Idil fakarka sakan walba nolsoheeda hareeyay wuxuu ahaa ilmahan caloosha waaba galeenee marka ay soo baxaan muxuu noqon doonaa mustaqbalkooda, bari ka maalin su’asha ah aaway hooyo aabaheen maxay uga jawaabi doontaa, dhallaan noocee ah ayuu noqon doonaa ma Dhedig mise Lab, bulshada sidee u aqbali doontaa, ilaa intee iska dhaga tiri doontaa su’aasha ah aaway ilmahan aabahood?
Nolosha waa mid caqabado badan waxaana la yiri inta caqliga u saaxiibka ah ayaa doorata in ay wajahaan caqabadahaas xanuunka badan ee nolosha kasoo gaarto inta aan caqliga u saaxiibka ahayn oo kalsooni darrada dilootayna waxay isku dayaan in ay mar walba ka cararaan, balse su’aashu waxay tahay noloshan oo ah Buuro is daba yaala marka aad buur korto oo ka dagtana ay mid kale ku sugayso in aad korto, ilaa intee ka cararaysaa koridda buuraha is daba yaal ee nolosha, in aad cararto oo dhibsato miyeey nolosha kaaga haraysa? jawaabta waa maya, oo kaliya waxaad joojin doontaa koridda buuraha oo caqabadaha nolosha ka dhigan maalint ay nafta kaa baxdo, inta ka sokaysa waad ku qasbantaay in aad wajahdo.
Idil qofkaas caqliga badan ee fahamsanaa sida ay nolosha u dhigantahay ayey ahayd, maadama ay jireen su’aalo iska horimaanaya oo nafteeda mashquuliyay hadan iskuma wada mashquulinayn in ay jawaab u hesho su’aalaha iyo xaaladaha isi sawiraya ee mustaqbalka.
Waxay markaas diiradda saaraysay sidii ay jawaab ugu heli lahayd waaqica markaa taagan waa xaaladda markaa haysatay iyo su’aalaha markaa ku taagnaa oo ay jawaabaha ku haboon ka fakaraysay.
Waa imtixaan adag runtii adiga oo qof dumar ah oo cid ku taageeraysa aysan jirin dadka dad kuugu sokeeyana dhabta nolsohaada haddii ay ogaadaan waxa aad ka filayso ay tahay dhibaato dhan walba ah, yaad u ciirsataa, yaasa waheshataa, yaasa caawin waydiisataa?
Idil waxay ogayd nafteeda maahanee cid kale in aysan haysan qasabna ay tahay in ay nafteeda u diyaariso wajihidda xaalad walba oo adag oo kasoo gaarto arrinkan ay hadda dhex maquurto.
Nasiib wanaag dhaqaala ku filan waa haysatay oo maanta ma ahan mid ka walwalaysa wax ay cunto iyo meel ay ku hoyato, taas macnaheedana waa in aysan qofna wax uga baahnayn, in aad qofna wax uga baahnayna waxay ka dhigantahay in aad asturantahay oo xaalkaaga iyo adigaba aad ilaa xad ka asturnaan kartiin in aad marti u noqotaan meel aan mudnayn in marti loo noqdo oo naftiina aysan ku faraxsanayn.
Idil nolosheeda hore ayaa iska ahayd mid qasan oo dhib iyo muruga badan taas oo ay kasoo gudabtayna waxay hadda ay taagantahay go’aansatay in mustaqbalkeeda iyo ubadka ay caloosha ku siddaba aysan murugo marti u noqon mar dambe.
Waa xaalad aan la inkiri Karin runtii xaaladda ay ku jirto, balse waddo kale uma furnayn aan ka ahayn in ay la noolaato sida ay tahayna ku aqbasho si nolosha horey ugu socoto, waxayna ogayd in howl badan oo adduunyo ay sugayso taas oo u baahan mas’uuliyad adag, maxaa yeelay, sidan hadduu noqday calafka nolsoheeda ma ahan in ay baroor iyo ba’ay meel la fariisto.
Waxay lahayd mar walba riyo ah in ay ka gudubto caqabadaha nolosha dhankeeda kala soo darsa ma ahayn mid ku mashquusha is waydiinta su’aalo badan oo aan munaasab u ahayn nafteeda in ay waydiiso, go’aankeeda wuxuu ahaa wax walba oo nolosha ay kuula timaada sida ay yihiin u qaado oo kula dhaqan.
Idil go’aanada adag ee ay nolosheeda u qaadday ayaa ka kaalmeenayay in su’aalaha iyo wararka dadka dhankooda kaga imaanayay aysan dhag jalaq u siin oo nolosheeda sida caadiga ah isaga wadato.
Ma jirin runtii qof saaid ugu mashquulayay uurkeeda iyo xaaladaheeda nolosha, qof walba wuxuu ogaa in inantan ay tahay inan dadaal badan oo shaqo iyo shaqsiyad wanaagsanba leh, sawirkaas wanaagsan oo ay nafteeda horey ugu sameesay ayaa ka kaalmeenayay in aan lagu mashquulin, maxaa yeelay ma jirin qof si gaar ah isugu mashquuliyay ilmahan ay caloosha ku siddo aabahood iyo waxa ay yihiin dhamaan.
Waxay ahayd qof dumar ah oo isku filanaan muujisay, taas ayeyna ahayd sababta aysan dadku iskugu mashquulin xaaladaheeda nolsoha ee hoose, qof walba wuxuu aaminsanaa ama u sawirmayay in ay nin leedahay maadaama ay tahay isku filan ninka ay rabto guursan karto sida ay rabtana nolosheeda u dooran karto marba haddii aysan hoos tagayn oo ka madax banaantahay baahida dhanka dhaqaalaha ee dumarka qaar raga u hoos tagaan.
Isku filnaanta qofka uu ka gaaro heerka noloshiisa waxay soo gaabisaa in qofku ku tiirsanaado baahida qof kale taas marka uu qofku ku guulaystana waxaa asturmaya dhammaan baahidiisa oo dhan waxaa kalooo asturmaya ceebtiisa iyo wax walba oo mujin lahaa sawir xun ama daciifnaan, idilna runtii guusha ay ka gaartay dhanka nolosheeda ayey harsanaysaa hooskeeda maanta.
Idil markan waxa ay ka fakarayso ma ahayn dadka maxay leeyihiin ee waxay ahayd mustaqbalka ilmahan caloosheeda ku jira sida ay u maarayn lahayd uguna tarbiyeen lahayd tarbiyo wanaagsan maadaama xaalad nololeed oo adag ay iyada soo martayna waxay ahayd mid ayaga u diyaarinaysa in ay wajahaaan xaaladaha adag ee noloshooda horyaal oo ay ugu horeyso midda aaba la’aanta.
La soco…..
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply