxaas oo dhan dhag jalaq uma siinayn maxaa yeelay waxay la noolayd xaqiiq nolosheeda ah oo aysan inkiri karin waxna ka baddali Karin iyadana aysan dooran in ay sidan ahaato balse xag alle ay ka ahaatay waddada u furan oo kaliyana ay tahay in ay ku aqbasho wax walba sida ay ugu yimaadeen.
Nolsoha sideedaba doorasho kuma lihid sida ay kuu soo wajahayso balse sida marka ay kusoo wajahdo aad u qaabili karto uguna noolaan karto doorashadeeda adiga ayaa leh idilna qaacidada ah in ay doorato qaabka ay ugu noolaan lahayd xaqiiqdan nololeed ayey qaadatay.
Guuxa dhex guuxaya dadka iyada waxay ka soo qaaday wax aanan qusaynba warxumadoodana dhag jalaq uma siinayn, muxuu kaa tarayaa qof aanan caawa intan ku cashee ku dhahayn hadalkiisa iyo tala bixintiisa, waa is waydiinta badan ee dhiiri galisay idil ee ka dhigtay in ay nolosheeda sida ay jeceshahay ugu noolaato una qaabisho.
Xaaladahan dhibatada badan ee nolosha marka ay sidan oo kale kuula soo gudboonaadaan waxaa loo baahan yahay in aad la timaado dhabar adeeg aad ah oo aad ku qaabishaa xeelad iyo xal wanaagsan oo ka yimaada niyaddaada, waa in naftaada iyo adigaba aad u midowdaan in aad mowqif mid ah ka wada qaadataan xaalkan oo kale.
Idil korriimada wiilasheeda ayey dhexda u xiratay allena wuu ku garab galay runtii maadama ay lahayd goāaan ah in aysan marnaba dib ugu noqon gadaal oo nafteeda iyo maankeedaba waxay ku midaysay in ay wada yeeshaan hadafka ah in ay u wada halgamaan in ay wiilashan yar yar usoo saaraan si ka duwan sid iyada loogu soo saaray Dunida.
Nolosha waa macallin ku bara wax aadan aqoon u lahayn amaba aadan ogayn in ay jiraan, waana tan kugu qasabta in aad la noolaato wax marka hore la noolaatooda maankaaga uu diidi jiray.
Waa sida ay tahay, xaalad walba sida ay kuu soo wajahdo ayaad ugu qasbantahay in aad ula dhaqanto, idilna waa ku qasbanayd ayaa la dhihi karay xaaladda ay manta dhex joogto la noolaanteeda.
Waxaa kale oo nolosha ay cajiib ku leedahay in wax aad raadintooda ku daashay ay kugu soo galaan si kale oo aadan marnaba ku fakarayn, taas waxaa laga baran karaa in waxa gacanteena ku jira xitaa aanan fakar ka haysan waxa ay noqon doonaan mustaqbalka.
Dunida waa mid la yaab badan hadana dhib badan. Waa shibane shaqadiisa wata, waa ma jixinjixe aan nixin oo marna naxariis aad ka hesho marna aad ku nasan wayso, yeelkadeedee qof walba farxad ayuu doonayaa sida uu doono farxaddaas ha ku helo.
Idil intaas oo guur oo reera kala duwan ay Xidid la noqotay ayey soo martay, taas waxaa usii dheeraa nolosha kalinimada oo cabaar ay iyana ku noolayd, way ogayd mar walba in wax ka maqan yihiin waxa ka maqnaana waxay ahayd owlaadda ay manta haysato sida ay doonaanba ha ku soo galaan.
Xanuun mar walba ay tabanayso wuu jiray hadana xaaladda culus ee sugayso ayaa ka dhaga tirtay waxa dadku ay sheegayaan, sidaas darteed ayey ugu qasbanayd in ay ilmaheeda dhexda u xirato.
Hooyo aan la heli Karin oo taariikhda xusto ayey noqotay, si wanaagsan oo qurux iyo raaxaba leh ayey ilmaheeda u korsatay xoolo ku filana waa u tacabtay inta ay kari kartay, sidoo kale waxay aad ugu dadaashay in ay ilmaheeda si wanaagsan wax u barto.
Wiilasheeda midna iyada ayuu kala wareegay shaqadii, qoysna wuu yeeshay kii kalana wuxuu waxbarasho u aaday dibadda idilna iyada oo farxad iyo daganaan qalbi ku nool ayey shaqadeeda la wadday wiilkeeda.
Halgankii idil ee nolosheeda halkaas ayuu kusoo idlaaday, nolosha waa sida aad u samaysato iyo sida aad u aaminto, sidoo kale sida aad ula dhaqanto xaaladaha ay kuula timaado ayuu mustaqbalkaaga ku xiran yahay.
DHAMMAAD.
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
La socoā¦..
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply